Tag: Xildhibaan

Ugaas Dhagey “In La dhaho hadaad fikirkeyga ka hor-timaado baasuuke kula dhacaa wax la qaadan karo ma ahan

Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhageys oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ay ku weerareen guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan Mahad Salaad “Isbitaalada Madiina iyo Digfeer waxaa yaalla meydadka 230 qof”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxii waxashnimada ahaa ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ay ka badan tahay 200 ruux.

Xildhibaan Dhalxa oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo rasaas la sheegay inay rideen Ilaaladiisa

 Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo shaqaaqo shalay ka dhacday agagaarka Dekeda Muqdisho, kadib markii Ilaaladiisa oo saarnaa gaadiid ay rasaas fureen, taasoo geysatay khasaare dhaawacyo ah.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo caawa ka bad baaday isku day dil

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow ayaa caawa fiidkii ka bad baaday weerar kooxo hubeysan ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan.

Xildhibaan Goodax “Madaxweynaha wuxuu laaluush ku bixiyay kala qeybinta qabaa’ilka Hiiraan”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/llaahi Goodax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu kala qeybiyay qabaa’ilka dega Gobolka Hiiraan, kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka ay aqbaleen inay shirka Jowhar ka qeyb galaan.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo goor dhow lagu dhaawacay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu dhaawacay agagaarka bacadlihii hore ee degmada Xamar weyne.

Xildhibaano ka soo horjeestay go’aankii lagu tuuray mooshinkii Madaxweynaha

 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee lagu sheegay in la tuuray ama la soo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Jeesow “Doorashada Jubbaland waa mid sharci darro ah oo shacabka lagu qaldayo”

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ka hor-yimid doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo maalinta berri ka dhici doonta magaalada Kismaayo, isagoo tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo shacabka lagu qaldayo.

Xildhibaan Shiiraar “Xarigeyga wax lug ah kuma lahan Faarax C/qaadir, warka la iga baahiyay waa been abuur”

Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiiraar) oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay war lagu daabacay shabakad ka mid ah kuwa Soomaalida, taasoo lagu sheegay in xarigga xildhibaanka uu ka dambeeyay wasiirka cadaalada iyo arrimaha dastsuurka xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan Puntland oo Laascaanood ku geeriyoodey

Waxaa shalay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool lagu aasay Caydiid Maxamed Cismaan (Caydiid Casoowe) oo xildhibaan ka ahaa Maamulka Puntland, horeyna uga mid noqday xildhibaanadda dawladda Soomaaliyeed ee lagu soo dhisi jirey magaaladda Carta ee wadanka Jabuuti.

Dr. Dufle oo xildhibaannimada kala wareegay Md. Tarsan

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta sheegay in booskii xildhibaannimo ee Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho lagu badalay Professor Cismaan Xaaji Maxamuud Nuur (Dufle).

Xildhibaan caawa Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan, ayaa caawa fiidkii magaalada Muqdisho ku dilay ALLAHA u Raxmadee Xildhibaan Marxuum Mustaf Xaaji Maxamed, oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka dalka Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS