Tag: dowlada

Dowlada Federalka oo ka hadashay dagaalka saaka ka dhacay Baar Sanguuni

Dowlada Federalka ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay weerar saaka waaberigii ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 50km u jira magaalada Kismaayo. 

Wasaarada Kalluumeysiga oo digniin ka soo saartay Bad Xiranka

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay Dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka  taasi oo ay suurtagal tahay  in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha badda. 

Dowlada cusub ee Talyaaniga oo sheegtay in dalkeeda ka saarayso dadka soo galootiga ah

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa  u digey dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Talyaaniga isagoo ugu baaqay inay boorsooyinkooda xirxirtaan. 

Wasaaradda A. Dibadda Somalia oo ku amartay Danjirihii Imaaraadka Carabta inuu xilka wareejiyo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib is bedel lagu sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta si rasmi u furay Shirka Wadatashiga Amniga Qaran (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Yuusuf Garaad “Arrinta Dowlad goboleedyada ka hadlayaan ma ahan arrin Dastuurka u fasaxaya” (Dhageyso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka dhalatay khilaafka arrimaha Khaliijka.

Soomaaliya oo ogolaatay in Xulufada Sacuudiga hogaamiyo ay isticmaalaan Hawada iyo Badda

Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo inay isticmaalaan Hawada iyo Badda, si ay uga weeraraan Jabhada Xuutiyiinta ee isku dayaya inay xoog ku qabsadaan dalka Yemen oo dhan.

Dowladda Somalia oo laga Caawinayo Hirgelinta Federaalka iyo Garsoorka Dalka

Dalalka Saudi Arabia iyo Switzerland ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan horumarinta nidaamka federaalka dalka iyo garsoorka, kaddib markii xubno dalalkan ka tirsan ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka Iyo Soomaaliya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Booliiska

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu taageerayo booliiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka War-bixisay Khasaarihii Weerarkii Madaxtooyada

Dowladda Somalia ayaa faah-faahin ka bixisay khasaarihii ka dhashay weerarkii xalay ay xoogagga Al-shabaab ku bartilmaameedsadeen dhismaha madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay sheegtay in la dilay dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Dowlada oo ka aamusan dagaalka ku saleesan Qaab beeleedka ee la isku adeegsanayo Hubka Dowlada ee kasocda Sh/Hoose

Dowlada Soomaaliya ayaa wali ka hadlin dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaano hostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada balse u abaabulan qaab beeleed.

Dowladda Somalia oo diiday ka qaybgalka shir ka dhici lahaa Magaalada Nairobi

Dowladda Somalia ayaa diiday ka qayb-galka shir looga hadlayo qoxootiga oo maanta ka furmi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay sababaha ay shirka uga baaqatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida qoxootiga ku ah dalkaas.

XAAMUD: Haddii la joojin waayo dagaalka Baladxaawo AMISOM way baxaysaa

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlayay dagaallada degmada Balad-xaawo ee u dhexeeya dhinacyo ku dagaalamaya gacan ku haynta degmadaas ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay bixi doonaan haddii aan la joojin dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Soomaaliya u fadhiya Kenya

Warar soo baxaayo ayaa sheegaayo in Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa falkii ciidamada booliska Kenya ku xireen Safiir kuxigeenkii ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya u fadhiya Kenya Siyaad Maxamuud Shire ayaa u yeertay Safiirka iyo Qunsulka inay si deg deg ah Muqdisho u yimaadaan.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo ka socda Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Guriceel, iyagoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay.

Madaxtooyada Somaliya oo si kulul ubeenisay warbixinta Monitoring Group soo saartay

Afhayeenka madaxweynaha Dalka Injineer C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa waxa uu ka hadlay eedeyntii dhawaan usoo jeedisey Kooxda Monitoring Group isagoo sheegay in warbixintaasi ay ahayd mid been abuur ah.

Dowlada oo ka war bixisay wax yaabihii xalay ka dhacay Magaala Muqdisho

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia ayaa ka hadlay duqeymihii xalay loo geystay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inay madaafiicdu ahaayeen kuwo macmal ah oo aan geysan wax khasaare ah.

Dowladda iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyay Xadgudubyo Bani'aadam

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku eedeysay dowladda Somalia iyo Al-shabaab inay mas'uul ka yihiin xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida: weerarro aan loo meel-dayin, xadgdubyo jinsi iyo dad si aan kaal sooc lahayn loo qabqabtay loona xiray.

Dowladda Somalia oo soo dhaweysay in Itoobiya ay ku biirto AMISOM

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa soo dhaweeyay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdeen kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, isgaoo xusay in tani ay isbedel weyn ku sameynayso dagaallada looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

Dowladda Somalia oo ka hadashay Afduubyada loo Geysto Ajaanibta

Dowladd Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ajaanibta dalka ku sugna oo qaarkood la afduubay, iyadoo sheegtay in ajnabigii aan dowladda u diiwaan-gashnayn wixii ku dhaca aysan mas’uul ka ahayn.

Wafdi Dowladda U Metelaya Wadahadallada Dowladda Federaalka Iyo Maamulka Somaliland Oo Saaka Ka Ambabaxay Muqdisho

Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya  wada hadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa saaka ka ambabaxy Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Saraakiil Mareykanka ku sugan yihiin Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay xaqiijisay in Saraakiil Mareykan oo ah La Taliyeyaal ay ku sugan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kadib markii dowladda Mareykanka ay qiratay in Saraakiil tiro yar ay u dirtay Soomaaliya, si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in dib loogu dhigo wada hadalka Somaliland inta Wasiirada laga soo dhisayo

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsaday Somaliland in dib loo dhigo wada hadalkii u socday ee lagu waday in dhowana uu ka bilowdo dalka Turkiga, iyadoo wafdi Somaliland uga qeyb geli lahaa wada hadalkaas oo shalay ka ambabixi lahaa Hargeysa ay baaqdeen.

Dagaallo Ciidammada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Garbahaarey

Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo xalay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ku dhexmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammo dowladda Soomaaliya oo ay taageerayeen kuwa Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya oo ka Digtay Dhibaatada Nololeed ee ka Dhalan karta Xayiraadda uu soo rogay Bangiga Barclays

Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay dhibaatada nolosheed ka dhalan karta xayiraadda uu bangiga Barclays ee dalka Britain uu kusoo rogay xawaaladaha Soomaalida.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS