Tag: hoose

Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa la wareegay deegaankaas, kaddib dagaal xooggan.

Hooyo labo caruur ah oo ay dhashay si aan ula kac aheyn ugu dishay deegaan hoostaga Wanlaweyn

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in hooyo Soomaaliyeed si aan ula kac aheyn ugu dishay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn caruur ay dhashay.

Xuseen Carab Ciise oo dib loogu doortay Kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la doortay Afar kursi.

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe la wareegay deegaanada Mareerey iyo Sabiib oo ku dhow degmada Afgooye, kadib markii ay weerar ku qaadeen.

C/qaadir Siidii “Howl galka Badweynta Hindiya wuxuu u hakaday isku xirnaan la’aan ciidanka ah”

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) aya sheegay in sababaha uu hakadka u galay howl galkii Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay isku xirnaan la’aan ciidanka.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Dowlada ka dalbaday in ay cadeyso Gobolka Sh/Hoose halka uu raacsanyahay

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay aqoonsigii Dowlada Soomaaliya u fidisay Maamulka Koonfur Galbeed oo tirsaday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gadaal u dhaxeeyo Shabaab iyo Kenya oo hada ka socda Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab uu kasocdo Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.

Faahfaahin ku saabsan khasaarihii ka dhashay duqeyntii Jasiiradda Madhoba

Guddoomiyaha deegaanka Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, Faarax Haybe ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen duqeyn ay Al-shabaab shalay gellinkii dambe u geysatay jasiiradda Madhoba oo ka mid ah kuwa ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Shabeelaha Hoose oo ka hadlay deegaanno ay Ciidamada Dowladda dib uga soo baxeen.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya Cumar Max’ud Cilmi Carabeey ayaa ka hadlay warar sheegaya in Ciidamada dowladda deegaanno gobolka ka tirsan ay dib uga soo baxeen fariisimayaal ay ku lahaayeen.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose, iskuna furay jidka Xeebta ee Muqdisho iyo Marka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, kadib dagaal xalay ka dhacay deegaanada Gendershe iyo Jilib Marka oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalo dad badan lagu qab qabtay oo ka socda degmada Afgooye ee Sh/hoose

Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka waxa ay howlgalo culus ka wadaan degmada Afgooye ee gobalka Sh/hooe, iyada oo dhaliyaro badan lasoo qab qabtay.

Dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Muuri oo ku dhaw lambar Konton

Dagaal udhaxeeya maleeshiyaad hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa waxa uu saaka mar kale ka socdaa deegaanka Muuri ee gobolka Shabellaha hoose.

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo si nabad kula wareegay deegaanka Nambar 50

Wararka ka imaanaya deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeysan 11-gaadiidka dagaalka ay saakay waabarigii hore gaareen deegaankaas, iyadoo maleeshiyadii deegaanka ee horay ugu sugnaa ay isaga baxeen.

Dagaallo u dhexeeya Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia oo hab beeleed u abaabulan oo ka Qarxay Gobolka Shabeellada Hoose

Dagaallo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hab beeleed u abaabulan ayaa saakay ka qarxay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, dagaalkan ayaa daba socda dagaallo horay uga dhacay gobolkaas.

Roob wax yeelo u gestay dad iyo duunyo oo ka da,ay gobolka Jubbada hoose

Maamulka deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in xoolo gaaraya 10,000 oo Neef ay ku le’deen roobab ilaa iyo hada ka da’aya kulbiyoow iyo nawaaxigeeda, taasoo xaalad bini’aadanimo gelisay dadka halkaas ku nool.

Doowa sawirrada:Kulan looga tashanaayay aayaha G/Shabeelaha Hoose oo ka dhacay No 50

Kulan ballaaran oo looga hadlayay Nabada iyo aayaha bulshada ku nool Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu qabtay deegaanka NO: 50, halkaasoo dhowaan uu ka dhacay dagaal sababay qasaare naf iyo maalba leh.

Dagaalo u dhaxeeyo Ciidammo ka tirsan Dowladda Somalia oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxay dagaallo culus maanta ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo lasoo sheegayo inay khasaare xooggan ka dhasheen dagaalladaas.

Laba ka mid ahaa horjoogayaasha Shabaab ayaa waxaa lagu dilay weerar ka dhacay Gobalka Jubada hoose.

Wararka ka imaano Dagmada Jilib ayaa sheegaayo in shalay ciidan mareeykan ah ay weerar kidis ah ku qadeen gaari ay wateen laba kamid ah horjoogayaal shabaab ah ku waasi  ka tagay sida ay sheegayaan dadka deegaanka magaalada Baraawe ee Sh/hoose.

Qaraxya ayaa xalay waxa ay siyaaba kala duwan ugu kala dhaceen qeeba ka mid ah G/Sh/Hoose

Xili ay magaalooyinka marka iyo Afgooye ay isaga soo baxaan Ciidamadii amaanka ee Booliska iyo nabad Sugida ayaa hada waxaa inta badan ka dhacaya Qaraxyo ay geysanayaan maleeshiyaad sida la tuhun sanyahay gacan saar la leh Al-shabaab
Valid XHTML 1.0 Valid CSS