Tag: jabuuti

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulmay (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo maanta ku shiraya Jabuuti

 Madaxda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, iyadoo shirkan looga hadlayo howl galada ciidamada AMISOM iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo Xalay ku Geeriyooday Jabuuti

Guddoomiyihii baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Arnaoud Cali ayaa xalay ku geeriyooday xarunta Jabuuti ee Jabuuti, waxaana geeridiisa timid kaddib xanuun maalmahan hayay.

Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Jabuuti oo maanta ka degay Beledweyn

Dowladda Jabuuti ayaa ciidamo dheeraad ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo qeybtii u horeysayo ciidamo hal batalyan ah ay maanta ka dageen magaalada Beledweyn.

Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdigii u horeeyy ee Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf uu ahaa wasiirkii u horeeyay ee saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Jabuuti oo kordhineysa Ciidamada ka jooga Somalia ee AMISOM

Sida wakaalada Xinhua ay qortay Midowga yurub ayaa bixin doona lacag gaareesa 750 million euros oo udhiganta US$1 billion si wax looga qabto xaalada amaanka wadamo qaarada Africa dhaca oo ay kamitahay Somalia.

Dowladda Britain oo ka digtay Weerarro ay Al-shabaab ka geysato dalka Jabuuti

Xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wado qorshe ay weerarro argagaxiso kaga geysanayso dalka Jabuuti, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo bishii hore dhammaadkeeda ka dhacay maqaayad ku taalla Jabuuti, qaraxyadaasoo sababay dhismasho iyo dhaawac.

Jabuuti oo sheegtay inay ciidamadeedu howlgalkooda Somalia sii wadayaan

 Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay sii wadayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabad looga hirgelin lahaa.

Dowladda Jabuuti oo shaacisay magacyada labadii qof ee qaraxyada geystay

Xukuumadda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday magacyada labadii qof ee dhawaan qaraxa ka geystay maqaahida La Cheaumiere ee magaalada Jabuuti, taasoo ahayd goob ay ka cunteeyaan dadka ajnabiga ah ee ku nool magaaladaas.

Dowladda Jabuuti oo Shaacisay inay Adkeysay Ammaanka guud ee Dalkeeda

Xukuumadda Jabuuti oo ka jawaabaysay hadalkii ay ku sheegatay Al-shabaab inay mas'uul ka ahayd qaraxyadii ka dhacay maqaahi lagu magacaabo La Chaumiere oo ku taalla bartamaha magaalada Jabuuti ayaa sheegtay inay amngia dalka oo dhan xoojiyeen.

Tirada Dadkii ku dhintay Qaraxii Habeen hore ka dhacay Jabuuti oo korortay

Warar kasoo baxaya qaraxii ka dhacay maqaayadda La Chaumiere oo ku taalla magaalada Jabuuti habeen hore ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay ay gaarayaan 20-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 15-qof oo kale, sida ay baahisa wakaaladda wararka AFP.

Qarax xalay ka dhacay Maqaahi ku taalla dalka Jabuuti oo sababay dhimasho

Ugu yaraan saddex qof oo midi ay haweeney tahay ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay maqaahi ku taalla magaalada Jabuuti ee xarunta u ah dalka Jabuuti, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxan 15-qof oo kale.

MADAXWEYNE GEELLE: “Waan sii wadaynaa dagaalka lagula jiro Argagaxisada”

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadlay kaddib markii xalay maydadka lix askari oo Jabuutiyaan ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, ayaa sheega inay ka go’an tahay inay la dagaalamaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay argagaxiso.

Ra’iisalwasaare C/weli oo ka hadlay socdaalkiisa Jabuuti & Ciidamo loo soo dirayo Somaliya

Ra’iisalwasaaraha Somaliya Mudane Cabdi Weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa waxa uu ka warbixiyey Socdaal uu ku joogo dalka Jabuuti iyo kulamo uu la qaatay madaxda waddankaasi.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeya Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay dalka Jamhuuriyadda Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi.

Shir looga hadlayo la dagaalanka burcad badeeda & Al Shabaab oo ka socda dalka Jabuuti

Mas’uuliyiin ka kala socda 60 dal ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlayo khatarta ururada argagaxisada Gobolka iyo tan Burcad badeeda somaalida waxaana shirkan oo ah kii labaad marti galinaya dowladda Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti oo sheegay in Al-shabaab ay Weerar ku tahay dalkiisa, balse ay iska difaaci doonaan

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa markii ugu horreysay sheegay in Al-shabaab oo uu ku sheegay cadow shisheeye ay weerar ku yihiin dalkooda, balse ay iyagu go’aansadeen inay iska difaacaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS