Tag: itoobiya

Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia oo loo doortay ruux dumar ah

Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay loo doortay in guddoomiye ay ka noqoto haweeney waxaana xilkaas la wareegay wasiirkii hore ee haweenka dowlada Ethiopia Muferiat Kamil.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sii deynta Maxaabiis uu ku jiro Boqorka Bartamaha

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhiggiisa Itoobiya Hailemariam Desalegn kala hadlay sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo Guddi u saaray arrinta biyo xireenka wabiyada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay safarkii wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo ee booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Itoobiya ay iska kaashanayaan dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Itoobiya iyo Madaxa Sirdoonka, isagoo kala hadlay sidii dowladda Itoobiya ay taageero u siin laheyd Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Mareykanka oo joojiyay saldhigii uu u adeegsan jiray diyaaradaha Drones ee ku yaalay Itoobiya

Milateriga Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay saldhigii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones ee ku yaallay Koofurta Itoobiya.

Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan qeybsiga biyaha Wabiga Niil (Sawirro)

Dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa maanta kala saxiixday heshiis horudhac ah oo ku saabsan qeybsiga biyaha wabiga Niil, iyadoo tani ay soo afjareyso murankii ka taagnaa biyo xireenka ay Itoobiya dhisaneyso, kaasoo dowladda Masar aad u dhaliilsaneyd.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Geeridii Godane ku Tilmaamay Guul weyn

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhimashadii hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane, isagoo sheegay in taasi ay guul Soomaaliya iyo gobolka oo dhan u soo hoyatay.

Booliska Itoobiya oo xiray 25 dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay inay weeraro fulin rabeen –

Booliska Itoobiya ayaa xiray ilaa 25 dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in weeraro ka fuliyaan dalka, kuwaasoo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay dagaalo ku qaadeyso meelaha ay ku sugan yihiin shabaab ee Dalka Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dagaal adag la geli doonto Al-Shabaabka Soomaaliya, kadib markii dhowaan ay ku biirtay howl galka midowga Afrika ee AMISOM.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ku tagaysa Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu wadaa inay markii ugu horreysay duulimaadyo cusub ku tagto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaddib heshiis iskaashi oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

RW ITOOBIYA: "Al-shabaab meel walba waan kula Dagaalamaynaa"

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM markii ugu horreysay, isagoo sheegay in sababtu ay tahay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Daawo Sawiradda: Ciidamada Itobiya oo Koofiyadii cagaarnayd ee Amisom Baydhabo logu xiray..

Ciidamada Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu biiray howl galka Nabad ilaalinta AMISOM, iyagoo noqonaya dalkii lixaad oo ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ciidamo ka jooga Soomaaliya.

Itoobiya oo sheegtay inay adkaynayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya

Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Wondimu Asaminew ayaa sheegay in ay sii ballaarinayaan xiriirka Itoobiya kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tagay magaalada Juba ee K/Sudan

Hogaamiyeyaasha labo ka mid ah dalalka deriska la ah Koofurta Sudan ee Kenya iyo Ethiopia ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Juba, si ay u xaliyaan dagaalka ka socda dalkaas ee u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaradka taageersan Madaxweyne kuxigeenkii hore Reik Machar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhanbaal hanbalyo ah ka helay dhiggiisa Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah ka helay dhiggiiisa dalka Ethiopia mudane Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah ku aaddan tahay magacaabistiisa iyo ansixintiisa ee xilka Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya.

Itoobiya oo Shaacisay in ay Shan Ruux u Qabatay isku-day lagu Doonyay in lagu Weeraro Ciyaar ka dhacaysay Addis Ababa

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay u qabatay shan qof weerarro qaraxyo ah oo la doonayay in lagu qaado ciyaar kubadda cagta ahayd oo dhexmaraysay xulkooda iyo xulkka Nigeria bishii Oktoobar ee sannadkan.

Ethiopia oo aqbashay Codsi kaga yimid QM

Dowlada Ethioipa ayaa shaacisay in ay Oggolaatay Codsi uga yimid Golaha Ammaanka QM oo ku aadanaa ka qeybgalka Howlgalada AMISOM ee Somalia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa saxaafada u sheegay in diyaar ay la yihiin ciidamo ka qeybqaata Howlgalada AMISOM  ee Somalia kuwaasoo dowr ku yeelan doona dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.

Qarax ay ku dhinteen laba oo la sheegay inay Soomaali yihiin oo maanta ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Laba qof oo Soomaali ah ayaa dhintay kaddib markii ay la qarxday bambo ay farsameynayeen ay kula qaraxday guri ay ka deggenaayeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku qulqulayeen kumannaan qof si ay u daawadaan ciyaar ka tirsan is-reeb-reebka koobka adduunka oo maanta ka dhacay Addis Ababa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS