Tag: hargeysa

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inay sii deynayaan Maxaabiista Puntland uga qabteen dagaalkii Tukaraq

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay xabsiga ka sii deynayaan maxaabiis aanu tiradooda sheegin oo ay ku qabteen dagaalkii ay Puntland kula galeen sanadkii hore deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. 

Guddoomiye Cirro oo ugu baaqay Muuse Biixi inuu is casilo iyo hadalkii Imaaraadka oo xiisad ka dhaliyay Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani C/raxmaan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu dadka khiyaameeyay, isla markaana been u sheegay. 

Guddoomiyaha UCID oo ka Warbixyay safar shaqo oo uu ku tagay dalalka dibadda

 Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu ka qaybgallay shirar caalami ah oo ay lahaayeen xisbiyo ay isku mabaadi yihiin iyo kulan uu la yeeshay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland oo sheegay in la Xalinayo Khilaafka Kulmiye

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland Cali Waran Cade ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Xisbiga Kulmiye ee Talada Maamulka Soomaaliland haya.

Daawo sawiradda:Shirweynihii Xisbiga KULMIYE oo soo Dhammaaday iyo Hogaan la Doortay

Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye, ayaa maanta lagu doortay hogaankii shanta sanno ee soo socda waddi doonna.

Maamulka Hargeysa oo soo Ban-dhigtay Qariidad Hagaysa Ruuxa Cusub

Dowlada Hoose ee Hargeysa ayaa soo bandhigtay Qariiradadda caasimadda oo dadka ku cusub magaaladda u tilmaamaya goobaha ay muraadka ka leeyihiin.

Maamulka Somaliland oo sheegay in 16-ka bishan uu furmayo wada hadalkii u dhaxeeyay Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu dib u bilaaban doono wada hadalka u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii tiro dhowr jeer wada hadaladaas dib loo dhigay.

Dibad bax Balaaran oo Goordhaw ka bilowday magaalada Hargeysa

Wararka aanu ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in dibadbaxyo ay ka socdaan magaalada Hargeysa kuwaasi oo ay dhigayaan wariyaasha Soomaaliyeed ee halkaa ka howlgala.

Ciidamadda Somaliland oo Xabsiga dhigay Maanta Wariyeyaal Mudaharaad cabasho ah ka sameeyey Hargeysa

Ciidamadda Amaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa shan wariye oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin inay xukuumadu cabudhinayso warbaahinta iyo sida ay uga soo horjeedaan siideyntii nin hubaysnaa oo dhowaan weeraray wargeyska Hubaal oo jeelka laga siidaayey.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS