Tag: dhuxulow

Mustaf Dhuxulow “Kuwa go’aansaday inay Shabaab ka soo tagaan, waa in la soo dhoweeyaa”

 Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo horay ugu qeyb qaatay barnaamijka lagu soo xero geliyay dhalinyarada ka midka ahaa Al-Shabaab xilligii uu Wasiirka ahaa ayaa sheegay in guulo badan laga gaaray in wada hadal lala galo dadka diyaarka u ah inay ka soo baxaan Al-Shabaab.

DHUXULOW: Waan soo dhaweynaynaa kasoo bixiddii Sh. Atam ee Al-shabaab

Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya, waxaan ammaanaynaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atam oo uu ku diiday ma mid ahaanshaha Al-shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiirri-gelin doono kuwa Al-shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo ay kasoo qayb-galaan ka shaqeynta nabadda dalka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS