Tag: dagaal

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo ka socda duleedka Balcad

Iska horimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa ka socda duleedka Koofureed ee magaalada Balcad gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Toora Toorow

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa shalay la wareegay deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo fariisin u aheyd Al-Shabaab, iyadoo howl galkan la sheegay inuu qeyb ka yahay kuwo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Dagaal khasaare geystay oo ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo

Waxaa caawa degan xaaladda degmooyinka Garbahaareey iyo iyo Balad-Xaawo oo dagaal xoogan uu ku dhex maray ciidamada Dowladda iyo xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo xaaladdu sideedii hore ku soo noqoneyso.

Dagaalo saakay dib uga qarxay deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalo ay mar kale dib uga soo cusboonaadeen deegaanka Deefow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Faah faahin ka soo baxaya diyaarad ay leedahay Kenya oo ku soo dhacday duleedka Kismaayo

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka ay ku soo dhacday agagaarka magaalada Kismaayo, kadib markii ay duqeyn ka geysatay agagaarka magaalada Jamaame.

Daawo Sawiro Hordhac ah : Godka Jilacow oo Qiiq uu ka baxayo iyo Rasaas iyo Qaraxyo Xoogan oo wali ka dhax socota

Waxaa Wali Rasaas xoogan ay is dhaafsanayaan Ciidamada Nabada Sugida Qaranka iyo dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay ka dhaceyssa Gudaha Xabsiga Godka Jilacow oo hada ah xarunta ay ku hool gasho Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Dagaallo u dhexeeya Ciidanka dowlada, AMISOM iyo xoogagga Axmed Daaci

Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jirta ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo xalay illaa saakay ku dhexmaraya degmada Wadajir ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogag taabacsan guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci).

Ciidamada Jubba oo la wareegay Deegaano ku yaala Jubbada Hoose

Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa Saaka la wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo Al-shabaab ay Maamulayeen ,waxaana ka mid ah Deegaanka Cabdi Dhoore oo 48 Km dhinaca waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaayo Dagaal ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Khasaaro la sheegay

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Weerar ay Kooxda Al-shabaab Habeenimadii xalay ku qaaday Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya inay ku dhinteen in kabadan 7-Ruux oo isugi jiray Ciidamada Dowlada,Alshabaab iyo dad shacab ah.

Dagaal culus oo dhex maray Ciidamada DFS,AMISOM iyo kooxda Al Shabaab oo dhinac ah iyo Khasaaro ka dhashay.

Warka naga soo gaarayo Deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu halkaasi ku dhex maray Ciidamada DFS oo garabsanaayo kuwa AMISOM iyo kooxda Al Shabaab oo dhinac ah.

Dagaal Saakay ka dhacay Gudaha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska degmada, kadib markii dabley soo xirratay dareyska militariga weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dagaal culus oo Al-shabaab iyo ciidamada Liyu Polis ku dhexmaray Soohdinta

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka is-maamulka Soomaalida Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa tan iyo xalay ka socday soohdinta ay gobolka Bakool ka wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray tuulo ka tirsan degmada Buur-dhuubo

Wararka ka imaanaya degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu saakay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray Tuulo 15-KM u jirta degmadaas, halkaasoo ay weerareen ciidamada dowladda.

Dagaal ka dhacay Buurdhuubo iyo Nabadoon lagu weeraray Beledxaawo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Itoobiya ee AMISOM, kuwa dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Buur-dhuubo, halkaasoo horay lagala wareegay Al-Shabaab.

Dagaallo Khasaare dhaliyay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay iska-horimaadyo kala duwan oo ka dhacay gobolka Bay, kuwaasoo u dhexeeay ciidanka dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaal qasaare geystay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray degmada Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ku dhex maray degmadaas, iyadoo la soo sheegayo in dagaalka uu geystay qasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa maanta barqadii ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde, halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. 

Isku dhac laga cabsi qabo in ay ka dhacaan qeeba ka mid ah gobalka Gado iyo Ciidama kala taabacsan Dowlada iyo maamulka Juba oo isku horfadhiyo Gobalkaasi.

Abaanduulaha ciidamada Ahlusunna Waljmaaca ee gobolka Gedo, Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in magaalada Balad-xaawo ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamo ka tirsan maamulka Jubba iyo kuwa ahlu suna iyo dowlada ee mudooyinkan gacanta ku hayey degmadaas.

Dagaal aad u xoogan una dhaxeeyo Ciidanka Dowlada iyo Shabaab oo manta ka dhacay Bay iyo Bakool

Waxaa Maanta Deegaano hoostaga Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ka dhacay Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Dagaal dhimasho sababay oo xalay Balad-weyne ka dhacay

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo maleeshiyada al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay fariimo ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS