Tag: ciidanka
Warqad soo gaartay RAdio Sagal ayaa tilmaameysa in maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin , dawacdda ayaa waxaa gudbiyay taliye ku xigeenki hore ee hay’adaasi cabdallada Cabdalla Maxamed ee shalay madaxweyne Farmaajo uu ka xayuubiyay darajooyinkii ciidaan ee uu huganaa.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa kulan kula yeeshay xarunta Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews. Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka.
Guddiga Isku dhafka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta
loosoo xiray siminaar soconayay muddo 5 cisho ah, kaas oo looga hadlayay
qaabka ugu habboon ee si wadajir looga qeyb qaadan karo isku dhafka
Ciidamadda. Waxana munaasabadaas goob-joog ka ahaa Wasiirka
Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha
Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi Indha-qarshe
iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.