Tag: cadaado

DEG DEG: Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo laga mamnuucay Cadaado

Odayaasha dhaqanka Beesha degta magaalada Cadaado ayaa caawa ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah, iyagoo ka mamnuucay inuu magaaladaas soo galo ama dhex maro deegaanada ay degaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xayiraadii Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado oo la qaaday

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu xayiraada uga qaadayo garoonka diyaaradaha Cadaado oo maalmihii la soo dhaafay laga joojiyay diyaaradihii ka imaanayay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaashii laga qaaday degmooyinka G/Banaadir oo olole ka wada Cadaado

 Qaar ka mid ah 15-kii Guddoomiye degmo ee todobaad ka hor laga qaaday xilalkii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in degmada Cadaado ka wadaan olole ku aadan sidii ay uga mid noqon lahaayeen maamulka Galmudug

Dib u dhac laga yaabo inuu ku yimaado doorashada Madaxweynaha Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in la filayo in dib u dhac ku yimaado xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha oo horay loogu asteeyay inay dhacdo 10-ka bishan oo ay ka harsan yihiin afar maalmood.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ku adkeysanaya in shirka maamul u sameynta uu ka furmayo Cadaado

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa mar kale ku celiyay in shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ka furmayo magaalada Cadaado, iyadoo saacadihii la soo dhaafay kulamo ay u socdeen Mas’uuliyiinta Maamulka.

Aabe Dhalay 13-Caruur ah oo isku daldalay Deegaan katirsan Galgaduud iyo Faah faahino laga helayo sababta uu isku dilay

Wararka ka imaanaya Deegaanka Baxdo oo hoostagta Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Aabe dhalay 13 Caruur ah kana mid ahaa dadka deegaankaasi in uu halkaasi isku dal dalay .

Ilaa 18-caruur u badnaa gabdho, qaab ganacsi ahaana loo tahriibin rabay oo lagu qabtay Cadaado+Sawirro

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ka warbixiyay howl gal ciidamadooda ku soo bad baadiyeen ilaa 18 caruur laga soo xaday qeybo ka mid ah Gobolada Koofureed, lana doonayay in qaab ganacsi loogu tahriibiyay dalka Sacuudiya Carabiya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS