Tag: dilay

Saraakiil Mareykan ah oo sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay Amiirka Al-shabaab

Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sabalaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

Sarkaal ka tirsanaa Ha’yadda Nabadsugidda Qaranka oo Muqdisho lagu dilay

Sarkaal ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaa saakay lagu toogtay xaafadda Korontada ee degmada Wadajir, xilli uu u socdya shaqadiisa, iyadoo kooxaha dilka geystayna ay baxsadeen.

Qoyska Nafiiso Cismaan Salaad Oo Dowladda Ka Dalbaday In Sharciga La Horgeeyo Dhagar Qabayaashii Dilay Gabadhooda

Ehelada qoyskii ay ka geeriyootay gabar ardayad ah oo ay dileen maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab ayaa ka dalbaday dowladda in sharciga la horgeeyo kooxihii ka dambeeyay dilka gabadhooda.

Dabley hubeysan oo xalay ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida mid kalana dhaawacay

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay ku weeraray degmada Kaaraan saraakiil ka tirsan ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir.

Haweeney dishay seygeeda oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugida qaranka

Haweeney ayaa xalay toogasho ku dishay seygeeda oo ahaasarkaal ka tirsan Ciidamada nabadsugida qaranka, iyadoo ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen haweeneydan oo su'aalo lagu weydiinayo mid ka mid ah saldhigyada ciidamada.

Dhageyso:R/wasaare Saacid, Xildhibaanno Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Qeybgalay Aaski Marxuum Maxamed Warsame Feysal

R/wasaare Saacid, gudoomiye ku xigeenka Labaad  ee Barlamanka Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Aaska Allaha u naxariistee  marxuum Maxamed Warsame Feysal oo ahaa godoomiyihii gudiga arriamaha bulshada baralamanka Soomaaliya oo shalay ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Maleeshiyaad ka mid ahaa shabaab oo saakay lagu dilay duleedka B/weyn xili ay halkasi howl-gal ka sameeyeen Ciidamada is garabsanaayo ee Dowlada iyo AMISOM

Lix ka mid ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab ayaa  saakay lagu dilay duleedka degmada Beledweyne kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya  ciidamada  Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM  ay howgal ka fuliyeen tuulooyin ku yaala galbeedka magaalada Beledweyne.

Dad ku dhintay rasaas uu ku furay Askari ka tirsan Dowlada.

5 ruux ayaa lagu dilay nawaaxiga Dagmada Deynuunaay ee Gobalkaasi bay ka dib markii uu mid ka mid ah Ciidanka Dowlada uu u geystay fal barer ah.

Ardayad u socotey Jaamacad ay dhiganeysay oo Muqdisho saaka lagu dilay

Gabar arday jaamacadeed ahayd oo wax ka baran jirtay jaamacadda Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa dhimatay kaddib markii barqadii maanta lagu toogtay agagaarka iskuulka Maxamuud Xarbi ee ku yaalla degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dad ka tirsan deegaanka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS