Tag: howlgal

Howl gal guri giri ah uu lagu wada in uu muqdisho ka bilowdo maalmahan.

Xalay Shir Deg Deg ah oo ay Hay'adaha Amniga Qaranka iyo Amisom ku yeesheen Xarunta Baarista ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ka soo saareen Go'aanaddii ugu adkaa. Waxaana ka mid ahaa Go'aanadaasi in la billaabi doono Baaris Guri Guri ah oo laga samaynayo Dhamaan Xaafadaha Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee waawayn ee Dalka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in Gurigii laga helo Bambo, Waxyaabaha Qarxa, Hub IWM ay la wareegayso Dawladda Somalia isla saacadaasi.

Howlgallo balaaran oo ay sameeyeen ciidamada amniga oo lagu soo qabtay hub iyo rasaas “SAWIRRO”

Ciidamada amniga ee dalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgallo ay si wada jir ah uga sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Hodan ku soo qabtay hub kala duwan, kuwaasi oo lagu qariyay goob baabuurta lagu sameeyo.

Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaadiid Waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay

Ciidamada amnig dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo wata eeyo tababaran ayaa waxay maanta howlgallo ay kusoo qabteen gaadiid miineysan ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Ciidamada gaarka ah ee Dowlada iyo kuwa AMISOM oo saakay howlgal aan caadi aheyn ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan iyo Ciidamada AMISOM ayaa saakay howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS