Tag: ah

Dalxiise u dhashay Jarmalka oo lagu dilay dalka Itoobiya

Dalxiise u dhashay dalka Jarmalka ayaa lagu dilay waqooyi bari dalka Itoobiya, gaar ahaan meel ku dhow Xuduuda Eritrea.

Nin Soomaali ah oo Dukaan ku Yaalla Gobolka Texes Dad ku Afduubtay

Nin hubeysan ayaa gudaha u galay dukaanka weyn ee Walmert oo ku yaala magaalada Amarillo ee gobolka Texes dalka Maraykanka.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo howl gal ka sameeyay Galgaduud

 Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Milateriga Soomaaliya ayaa xalay howl galo qorsheysan ka sameeyeen Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Ceel Timir oo qiyaastii 15KM u jira degmada Galcad.

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo guulo ka soo hoyay Tartan ka dhacay dalka Qubrus (Sawirro)

Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaamacaddii ugu horeysay ee dalka laga hirgeliyay burburkii kadib bulshadana gaarsiisay adeeg waxbarasho oo tayo leh lana mid ah kan caalamka waxay mudadii ay jirtay ka mid noqotay xubin fir fircoona ka tahay ururo Jaamacadeed oo caalami ah iyo kuwo heer gobal ah oo ay la wadaagto halbeega waxbarasho ee caalamka, tayada iyo waxqabadka hufan.

Soomaali loo heysto dilka Gabar u dhalatay Sweden oo la ogaaday inuu 18-jir yahay

Wiil Soomaali oo loo heysto dilka Gabar u dhalatay Sweden oo lagu magacaabi jiray Alexandra Mezher oo 22 jir ah ayaa la shaaciyay inuu 18-jir yahay, kadib markii Maxkamadda qaadeysay dacwadiisa ay shaki gelisay da’da uu sheegtay oo aheyd 15-sano jir.

200 milyan oo gabdha loo guday fircooni ayaa ku nool caalamka

Warbixin ay maanta soo saartay Hey’ada UNICEF ayaa lagu sheegay in aduunyada ay ku noolyihiin ilaa iyo 200 milyan oo gabdho iyo haween oo loo guday habka gudniinka fircooniga.

Booliska sida gaarka ah u tababaran oo howl gallo ka sameeyay degmada Huriwaa (Sawirro)

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran iyo Ciidamada Booliska qeybta gobolka Banaadir ayaa xalay howl gal ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, iyadoo ciidamada ay mid mid u baarayeen guryaha.

Guddi xaqiiq raadin ah oo dowladda Federaalka u direyso degmada Beled-Xaawo

Guddi xaqiiq raadin ah ayaa maanta u ambabixi doona degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo guddigan ay ka kooban yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo loo diiday sharciga Jarmalka oo is daldalay

Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo Soomali ah uu isku daldalay magaalo ku taal dalka Jarmalka kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha wadankaas.  

Gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday jaziirada Nauru oo loo oggolaaday in lagu daweeyo Sydney

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu kufsaday jasiirada Nauru Abyan ayaa loo oggolaaday in la geeyo dalka Australia si halkaas loogu soo daweeyo.

Dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool dil ah

Dhalinyaro Soomaali Mareykanka ah oo horay isku dayay inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay maleegayeen shirqoolo dil ah.

Mareykanka oo ciidamo milateri u diraya dalka Cameroon

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dalka Cameroon u dirayo ciidamo milateri, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya ka hortagida kooxda Boko Haram oo dhaq dhaqaaqeeda ku xoojisay dalalka galbeedka Afrika.

Maxkamad ku taal Uganda oo 18-sano xabsi ah ku riday Sarkaal ka tirsanaa AMISOM

Maxkamad ku taal dalka Uganda ayaa 18-sano xabsi ah ku riday Sarkaal ka tirsanaa howl galka AMISOM ee Soomaaliya, kaasoo lagu eedeeyay inuu shidaal xaday, isla markaana iibsaday.

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria oo lagu xiray magaalada London

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria Alison-Madueke ayaa lagu xiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo xarigan loo sababeeyay arrimo musuq maasuq ah oo hey’ad caalami ah oo la dagaalanta musuq maasuqa ku soo eedeysay.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas’uul ka ahaa Qaraxii Kismaayo

Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi ahan Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas’uul ka ahaa weerarkii ismiidaaminta ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo lagu tababaro ciidamo isku dhaf ah.

Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka (Akhriso)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

AMISOM oo Raashin ah u Qaybisay Qoysas kala duwan oo ku nool Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

AMISOM oo Kaashanaysa Hay'adaha Samafal ayaa gargaar cunto oo kala duwan ka Qaybisay Muqdisho, iyadoo sheegay inay ugu talo-galeen in shacabka Soomaaliyeed ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Al-Shabaab oo soo bandhigay Askari ka tirsan AMISOM oo isku soo dhiibay

Askari ka tirsan AMISOM ayaa isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab, iyadoo askarigan maalinimadii shalay lagu soo bandhigay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Muwaadin British ah oo ka mid ahaa 11 dagaalyahan ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Lamu

Muwaadin British ah ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 11 dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal subaxdii Axadii ka dhacay degmada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Ruux Soomaali Mareykan lagu daray liiska dadka la raadinayo oo u xiran dowladda Soomaaliya

Ruux Soomaali Mareykan ah oo bil ka hor FBI-da Mareykanka ay ku dartay liiska dadka la doon doonayo, isla markaana madaxiisa la saaray lacag dhan 50-kun oo doollar cidii soo sheegta macluumaadkiisa ayaa la sheegay inuu ku jiro xabsi ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga oo ku cambaareeyay Obama aamusnaantiisa dilkii saddexdii ruux ee Muslimiinta ahaa

Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku cambaareeyey madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusay dilkii loo geystey saddex dhallinyaro muslimiin ah oo lagu dilay gobolka North Carolina.

FBI-da oo doon dooneysa ruux Soomaali Mareykan ah lagu daray Liiska Argagixisada

Hey’adda dambi baarista Mareykanka ee loo yaqaano FBI ayaa soo liiska dadka ay u doon dooneyso Argagixisada ku dartay ruux Soomaali Mareykanka ah, kaasoo ay hey’addu madaxiisa dul saartay 50-kun oo dollar cidii soo sheegta macluumaad sahleysa in la soo qabto.

Gabar 14 Jir Reer Falastiin ah oo Abaalmarin Caalami ah ku guuleysatay”Sawiro”

Gabar 14 sano jir reer Falastiin ah ayaa ku guuleysatay Tartan caalami ah oo ay kasoo qeybgaleen arday kasocotay wadamo dhowr ah, kaa oo lagu tartamaye xalinta layliyo Xisaab ah oo gaaraye 240 oo ladoonaye in lagu xaliyo mudo 6 daqiiqo ah.

Wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ISIS oo ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Ciraaq

Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee loo yaqaano ISIS ama IS ayaa ku dhawaaqday in wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ciidamadooda uu ku dhintay dagaal ka dhacay Khamiistii magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq.

Daawo Sawirada" R/Wasaaraha oo kulan sagootin ah u sameeyay Guddiga maamul-u sameynta maamulka Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Guddiga Maamul-u-Samaynta Koonfur Galbeed. 

WAFDI KA SOCDA BAARLAMAANKA TURKIGA OO MUQDISHO SOO GAARAY

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi Xildhibaano ah oo ka socda Dowladda Turkiga, kuwaasi oo maanta barqadii soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Ciiddanka Gaarka ee (EASF) oo ku soo biiri doona Hawlgalka la gula dagaalamayo Al-shabaab.

Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Somalia iyo Sudan ayaa shalay waxa uu kulan ugu soo idlaaday Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.

Qeybtii ugu horeesay Ciidamo Wata Astaanta UN-KA oo Maanta ka soo dagay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay qeybtii ugu horeesay Ciidamo kasocda Dowlada Uganda oo wata astaanta Qaramada Midoobay.

Daawo Sawirada Ex- Dable Maslax Ciise Iimaan oo Saakay Magaalada Muqdisho lagu toogtay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku fulisay Askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo horey Magaalada Muqdisho ugu dilay Arday wax baranayay.

Muqdisho oo looga dhawaaqay urur ay ku midaysan yihiin haweenka suxufiyiinta ah

Urur cusub oo ay ku midaysan yihiin haweenka suxufiyiinta ah ayaa Axaddii shalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha ay Roobabkii Duufaanta watey ka geysteen gobollada Bariga xiga ee Puntland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqday qaar kamid ah deegaanada ay saameeyeen roobabkii duufaanta watey ee dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka da'ayey gobollada Bad-weynta Hindiya xiga ee ku yaal dhinaca bari ee Puntland.
Halkaan ka dhageyso dhibka meesha ka jira

Daawo sawirro Kenya iyo Soomaaliya oo hishiis ka gaaray soo cilinta qaxootiga ku nool Dalka kenya

Shir 3 geesood ah oo looga hadlayay sidii dib dalka Soomaaliya loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa maanta lagu qatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Deeq Lacageed Oo La Guddoonsiiyay Waalidiintii Iyo Caruurtii Uu Ka Tegay Timacadde

Deeq Lacageed oo ay soo direen wariyaal ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa maanta la gaarsiiyay caruurtii iyo waalidiintii uu ka tegay Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud “Timacadde’’ oo dhawaan lagu dilay Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaan qaban doonaa shir dib u hishiisiin ah oo ku aadan beelihii dhawan ku dagaalamay Barriga dagmada Jowhar.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin oo loo qabanayo beelihii ku dagaalamay duleedka bari ee magaalada Jowhar.

Reer Muqdisho oo soo dhaweeyay 22 sano ka dib in maamulka uu hir giliyo adeega samaafarada.

Waxaa magaalada Muqdisho laga hir giliyay muda dheer ka dib leerarka samaafarada ee lagu kala hago gawaariga qeebahooda kala duwan ee isaga kala goosha Muqdisho qeebaheeda kala duwan

R/wasaare Saacid Oo Kulan Looga Hadlayay Ammaanka La Qaatay laamaha kala duwan ee Dowlada ee ku shaqada leh amaanka.

Kulanka ayaa waxa uu haa mid aad u balaaran waxaana diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka caasimada soomaaliya waxaana inta badan joogay hay,adaha ku shaqada leh sida Booliska iyo nabad sugida iyo maamulka Gobalka Banaadie iyo saraakiil Ciidan oo dhamaan kulanka looga yeeray waxaana kulanka shir gudoominaayay R/wasaare Saacid.

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Dalka Namibiyo"Aqri Magacyada Dhalinyarada"

Soomaalida lagu dhibaateeyo dalalka Afrika oo sii badanaya iyo tiro dhalinyaro ah oo buux dhaafiyay xabsiyada wadamada marinka u ah Konfur Afrika.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS