Tag: garoowe

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar oo wada hadal dhinaca Taleefanka dhex maray

Wakaalada wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency ayaa sheegtay in wadahadal dhinaca Talefoonka ah ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani. 

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qaar ka mid Madaxda Maamul Goboleedyada oo gaaray Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. 

C/weli Gaas oo ka hadlay asalka khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay asalka khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo maraya heerkii ugu xumaa oo sababay inuu go’o xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac u dhaxeeyay. 

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta ku sii jeeda magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe, halkaasoo wada hadalo ay ku leeyihiin Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wada isbaheysi ka dhan ah dowladda Federaalka.

War murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo laga soo saaray shirkii wada tashiga Garowe (Akhriso)

War murtiyeed ka kooban todobo qodob ayaa laga soo saaray shirkii wada tashiga ee labadii maalmood u socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkada, iyadoo Guddiyo afar dhinac ah ay isla wada gaareen qodobada looga hadlayay shirka.

Mid ka mid ah Saraakiisha Sirta Puntland oo Xalay Lagu Dhaawacay Garoowe

Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka Puntland iyo qof ka mid ah ilaaladiisa oo la socday ayaa lagu dhaawacay xalay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

M/weynaha Gaas iyo Taliyana Booliska DFS oo arimo badan ka hadlay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin C/llahi Cumar Camay ayaa aqalka madxtooyada Garowe kulan casho sharaf ah habeenimadii xalay ugu sameeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Saacid.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Gaas (Sawirro)

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Wasiirada cusub ee Maamulka Puntland oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas oo sideedii bishii hore ku guuleystay doorashadii ka dhacday Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo la Kulmay Wasiirrada Cusub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shirkiis ugu horreeyay la qaatay inta badan wasiirrada cusub ee uu shalay magacaabay. Wasiirrada uu la kulmay madaxweyne Gaas ayaa isugu jiray wasiirro ku xigeenno iyo wasiir-u-dowlayaal.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Gaas oo magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub (Aqriso Magacyada)

Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub oo ka kooban 47 xubnood, oo isugu jira Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiir dowlayaal, iyadoo xubnaha uu magacaabay la dhaarin doono maalmaha soo socda.

Diyaar garowga munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha Puntland oo ka socota Garowe

Diyaar garowga Munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ka socota magaalada Garowe, iyadoo tan iyo shalay ay ku qul qulayeen wafuud ka kala socday Maamulada Soomaaliya oo lagu casuumay ka qeyb galka munaasabada caleema saarka.

Madaxweyne C/weli Gaas oo si rasmi ah xilka ula wareegay

 Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen madaxweynaha -dhowaanta la doortay- ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Faroole.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Puntland oo soo dhoweeyay is bedelka cusub ee Baarlamaanka Puntland

Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Puntland ee lagu wado in 8-da bishan ay dhacdo ayaa rajo ka muujiyay is bedelka cusub ee Baarlamaanka Puntland, kadib markii maalinimadii shalay la doortay Hogaan cusub.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Jen. Cadde Muuse oo kulan ku yeeshay Maanta Magaalada Garoowe

Xarunta madaxtooyada Puntland waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroore iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Jen.Cadde Muuse Xirsi iyo Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Daawo Sawirada: Ciidan ilaalo u ah musharaxiin oo Wariye ku jirdilay Magaalada Garowe

Ciidan ka tirsan Kuwa ilaalada u ah musharaxiinta ayaa maanta guriga musharax Maxamed Cabdinuur ee magaalada Garoowe jirdil ugu geystay wariye ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala magaalada Garoowe Caasimada Puntland.

Murashaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland iyo taariikh nololeedkooda oo kooban (SAWIRRO)

Deegaanada Puntland waxaa si xooggan uga socda ololaha doorashada madaxtinimada, doorashadaas oo dhici doonta 8-da bisha soo socota ee January. Musharraxiin 20 kor u dhaafaya ayaa isu soo taagay jagada madaxweynaha, waxaase aad loo hadal hayaa in doorashada uu kusoo bixi doono mid kamid ah afarta musharrax ee kala ah:

Mid ka mid ah Musharraxiinta u Taagan Xilka Madaxweynenimo ee Puntland oo lagu Rasaaseeyay Magaalada Garoowe

Waxaa goor dhaweyd xarunta Puntland ee Garoowe lagu rasaaseeyay mid ka mid ah musharrixinta u tar tamaya xilka madaxweynanimo ee Puntland oo lagu magacaabo C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey).

Xaflad sagootin ah oo Garoowe loogu qabtay Xildhibaanadii ku jirey Golihii Wakiillada Puntland ee lakala diray (SAWIRRO)

Xaflad ballaaran oo lagu sagootinayey xildhibaanadii ka tirsanaa golihii wakiiladda Puntland ee shalay lakala diray, ayaa xalay ka dhacday madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS