Tag: guuleed

Wasiirka Amniga Qaran oo aan meesha ka saarin in ay amni daro wali ka jirto magaalada Muqdisho xili uu shalay tagay Barlamaanka.

Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa sideed wado oo ku yaal magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin sababo amni awgood, iyadoo wadooyinka xiran ay intaas ka badan yihiin.

C/kariim Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga oo sheegay in is bedelada maamulada degmooyinka aanay waxba u dhimi doonin ammaanka

Wasiirka Amniga Qaranka C/karii Xuseen Guuleed oo ka hadlayay is bedelada lagu sameynayay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aanay waxba u dhimi doono ammaanka caasimada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Qaran oo iska Fogeeyay edeen dhawaan loo soo jeediyay

Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay war ka soo yeeray Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ahaa gaadiid ambalaas ah nuuca aan xabadaha karin in aan la ogeyn meel ay jiraan, kadib markii ay la wareegtay Wasaaradii Arrimaha Gudaha Xukuumadii Saacid.

C/kariin Guuleed "Ku tala galka weerarkaas wuxuu ahaa inay Hotelka galaan, oo ay dad badan laayaan"

Sii hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed booqday Hotelka Jazeera oo qaraxyo xalay ka dhaceen ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen isku dayga weerarkaas oo ahaa in gudaha loo galo Hotelka.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Waxaan ku guuleysannay inaan 64 unug oo Al-shabaab ka tirsan ku burburinno muddo kooban”

Khamiis, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in muddo 90-casho gudahood ah ay ku burburiyeen 64-unug oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ka howlgalayay Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS