Tag: jawaari

Guddoomiye Jawaari oo shir guddoomiyay kulankii guddiga joogtada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiyada Joogta Golaha, iyadoo kulanka looga hadlayay sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka. 

Gudoomiye Jawaari oo laga gudbiyay mooshin lagu dalbanayo in aanu shir-gudoomin kulanka berri (Akhriso Qoraalka)

Iyadoo maalinta berri ah la filayo in Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si codka kalsoonida loogu qaado ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kulanka berri aanu shir gudoomin doonin Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.  

Jawaari “Dastuurka dalka u yaallo ma ahan KMG, ee Ansixintiisii ayaa KMG ah”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in dastuurka dalka u yaalla aanay aheyn KMG, isagoo xusay in dad badan ay wax isaga qaldan yihiin.

Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Maxamed Ibraahim Xaabsade

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeriga ku timid Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsame ooo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la kulmayo wakiilo uu ka mid yahay Nicholas Kay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta lagu wadaa inuu xafiiskiisa kula kulmo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, iyadoo uu jiro cadaadis caalami ah oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa xiisadaha siyaasadeed ee uu dalku galay.

Prof Jawaaro Oo Jawaab kulul Ka Bixiyey War Been Abuur Ay Saxaafadda Qaarkood ka sameeyeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa jawaab ka bixiyey hadal been abuur ah oo si qaldan loo kala jaray kaasi oo lagu baahiyey shabakadaha Internetka.

Maxamed Sheekh Cusmaan'“Qof Walba Oo Soomaali Ah Waxaa Waajib Ku Ah Difaacidda Gobonimadeenna “

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda 26ka June oo ku beegan caawa oo kale 54sano kadib markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay weerarkii Maanta lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Uga mahad Celiyay sida ay u bad baadiyeen Xildhibaanada ugana Hortageen Weerarkii Maanta al shabaab ku soo qaadeen Xarunta Golaha shacabka .

Gudoonka Baarlamaanka oo ganaax ku soo rogay Xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada Baarlamaanka

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray tira-koobkii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo maanta uu kooram la'aan u baaqday codeyntii xeerka Bangiyada oo ka mid ahaa hidise sharciyeedyo hor-yaala Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in loo baahan yahay inta waqtiga ka hortay dalka lagu gaarsiiyo doorasho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka qeyb galay kulan Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Dastuurka iyo Hiigsiga doorashada sanadka 2016 ay ku dooranayeen Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen, iyadoo gudigan uu dhowaan si rasmi u howl geli doono.

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalda Rome ee Dalka Talyaaniga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

JAWAARI: “Lacag aanu Baarlamaanku ogeyn lagama bixin karo Bankiga dhexe”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta sheegay in wixii ka dambeeya bisha Abriil ee soo socota aan laga bixin doonin bankiga dhexe ee Soomaaliya wax lacag ah oo uusan idmin guddiga maaliyadda baarlamaanka, iyadoo la hubin doono sida lacagtaas loo isticmaalayo.

Madaxda baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay dalka Kenya.

Afhayeenka golaha shacabka ahna guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulamo la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Kenya Justin Muturi iyo xubno ka mid ah baarlamaanka dalka Kenya.

JAWAARI: “Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto Mashaariic fara badan si Shaqo la’aanta looga baxo”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay abuurto mashaariic fara badan si dhallintu ay uga baxaan shaqo la’aanta haysata.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Ee Afrika

Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wefdi ay hogaaminayso kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo digniintii ugu danbeysay u diray Xildhibaanada ka maqan Fadhiga Barlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa digniintii u dambeysay u diray Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo horay u jireen waqtiyo uu gudoonka u qabtay Xildhibaanada maqan inay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS