Tag: dibada

Xarunta cusub ee Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Caalamiga oo xarigga laga jaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee Ergada Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ee magaalada Jeddah. 

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

asiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Abdusalam Hadliye Omer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay Gabar Soomaali isku gubtay Jaziirada Nauru

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya la socoto gabar 21 jir Soomaali ah oo isku gubtay xero qaxooti ku taal Jaziirada Nauro oo ku dhow Australia.

Dowlada Ingiriiska oo ku amartay muwaadiniinteeda in aysan u safrin Soomaaliya

Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska ayaa ku amartay  muwaadiniinteeda inaysan u safrin dalka Soomaaliya oo ah dal ay dad badan oo haysta dhalashada Ingiriiska ay booqdaan toddobaad walba.

Wasiir katirsan Dowlada oo kasoo horjeestay Qodob kamid ah Heshiiskii ay wada Gaareen Dowlada iyo Puntiland

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda ee xukuumada Somalia Mahad Maxamed Salaad ayaa sharci daro ku tilmaamay qaar ka mid ah qodobada heshiiskii ay shalay magaalada garowe ku kala saxiixdeen maamulka Puntland iyo dowlada dhexe.

Daawo Sawirada: Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo la kulmay Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo ay wehlinayaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa waxa ay maanta markii ugu horeysay ay si wadajir ah ula kulmeen dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga .

Dr. Jamaal Barrow oo maanta ku qaabilay Muqdisho Wakiilka bariga Afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay Magaalada Muqdisho Hideo Eguchioo ah Wakiilka bariga afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan (JICA) , oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u dhiska iyo hurumarinta . 

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka Nabadda iyo Amniga Qaaradda Afrika oo si hordhac uga furmay Magaalada Paris

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalaysa shirka Amniga & Nabadda ee qaaradda Afrika oo loogu magacdaray Elysee Summit for Peace & Security in Africa oo maanta si hor-dhac ahaan ah uga furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo ka qeybgalaya shir ka soconaya wadanka China.

Waxaa Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum "CASCF") , kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo ka war bixisay safarkeedii mareykanka

Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda  ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo sheegtay howlgelisay Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed .

Sida ay ku warantay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu saldhigtay Waax cusub oo lagu magacaabo Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs) .
Valid XHTML 1.0 Valid CSS