Tag: gobalka

Duqa Muqdisho oo casho sharaf u sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Labo mas’uul ka tirsan Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga, kuwaasoo xilalka kula kala wareegay.

Is bedelka Gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo bilowday iyo Gudoomiye xil laga qaaday (Warbixin)

Iyadoo uu socdo qorshayaal is bedelo ballaaran loogu sameynayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee muddo sanado xil soo hayay, ayaa waxaa maalmo ka hor xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyaha degmada Shibis.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka digay in Qashinka la dhigo Hareeraha Laamiyada

Maamulka gobolka  Banaadir ayaa ka digay in qashinka lagu shubo hareeraha waddooyinka laamiyada ah ee la dayactiray, iyadoo la sheegay in ciiddii lagu helo laga tiigsan doono sharciga.

Daawo Sawirada Munaasabada xil wareejinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo hada si toos u

Waxaa xilligan Xaruntii KMG aheyd ee Gobolka Banaadir ee degmada Xamar weyne ka socota Munaasabada xil wareejinta Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, iyadoo munaasabadan oo hada socota ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaasha degmooyinka, Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka bad-baaday qarax gaarigiisa loogu xiray

Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka bad baaday waxyaabaha qarxa oo gaarigiisa lagu xiray, iyadoo ciidamada booliska iyo kuwa miino baarista ay qarxiyeen waxyaabihii gaarigiisa loogu xiray.

Tarsan: “Wasiirradu waa inay dagaan Degmooyinka Muqdisho oo dhan”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir oo aysan ku ekaan madaxtooyada.

Maamulka G/Banaadir Oo Qorsheynaya Kordhinta Xarumaha Laga Bixiyo Warqadaha Dhalashada Iyo Suganaanta

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu balaarin doono xarumaha laga bixiyo warqadaha sugnaanta iyo dhalashada.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS