Tag: arimaha

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

asiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Abdusalam Hadliye Omer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo deg deg Muqdisho u yimid, kaddib bilo uu dibada ku shaqeynayay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa deg deg u soo galay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maalmo kaddib markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay Gabar Soomaali isku gubtay Jaziirada Nauru

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya la socoto gabar 21 jir Soomaali ah oo isku gubtay xero qaxooti ku taal Jaziirada Nauro oo ku dhow Australia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay socdaan wada hadalada maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dhismaha maamulada haray, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan la guda geli doono maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gargaar la gaarsiinayo Dadka ku nool Goobaha laga Saaray Al-shabaab

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya  Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in Deegaanada Al-shabaab laga saaray ay gaarsiin doonaan gar-gaar.

GOODAX: “Ahlusunna ciidan ma lahan, horay ayayna Dowladda ugu biireen”

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre oo hoggaaminayay wafdigii dowladda ee tagay magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in wax wanaagsan ay dhex-mareen iyaga iyo Ahlusunna.

Dowladda oo ka hadashay go’aankii Al-shabaab kana digtay in la fuliyo

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Gulleed ayaa cambaareeyey go'aankii Al-shabaab ay ku joojisay internet-ka isla markaana uga digay shirkadaha bixiya adeegyadan inay la shaqeeyaan argagaxisada oo ay amarkaas fuliyaan.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo ka qeybgalaya shir ka soconaya wadanka China.

Waxaa Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum "CASCF") , kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wafdi Ay Hoggaamineyso Oo Maanta u Ambabaxay Dalka Belgium

Ra’isalwazaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan C/lle Cismaan ee magaaladda Muqdisho iyadoo ku sii jeedda magaaladda  Brussells ee xarunta dalka Biljamka.

FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”

Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo ka war bixisay safarkeedii mareykanka

Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda  ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS