Tag: difaaca

Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka oo qorsha cusub u sameyneysa la dagaalanka Al Shabaab

Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka ee The pentagon, ayaa sheegaysa in ay diyaarinayaan barnaamij cusub oo la damacsanyahay in lagula dagaalamo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaeda ee ka dagaalama wadamadda Yeman iyo Somaaliya.

Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray degmada Tiyeeglow iyo Ciidamo tababar loo soo xiray

Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay Tababar ugu soo xireen boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Wasiirka Difaaca oo Shaki galiyay helitaanka Ciidamo tayo leh.

Wasiirka wasaarada Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo Wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Dhisitaanka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay in Ciidamo Ay Kala Dhex Dhigeen Maleeshiyaadkii Ku Dagaalamay Deegaanka No.50

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanadaasi ay hishiis kala dhex dhigeen haddana meel wanaagsan ay u mareyso arrimihii gobolkaasi ay u tageen.

C/xakiin Fiqi "Dhowaan waxaa ciidamada ku wareejineynaa gaadiidkii dowladda Jabuuti noogu deeqday"

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Wasaarada Gaashaandhiga, mudadii halka sano ee ay jirtay, isagoo cadeeyay in is bedelo xaga awooda ciidan lagu sameeyay ciidamada xooga dalka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Laga Hirgeliyay Baledweyne

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta si rasmi ah ay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan ka hirgelisay Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Sooamaliya, iyadoo dhanka kale sheegtay in dhawaan qeybaha kale ee dalka ka xureynayso Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheynaysa in ay Weerarto Deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay Somalia

Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegtay inay dhameystirtay qorshayaal ay ku doonayso inay ku weerarto goobaha ay ka taliso Xarakada  Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in qorshuhu yahay in Al-shabaab laga saaro deegaannadaas.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS