Tag: barlamaanka

Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo lacag ugu deeqay dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida ee Yemen

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka oo ka mid ah hindise sharciyeedyada horyaala Baarlamaanka, iyadoo hidisahan uu maray saddex marxaladood ee aqrinta hindise sharciyeedyada.

Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye oo isku balansaday in aysan shaqeyn ilaa amar dambe(Warbixin)

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Beesha Hawiye ayaa isku raacay in aysan shaqeyn kana qeyb galin fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya ilaa laga saxayo qalad ay sheegeen in ay galeen Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Xubnihii Guddiga dib u eegista Dastuurka oo maanta hortagaya Baarlamaanka

Guddigii dhawaan uu magacaabay ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ee dib u eegista dastuurka iyo qabo-tirkiisa ayaa maanta lagu wadaa inay hortagaan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo laga doodayo qorshahooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta guda galaya dooda mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kadib markii shalay laga hor aqriyay Baarlamaanka, iyadoo dooda maanta ay noqon doonto mid xasaasi ah.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod u qaadaya heshiiskii Shirkada FAVORI

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod u qaadaya heshiiskii Shirkada FAVORI kula wareegtay maamulka Garoonka, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay maalmihii la soo dhaafay ka doodayeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinow …

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.

Gudoonka Baarlamaanka oo warqado Canaan ah udiraya wasiiro ballanta ka baxay

Gudoonka Baarlmaaanka ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen dib udhacyo dhowr jeer ku yimid Wasiiro laga sugayey inay horyimaadaan Baarlamaanka Somaliya.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka Baarlamaanada Carabta (Sawirro)

Magaalada Kuwait City ee dalka Kuwait ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir ay lahaayeen Baarlamaanada Carabta, kaasoo socday muddo labo maalmood.

Xubna barlamaanka ka mid ah oo Gaaraya ilaa 100 kuwaasi oo wali diidan soo laabashada.

Magaalada muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya waxaa manta kulan ku yeeshay xubno ka mid ah Barlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo si aad ah kaga soo horjeeda soo laabashada xubno ka tirsanaa xukuumadii ore ee R/wasaare Saacid.

barlamanka oo cod fara badan ku riday xukuumadii saacid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida kala noqday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Saacid, kadib saddex maalmood oo uu Baarlamaanka dood kulul ka lahaa mooshin laga keenay Xukuumada uu hogaamiyo.

Daawo Sawirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dooday mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta dood kulul ka yeeshay mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ee kalsooni kala noqoshada, iyadoo Xildhibaanada ay ahaayeen kuwo aad u kala aragti duwan.

Baarlamaanka oo Soo Gabagabeeyay akhrinta Labaad ee hindise Sharciyeedka Bankiga Horumarinta Dalka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayadoo goobjoogna ay ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla ayadoo fadhiga Baarlamaankana ay soo xaadireen 195Xildhibaan,bilowgiina waxaa la dhaariyey Laba Xildhibaan oo cusub.

DHAGEYSO:GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA: “Shacabka Soomaaliyeed ha is-dajiyaan hana ku kalsoonaadaan Golahooda Shacabka”

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) oo shir jaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo dalka, gaar ahaan dhanka siyaasadda maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay is-dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan golaha baarlamaanka.
HALKAN KA DHAGEYSO

Wasiirka Maaliyadda Oo Gudiga Maaliyadda Ee Baarlamaanka Uga Jawaabay Su’aalo Ay Weydiiyeen

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta uga jawaabay guddiga Maaliyadda ee Barlamaanka su’aallo la xiriira iscasiladdii guddoomiyaha Bankiga Dhexe, mushaarka ciidammada iyo shaqaalaha Dowladda.

Baarlamaanka Soomaaliya oo dib ugu biiray Baarlamaanka caalamka kaddib Sannado fara badan oo uu ka Maqnaa

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid noqday baarlamaanka caalamka oo ay xubno ka yihiin 16-waddan, sida uu sheegay, xildibaan Khaalid Cumar Cali, isagoo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay tani u ogolaanayso ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS