Tag: Xeer

Xeer Ilaaliyaha oo ku dhegan hey’adaha dowladda ee si qaldan u maamula dakhliyada soo gala

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in hey’adaha kala duwan ee dowladda ay u badan yihiin kuwo si qaldan u maamula dakhliyada soo gala, taasoo uu ku tilmaamay inay sharci darro tahay.

Dhageyso:Dr. Axmed C. Dahir “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday muranka haatan ka taagan Badda, kadib markii ay si qaldan xuduuda u calaameysatay, iyadoo ka faa’ideysaneysa dowlad la’aanta Soomaaliya.
Halkaan ka Dhageyso

XEER-ILAALIYAHA: Dowladda Somalia kama bixin Dacwaddii Badda ee kala dhexeysa Kenya

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan ka bixin dacwaddii kala dhexeysay Kenya ee ku saabsanayd xuduud-badeedka labada waddan u dhexeeysa, isagoo sheegay in 13-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ay mar kale dacwad arrintan ku saabsan u gudbin doonaan maxkamadda Hague ee dalka Netherlands.

Somalia oo laga Mamnuucay Gudniinka Gabdhaha ee loo yaqaanno Fircooniga

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay maanta in dalka uu mamnuuc ka yahay gudniinka gabadhaha lagu sameeyo ee loo yaqaano Fircooniga, isagoo tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya ruuxii lagu helo in gudniinkaan uu ku sameeyay gabadhiisa sharciga lala tiigsan doono.

Haweenka oo markii u horeysay laga qeyb gelinayo Hey’addaha Garsoorka dalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay markii u horeysay door ku yeelan doonaan Garsoorka dalka, isagoo xusay in dhowaan la arki doono Haween Xeer Ilaaliyeyaal iyo Garsoorayaal ah.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS