Tag: ciidan

Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo AMISOM oo la soo gaba gabeeyay

Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo AMISOM ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay sidii Ciidamada Soomaaliya ammaanka dalka ugala wareegi lahaa AMISOM sanadaha soo socda.

Ciidamada dowladda oo qarxiyay miino la dhigay maqaayad ku taala isgoyska Howlwadaag

 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qarxiyay miino la dhigay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala isgoyska Howlwadaag ee magalada Muqdisho.

Cutubyo ka socda Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo ciidamadan oo wehliya kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.

Cutubyo ka socda Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo ciidamadan oo wehliya kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.

Ciidamo fara badan oo Milateri ah oo gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Ciidamo fara badan oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa buux dhaafiyay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, iyadoo ciidankan ay ku hubeysan yihiin gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah.

Daawo Sawirada Ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya Howlagalada Dalka oo loo tababaray Dowlada Soomaaliya

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya ay ka baxday KMG-nimadii waxaa dalka loo soo weeciyay tababarrada Ciidamada lagu siin jiray dalka Uganda, taa oo ciidamada u fududeysay in dalkooda hooyo lagu tababaro, waxaa shalay Xerada Jaziira 2 tababar xirfad cusbooneysiin ah loogu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Ciiddanka Gaarka ee (EASF) oo ku soo biiri doona Hawlgalka la gula dagaalamayo Al-shabaab.

Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Somalia iyo Sudan ayaa shalay waxa uu kulan ugu soo idlaaday Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.

Dabley hubeysan oo xalay ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida mid kalana dhaawacay

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay ku weeraray degmada Kaaraan saraakiil ka tirsan ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir.

Ciidamadii Milatariga ee la ruqseeyay oo la sheegay in qaarkood Shabaab ku biireen halka kuwa kalana ay Tuugnimo bilaabeen

Gaashaanle dhexe Geelle Faarax oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan shaqada laga fariisiyay ayaa sheegay in qaar kamid ah Ciidamadii dhawaan la ruqseeyay in ay ku biireen Al-Shabaab.

Taliska ciidanka xooga dalka oo qalabeeyay ciidankii u horeeyay ee dalka lagu tababaray (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay qalabeysay ciidamo lagu tababaray dalka gudihiisa, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS