Tag: Xukuumada

Inta badan Wasiirada Xukuumadda oo la sheegay in dayacaad amni lagu sameeyay (Warbixin)

Qubaro dhinaca ammaanka iyo xubno xilal horay u soo qabtay ayaa su’aal ka keenaya sida xilligan u dayacan yihiin qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Xukuumadda Soomaaliya oo u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD oo horaanta bisha September ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada oo guddi u magacaabay falkii Ciidamada Itoobiya ku laayeen dad rayid ah

 Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shirkooda caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Guddi u magacaabay falkii dad rayid ah lagu laayay deegaanka War-diile ee ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii maalmo ka hor ay halkaas Ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen dad gaarayay 14 ruux oo ku sugnaa goob uu ka jiray xus ama Alle Bari.

Golaha Wasiirada oo maanta ka hadlay go’aanka Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga (Sawirro)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in labo bil lagu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in isaga iyo Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen in labo bil lagu kordhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya oo ku beegneyd bisha September.

Xukuumadda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii Saldhigga Ciidanka AMISOM ee Ceel-cadde, Gedo

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynayaan weerarka daran ee aan cafiska laheyn ee kooxda argagaxisada Al Shabaab ay ku qaaday shalay saldhigga ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo . Annaga oo si gaar ah u garwaaqsan , lana qeybsaneyna khasaaraha xanuunka leh ee gaaray Shacabka iyo Xukuumadda Kenya , kuwaa oo wiilashooda iyo gabdhahooda si geesinimo leh u yimid si ay u soo celiyaan rajada iyo deganaanshaha Soomaaliya . Waxaanu salaan u saareynaa Ciidanka Difaaca Kenya ( KDF) dadaaladooda , waanu la xanuunsaneynaa khasaaraha gaaray.

Shirka Golaha Wasiirada oo isku raacay in dib loo furo safaaradihii Soomaaliya ee hore loo xirey

Kulankii toddobaadlaha oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa la isku raacay in dib loo furo safaaradihii Soomaaliya ee bishii July ee sanadkii 2014kii la xiray.

Wasiirka warfaafinta oo ugu baaqay madaxda Alshabaab inay isu soo dhiibaan dowlada

Wasiirka Warfaafinta dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka sheegay munaasabad lagu soo xirayay bandhigga dhaqameed in ay cafis yihiin madaxda ururka Alshabaab haddii ay isku soo dhiibaan dowlada.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas’uul ka ahaa Qaraxii Kismaayo

Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi ahan Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inuu mas’uul ka ahaa weerarkii ismiidaaminta ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo lagu tababaro ciidamo isku dhaf ah.

Isku shaandheyn lagu wado in lagu sameeyo Golaha Wasiirada iyo wada tashiyo socda

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya inay socoto qorshe la doonayo in Isku shaandheyn loogu sameeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo arrintan ay kulamo iyo wada tashi ka lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Wasiirada oo go’aamo cad cad ka soo saaray Shirkadaha dhex degan Garoonka diyaaradaha

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay arrinta Baarlamaanka Jubaland, Qaxootiga Yemen, Tala soo jeedin ku aadan shirkadaha degan Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyo Midaynta Qorshaha Qaranka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyey sharciga la dagaalanka argagaxisada (Sawirro)

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig.

Xukuumadda oo sheegtay inay la wareegtay dhameystirka shirka dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay dhameystirka shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Gobolada Dhexe ee ka socda magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaaraha oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Akhriso Liiska oo dhameystiran)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arka ayaa ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib saacado badan oo la sugayay inuu si rasmi ah u shaaciyo, iyadoo Xukuumadan mar kale la magacaabay xilli saq dhexe, si la mid ah Xukuumadii ka horeysay.

Halkan ka Aqriso Nuqulo kamid ah Mooshinkii Kalsooni kala noqoshada ee laga gudbiyay R/Wasaaraha Somalia

Xildibaano aan tiradooda wali si rasmi ah loo cadeyn ayaa dhawaan waxa ay Mooshin ka gudbiyeen R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed, kadib markii uu Khilaaf soo kala dhax galay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Xukuumada Soomaaliya oo baaq u dirtay Hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku shirsan Baydhabo

Xukuumada Soomaaliya ayaa baaq u dirtay Hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta shirka uga socdo magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kaasoo la doonayo in loogu dhiso maamulo iska soo horjeeda.

Golaha wasiirada oo ansixiyay mid kamid ah heshiisyadii ugu macquulsanaa oo wasaaradi ay la gasho shirkad Shisheeye

Muqdisho, October 3,2013-----Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration, iyo warbixinta safarkii Ra’iisul Wasaaraha ee dalalka Switzerland iyo Turkey. 
Valid XHTML 1.0 Valid CSS