Tag: amniga

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Amniga ee ka furmay Baydhabo

Iyadoo goor dhow uu si rasmi ah u furmay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo khudbado ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay amniga. 

Wasiirka Amniga oo sheegay in jugtii caawa laga maqlay Muqdisho ay aheyd dheemish

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow  Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda. 

Wasiirka Amniga oo amray in ciidamada ay soo qabtaan dadka dilalka qorsheysan ka fuliya Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale  ayaa ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoo sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay ka dhacaan magaalada muqdisho. 

Shirka Golaha Amniga oo maanta la soo gababeynayo iyo war murtiyeed laga soo saarayo

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed. 

Wasiirka Amniga Gudaha oo magacaabay Afhayeenka cusub ee Wasaarada Amniga

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa u magacaabay afhayeenka wasaarada Amniga Gudaha  Axmed Maxamuud Maxamed”Sayid Axmed Carab) iyadoo xilkii laga qaaday CabdiKaamil Macalin Shukri. 

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka hadlay Qaraxyadii lagu Weeraray Hotel Dayax

Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Hotelka Weerarka lagu qaaday ee Dayax Hotel ayaa sheegay in Xogta ay hayaan ay ku dhinteen Weerarka ugu yaraan 10 Qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen 51 kale.

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka lagula xisaabtamayo Amniga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.

Wasiirka Amniga ugu baaqay Baarlamaanka inuu dedejiyo ansixinta sharciga la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inuu meel mariyo sharciga la dagaalanka Argagixisada, kaasoo dhowaan la horgeeyay Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Uganda ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Uganda,

Wasaaradda Amniga Gudaha oo baaq u jeedisay Milkiilayaasha Hotelada Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Hotelada Muqdisho inay taxadar amni muujiyaan, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ku qaadeysay Hotelada.

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay qaraxii xalay iyo sida Ciidamada Amniga uga hor-tageen

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, isagoo bogaadiyay sida ciidamada uga hortageen qaraxaas iyo inay fashiliyeen sida qorshuhu ahaa.

Wasaarada Amniga oo sheegtay inay ku raad-joogto shaqsiyaad dalka ka baxsaday

Wasaarada Amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku raad-joogto shaqsiyaad dambiyo ka galay dalka, kuwaasoo dalka dibadiisa u baxsaday.

Wasaaradda Amniga oo soo saartay amarro lagu adkeynayo amniga Muqdisho

Wasaaradda Ammaanka Qaranka ayaa maanta soo saartay maanta amarro la xiriira ammaanka caasimadda inta maalmaha ciidda ee soo socda lagu jiro, iyadoo amarrada lasoo saaray ay ka mid yihiin inaanay Muqdisho soo geli karin qof ka yar 40-sano inta lagu jiro maalmaha Ciiddul Adxa ee soo socda.

Wasaaradda Amniga Qaranka oo u digtey mas'uuliyiinta dowladda iyo shacabkaba

Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ayaa ka digtey weerarro aargoosi ah oo ay suurogal tahay in Ururka Al-shabaab uusoo abaabulo, weeraradaas oo jawaab u ah dilka Axmed Cabdi Godane oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose.

Sugida Amniga Somalia oo Malaayiin Dollar ah lagu bixineyo

Dowladda wadanka Mareykanka ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in Dowladda Somalia ay dhinacyo badan ka taageereyso iyadoo ku bixineysa Dhaqaale Fara badan si wax looga qabto Arimo ay ka mid yihiin amaan darada Dalka ka jirta iyo Dhismaha Ciidamada Booliska Soomaaliya .

Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka oo la dhaariyay iyo kulan amniga looga hadlayay oo uu ka qeyb galay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada,

WASIIRKA AMNIGA: Suuqyo Madow oo hubka lagu iibiyo ayaa Muqdisho ka jira”

Wasiirka Amnig Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka jawaabayay su’aalo ay xildhibaannada baarlamaanku shalay weydiiyeen ayaa sheegay in Muqdisho ay ku yaallaan suuqyo madoow oo lagu iibiyo hubka, balse ay dagaal kula jiraan.

Daawo sawiradda:Ra'iisul Wasaaraha oo ku amray Hey'adaha Amniga inay jawaab cad ka bixiyaan duqeymihii ka dhacay muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa la kulmay hay’addaha ku shaqada leh amniga, sida Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleediyo ku-xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Boliiska Gen. Saacid, guddoomiyaha gobolka Mudane Tarzan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka dhamaan degmooyinka gobolka, Taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugida.

Dhageyso:Wasiirka Arimaha Gudaha oo si kulul uugu jawabay hadal ka soo yeeray maamulka Soomaaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Mas'uuliyiinta Somaliland oo ku aadan in dowladda Federaalka ay carqalad ku heyso nabadgelyada maamulka Somaliland.
HALKAAN KA DHAGEYSO SHIRKII WARIIRKA UU KAGA HADLAY ARINTAAS
Valid XHTML 1.0 Valid CSS