Tag: kenya
Dowladda Kenya ayaa ka hortimid warqaddii kasoo baxday wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ee loo diray guddiga doorashada Jubaland, taasi oo lagu sheegay in haddii guddiga uusan wax ka badalin hanaanka uu u wado doorashada Jubbaland, inaysan beesha caalamku aysan taageeri doonin natiijada doorashadaas.
Dowlada Kenya ayaa dadaal xoog leh ku bixinaysa sidii ay ugu fariisan lahayd mid ka mid ah kuraasta Guddiga joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,iyadoo weliba taageero u raadineysa sidii ay u milkin lahayd badda Soomaaliya ay leedahay oo haatan dacwadeedu taal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.
Danjiraha Kenya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, Robinson Njeru Githae oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan damacsaneyn inay si khasab ah ku xirto Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qoxooti tiro badan oo Soomaali ah.
Maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa diidday codsi
ka yimid qareennada difaacaya madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta kaasoo
ahaa inuusan madaxweynuhu goobjoog ka ahaan karin dhageysiga dacwaddiisa oo
bishan billaaban doonta, balse maxkamadda ayaa diidday codsigasa, kuna amartay
Kenyatta inuu kasoo qaybgalo dacwaddiisa oo meel xasaasi ah maraysa, sida ay
qortay wakaaladda wararka ee AFP.
Somali Ministry of Information releases an undated photo of Hassan Haji Hanafi showing scars on his face. The Ministry says Hassan Hanafi went to Kenya to receive treatment following bullet injuries he sustained after military offensive by Somalia government forces and AMISOM on Buloburte town in central region of Hiran.
Ciidanka Kenya ayaa sheegay in magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari kenya ay ku xireen labo qof oo looga shakiyay in ay xiriir la lahaayeen weerarradii ka dhacay Suuqa Westgate magaalada Nairobi iyo deegaanka Mpeketoni, xilli ay doonayeen in ay ka tallaabaan xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa baariays saraakiil booliiska Kenya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay geysteen ku kaceen falal ay ka mid yihiin; baad, jirdil iyo weerarro ula kac ah intii ay socdeen howlgalladii ay ka sameynayeen ciidamada Kenya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah xaafad ay dadka Soomaalida ah deggen yihiin.
Sida lagu qorey jariidada The Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa lagu qorey in booliska dalka Kenya ay gacanta kusoo dhigeen muwadin Saudi Arabian ah oo lagu magacaabo Axmed Hanas oo ku sugnaa xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaala xeebedka Lamu,sida ay booliska ay sheegen waxa uu doonayay in uu kusoo biiro dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.
Kenya: The Somalia Government has declared support for the ongoing security crackdown in Kenya but called for humane treatment of those arrested. Somalia ambassador to Kenya, Mohamed Ali Nur said his country supports deportation of illegal migrants, but opposed any attempts to treat all Somalis as suspects.
Wasiirrada arrimaha
dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo
Marwo Aamina Maxamed Jibriil ayaa maanta la filayaa inay yeeshaan kulan
muhiim ah oo looga wadatashanayo go'aan ay dawlada Kenya ku doonayso
inay dib ugu celiso Soomaaliya qaxootiga nus-malyuunka ah ee ku jira
xerada qaxootiga ee Dhadhaab.