Tag: booqasho

Madaxweyne Xasan oo Imaaraadka uga mahadceliyay Mashaariicda dhismo ee ay dalka ka wadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xaruntii hore ee xerada Agoonta ee degmada Hodan, Halkaasi oo ay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka hirgelineyso dhismo loogu talagalay in lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Oo Cisbitalka Daaru-shifa Ku Booqday Wariye Ku Dhaawacmay Qaraxii Madaxtooyada (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeen wasiir ki xigeenka iyo agaasimayaasha wasaaradda ayaa cisbitalka Daarushifa ku booqday Wariye Axmed Siciid oo ku dhaawacmay Qarax Jimcihii ka dhacay Banaanka Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan oo booqday xerooyin ciidamo loogu tababaraayo dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda ciidamada, ayaa booqday xerooyin ay ku jiraan ciidamo loo tababaraay dowladda Soomaaliya.

Raysal wasaare Saacid oo Bala-weyne booqday

Raysal wasaaraha dalka Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, halkaas oo bannaanbax lagu taageeraayo socdaalka raysal wasaarahana lagu qabtay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS