Tag: jowhar

Doorashada Kursiga Xildhibaannimo Beesha Cali Madaxweyne oo ka socota Jowhar

Waxaa goor dhow Hool ku yaalla magaalada Jowhar ka bilowday Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali madaxweyne, kaasoo ay ku tartamayaan illaa Lix Musharax oo uu ka mid yahay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kursigan horay u waayay, markii uu qabtay xilka Taliyaha NISA.

Wasiirkii labaad oo iska casilay Golaha Wasiirada Hirshabeelle

Wasiirkii labaad oo ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa iska casilay xilkii uu u magacaabay Madaxweyne Waare, iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka dhalatay magacaabista Golaha Wasiirada, oo ay ka hor-yimaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare oo soo wajahay caqabado la xiriira magacaabista Golaha Wasiirada

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wajahaya caqabado uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku aadan dhismaha Golaha Wasiirada, iyadoo kulamo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Jowhar uu ku dhamaaday is faham waa.

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo saaka gaaray magaalada Jowhar

Madaxda qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka iyo wafdi ballaaran ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Caleema saarka Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii galabnimadii shalay uu furay shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay Jowhar (Sawirro)

Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka dhacay magaalada Jowhar.

Ciidan Booliis ah oo maalintii labaad gacanta ku hayo dhismaha Radio Jowhar

Iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow uu amar ku bixiyay in Radio Jowhar uu kaga guurto 24-saac gudahood  dhismaha uu ku shaqeyso ayaa maanta xarunta idaacaddaas ciidammo ka tirsan booliiska degmada Jowhar, kuwasaoo hawada ka saaray idaacadda maalintii shalay aheed.

Xoogagga Al-shabaab oo gudaha u galay degmada Jowhar Muddana ku sugnaa

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay xalay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, kaddib weerareen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmadaas, iyagoo muddo koobanna la wareegay gacan ku haynta goobo muhiim ah.

Bac-madow Waxyaabaha Qaraxa lagu Qariya oo lagu Qabtay Magaalada Jowhar

Ciidamada Amniga ee degmada Jowhar ayaa xalay gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo lagu qariyay bac-madow, taasoo lasoo dhigay bartamaha Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Askar ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Xalay lagu dilay Dulleedka Jowhar

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay duleedka galbeed ee magaalada Jowhar fiidnimadii xalay.

DAAWO SAWIRRADA: Booqashadii Madaxweynuhu ku tagay Jowhar, Xudur...

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo xildhibaano ayaa booqashooyin kala duwan ku tagay shalay magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Waajid oo ka kala tirsan gobolllada Shabeellada Dhexe iyo Bakool.

Cabdi Jiinow "oo ka hadlay dhibaatadii shalay ka dhacday Dagmada Balcad"

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad, kaasoo u dhaxeeyay ciidamo boolis iyo milateri, isagoo ku dhawaaqay in dhowaan Maxkamad la horkeeni doono cidii ka dambeysay dagaalka.

Cabdiwali Shiikh Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Safarkiisii ugu Horreeyay ku tagaya Jowhar

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe, iyadoo magaaladaas ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha.

Daawo sawiradda:sida loo gubay Dhul beereed lagu beeray maandooriyaha Xashiiska oo

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shalay ku gubay duleedka magaalada Jowhar dhul beereed ballaaran oo lagu abuuray maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka, iyadoo howl galkan uu ahaa kii ugu ballaarnaa uu sameeyay Maamulka.

Banaan bax looga soo hor jeedo ciidamada dowladda oo dhac geystay oo ka dhacay Jowhar

Boqolaal ruux oo badankood ay ahaayeen ganacsato ayaa maanta banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka gobolka Sh/dhexe waxa ay ka dhigeen degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Saddex ruux oo lagu la’ yahay dooni ku qalibantay biyaha fatahaada Jowhar

Saddex ruux oo ka mid ahaa dad saarnaa doon ay ugaga gudbayeen buqda Dhay-gawaan ayaa la la’ yahay kadib markii ay la qalibantay doontii ay saarnaayeen.

Qarax bambaano oo ka dhacay suuqa lagu iibio jaadka ee magaalada Jowhar ayaa geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa bambaanada gacanta laga tuuro oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada, waxaana qaraxan dhaawacyo ka soo gaaray ugu geeriyootay isbitaalka magaalada Jowhar mid ka mid ah haweenka ka ganacsada qaadka ee magaalada Jowhar.

Daawo sawirrada:Wadada xiriirisay Muqdisho iyo Jowhar oo isku badashay mid tahriib oo kale ah

Magaalada Jowhar ayaa wali ku jirta xaalad go'doon ah muddo ku dhow saddex bil, iyadoo bedelkii gaari loo raaci lahaa ay noqotay in doon loo raaco, sida magaalo jaziirad oo kale ah.

Guddiga Maareynta Masiibooyinka G/Sh/Dhexe Oo Dalbaday In Gurmad Lala Soo Gaaro Dadka Ku Barakacay Fatahaadda

Gudiga Maareynta Masiibooyinka maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in weli shacabka gobolkaasi ay dhibaatooyin ku qabaan saameynta fatahaaddii webiga shbeele ayagoo codsaday in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro.

Ciidammada Qalabka Sida oo kala dhexgalay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay duleedka degmada Jowhar “Dhageyso”

Ciidammo Xoogga DalkaCiidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa kala dhexgalay maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaanno dhaca bariga magaalada Jowhar kuwaasi oo iyagu qasaare isku geystay.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Diyaarad Helicopter ah oo sida deeq daawo ah oo ka degtay magaalada Jowhar (Sawirro)

Deeqdii u horeysay oo daawo ah oo ka socota dowladda Soomaaliya ayaa shalay la gaarsiiyay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaarad Helicopter ku tagay Jowhar, xilli magaalada go'doon

Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqado ka hor soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS