Tag: cabdirashiid

Ra’iisul Wasaaraha “Waxaa idin Xaqiijinayaa in xiriirka u dhaxeeya Sweden iyo Soomaaliya inuu yahay mid adag”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke oo shalay kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar uu Imaaraadka Carabta ku tagay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo wadi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, La taliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqday.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday dadkii ku dhaawacmay Qarixii jimcihii ee Hotel Central (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaal Digfeer oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii maalintii jimcihii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka mid ah Wasiirada magacaaban oo lagu wado in is bedel lagu sameeyo

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu qorsheynayo in xubno ka mid ahaa 20-kii Wasiir ee uu magacaabay 27-kii bishii hore uu bedel ku sameeyo.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegay in dhowaan uu soo magacaabi doono Xukuumad ka kooban 25-wasiir

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu ku soo dhisayo Gole Wasiiro oo ka kooban 25-Wasiir, isagoo caddeeyay in xukuumadiisa ay xooga saari doonto sugida ammaanka, dhismaha ciidamada iyo sidii xasilooni siyaasadeed loo heli lahaa.

R/Wasaare Cumar C/rashiid “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh” (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maanta codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor akhriyay khudbad ka hadleysa waxyaabaha u qorsheysan xukuumadiisa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS