Tag: baydhabo

Xildhibaan ka tirsan Koofur Galbeed oo lagu dilay Baydhabo iyo Rabshado wali ka socda magaalada

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in la dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed, iyadoo xiisada ka taagan magaalada ay cirka isku shareertay, kaddib markii ay ka dhaceen iska hor imaadyo. 

Aadan Saransoor “Shariif Xasan wuxuu rabaa in Madaxtooyadii uu deganaa inuu doorashada ku qabto”

Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ka digay in doorashada lagu qabto Hoolka Madaxtooyada magaalada Baydhabo, halkaasoo uu degan yahay Shariif Xasan. 

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Amniga ee ka furmay Baydhabo

Iyadoo goor dhow uu si rasmi ah u furmay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo khudbado ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay amniga. 

Shirka Madasha oo la soo gaba gabeeyay iyo War-murtiyeedka oo goor dhow la soo saarayo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha wada-tashiga qaran, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay uga socday magaaladaas  Hoggaamiyeyaasha qaran iyo kuwa dowlad goboleedyada maalmihii la soo dhaafay u socday.

Howl gallo ballaaran oo ciidamada Ammaanka ka wadaan magaalada Baydhabo

Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, kadib markii Khamiistii weerar lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed.

Maamulka K.Galbeed oo soo bandhigay Meydadka Ragii Weeraray Madaxtooyada

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay Weerar iskugu jira Qaraxyo iyo  mid toos ah oo Al-shabaab ay Barqanimadii maanta ay ku qaadeen Madaxtooyada Koofur Galbeed.

Faah faahin horu dhac ah oo ka soo baxaya weerarkii Madaxtooyada Baydhabo iyo Shariif Xasan oo ka bad baaday

Kadib dagaal socday ku dhawaad 2 saacadood ayaa ugu dambeyntii Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerar qorsheysanaa oo Al-Shabaab ku qaaday maanta oo khamiis ah xarunta Madaxtooyada koonfur galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Sheekh Xuseen Xasan Soor madaare oo la dilay xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaad kasoo dujiyay

Kooxo Hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa xalay xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, waxa ay ku dileen Wadaad caan ka ahaa Magaaladaasi, dilka ayaana dhacay Xili uu Wadaadka kasoo baxay Masjid uu salaada Cisha Jameeco kusoo dujiyay.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed oo u duulay Magaalada Copenhagen xili saacado ka hor la doortay

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu goordhow ka dhoofay Garoonka duulimaadka Baydhaba isagoona u ambabaxay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Banaanbax dhimasho sababay loogana soo horjeeday R/Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Waxaa Maanta banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Laba qof oo xalay lagu Toogtay Baydhabo iyo Dibadbax la Qaban-qaabinayo

Labada qof ayaa xalay lagu dilaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Labadan qof mid ka mid ah ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada madaniga xaafadaha Baydhabo, halka kan kalena uu lahaa goob lagu iibiyo daawooyinka (Farmashiyo) laguna magacaabi jiray Maxamed Deeq oo si weyn loogu yaqaano Baydhabo, waxaana lagu toogtay laanta Mursal ee xaafadda  Horseed.

Sawiro:Xuska RRA iyo Bannaanabax looga horjeedo dowladda oo Baydhabo ka dhacay

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa maanta lagu xusay sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii jabhaddii RRA, iyadoo xuskan lagu qabtay fagaaraha Caalin.

Dowladda Soomaaliya oo diyaarad u dirtay Baydhabo, si ay u soo qaado dhaawacyada qaraxii shalay

Iyadoo daawo la'aan laga soo sheegayo isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay diyaarad u dirtay, si ay u soo qaadaan dhaawcayadii ka dhashya qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay bartamaha Baydhabo.

Faah faahin ka soo baxaya dagaalo qasaare geystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Dagaal culus oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii gaadiid dagaal ay wateen ciidamada dowladda ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Beydhabo Kulamo Kula Leh Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh odayaasha iyo waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Sheekh Aadan Madoobe oo Shariif Xasan ku eedeeyay inuu Baydhabo ka dejiyay diyaarad hub sharcidaro ah waday

Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya iminkana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu Magaalada Baydhabo ka dejiyay diyaarad siday hub sharcidaro ah.

War Deg Deg Ah Shariif Xasan oo loo diiday in uu galo Baydhabo iyo Dibad bax looga soo horjeedo oo hada socda

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano kale oo la socday loo diiday in ay gudaha u galaan Magaalada Baydhabo .

BAYDHABO: askari booliska ka tirsan oo wiil dhallinyaro ah toogtay

Wiil dhallinyaro ah oo arday ahaa ayaa xalay lagu diley magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dilka wiilkan ayaa waxaa geystey askari ka tirsan ciidamada booliska ee degmada Baydhabo.

Maamulka gobolka Bay oo kasoo horjeestay shirka ka furmay Baydhabo

Iyadoo shalay shir weyne lagu sheegay mid lagu dhisayo maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Somaliya Shir gudoonkana uu ahaa Xildhibaan Adan Madoobe ayaa waxa shirkaasi ka hor yimid maamulka gobolkaasi.

Dagaalo culus oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo Al-Shabaab oo gudaha u galay

Kooxda Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa weerar xooggan oo saacado socday ku qaadday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Goobaha la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa: saldhigga weyn ee booliiska Baydhabo iyo halka uu daggan yahay xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid tiro xildhibaanno ah oo dhawaan soo gaaray Baydhabo. Sidoo kale, goobaha dagaalka lala beegsaday waxaa la mid ahaa saldhigga ciidamada madaniga ah ee magaalada, iyadoo dhinacyadu ay hubka fudud iyo midka culus isku adeegsadeen.

Dhallinyaro Fara badan oo lagu Qab-qabtay Baydhabo Kaddib Markii ay soo baxday Cabsi laga qabo Qaraxyo Degmadaas ka dhaca

Magaalada Baydhabo ayaa beryahan waxaa ka jira howlgallo lagu qabqabanayo dhallinyarada, iyadoo la sheegayo in magaalada ay soo galeen xoogag taageersan Al-shabaab kuwaasoo doonaya inay qaraxyo ka sameeyaan gudaha magaalada.

Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda deegaanada Gobalka Bay oo sababa cabsi owgeed magan galyo ahaan u galay Saldhig ay AMISOM ku leedahay halkaasi.

Wararka laga helaayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Nabadoonada Beelaha Digil iyo Mirifle in ay saldhigyada ay Ciidamada AMISOM u galay magan-galyo ahaan, iyagoo ka baqdin qaba in la dilo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS