Tag: amisom

AMISOM oo raalli gelin ka bixisay dhacdadii Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenadiisa ayaa kulan la qaatay Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira. 

AMISOM oo ka guuraya mid ka mid ah fariisimahoodii ugu weynaa ee Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa dhowaan la filayaa inay isaga guuraan Saldhigga ay ku leeyihiin Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, kaasoo ka mid ahaa xarumaha ugu waa weyn ee ay ka degan yihiin Muqdisho. 

SAWIRRO: Saraakiisha Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ka Shiray Hawl-gallada Al-shabaab

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay dib u billaabida Hawl-gallada ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan tahay Gobollada Soomaaliya.

Maxkamada ciidamada Uganda oo ku xukuntay xabsi hal sano ah Maj Bob Francis (Sawiro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay dacwado loo heysto 17 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyay inay isticmaalaan awood ka baxsan waajibaadka AMISOM

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay adeegsadaan awood dheeri ah oo ka baxsan howl galka AMISOM, kadib markii ay soo baxday in dhowaan ay fara geliyeen maamulo ka jira gobolada dalka.

Ciidamada AMISOM oo Kufsi u geestay Haween Soomaaliyeed oo kaalmo u doontay Xarumahooda

Warbixintan cusub ee kasoo baxday hay’ada HRW ayaa lagu cadeeyay shaacana looga qaaday xadgudubyo xaga jinsiga ah iyo kufsi ciidamada midowga Africa kasocda ee AMISOM ay kageystaan gudaha Somalia. Iyado warbixintan ciwaan looga dhigay “Sida Raggani ay noogu awood sheegtaan”.

Taliyaha AMISOM oo ka Hadlay Al-shabaab iyo Howlgallada ka socda Somalia

Taliyaha AMISOM Jen. Silas Ntigurirwa oo haatan ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa sheegay in haddii geerida Amiirka Al-shabaab ay dhab noqoto ay taasi Qaaradda Afrika kaga dhignaan doonto guul weyn.

AMISOM oo Shaacisay in 75% ay ku Guuleysteen Howlgalladeeda Soomaaliya

Ciidamada ururka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa sheegtay inay hadda 75% ay ku guuleysteen howlgalkooda Somalia tan iyo bishii February 2013-kii.

Taliska AMISOM oo ka hadlay hakadka ku yimid dagaalkii ay kula jireen Al Shabaab

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cornel Cali Aadan Xaamud oo Wareysisiinayey Laanta Afka Soomaaliga Ee VOA ayaa ka hadlay Gaabis ku yimid Howlaglada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka wadaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Col. Xumad oo ka Jawaabay hadal ka soo yeeray Askari AMISOM ah

Iyadoo askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo u dhashay dalka Burundi uu maalin ka hor sheegay in AMISOM aysan doonayn in laga taqaluso Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa jawaab ka bixiyay afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad.

Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay degmada Mahadaay

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kuwaasoo laga maqlayay deegaano ka tirsan gobolka.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Somalia oo maanta dharkoodii hore iska badalay si rasmi ahna ugu biiray Howlgalka AMISOM

Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu shaaciyey in Ciidamada Itoobiya ooh ore ugu sugnaa Soomaaliya ay kamid noqdeen Howlgalka AMISOM iyagoo qeyb ka noqonaaya howlgalka nabad ilaalinta.

Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu badalay mid cusub

Kadib Munaasabad aad u ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Safiirada Wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madax ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Mdowga Yurub ayaa maanta wax ay ka dhacday Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS