Tag: galgaduud

Al-Shabaab oo sheegay inay la wareegeen deegaan ka tirsan Galgaduud

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaanka Ceel-Shiil ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal culus oo shalay halkaas ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. 

12 qof oo ku dhimatay dagaallo ka socda deegaanno ka tirsan Galgaduud

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo saakay ka bilowday deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah ee degmada Guri-ceel iyo deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Galgaduud oo lagu dilay Nin rayid ahaa

Taliska ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya ee degmada Dhuusamarreeb ayaa sheegay in nin rayid ah lagu dilay tuulada Gubadley oo ka tirsan degmada Dhuusamarreeb  ee xarunta gobolka Galgaduud.

Maamulka Galgaduud oo Gargaar dalbaday iyo Howlgallo Amni oo billowday

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa dowladda Somalia ka codsday inay gargaar lasoo gaarto dadkii ku barakacay colaaddii u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaallo Khasaare Geystay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan G/Galguduud

Dagaallo khasaare nafeed geystay ayaa tan iyo xalay ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM oo ka tirsan oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo qabsaday inta u dhaxeysa Dhuusa Mareeb iyo Ceelbuur

Wararka laga helaayo Gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada u dhaxeeya Dhuusa Mareeb iyo Ceelbuur, halkaasoo ay horay u soo mareen Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo ciidamada Milateriga ee la wareegtay degmada Ceelbuur.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS