Tag: Weerar

In ka badan 10-ruux oo Xildhibaan, saraakiil iyo siyaasiyiin ku jiraan oo ku geeriyooday weerarka Hotelka Saxafi

Warar horu dhac ah ayaa ka soo kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar saaka waabarigii hore Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Wiil Bambo ku tuurey gurriga guddoomiyaha Waaberi oo inta la dhaawacay kadibna la qabtay

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa gacanta ku dhigay wiil la sheegay in uu bambo ku tuurey xalay gurriga guddoomiyaha degmada Waaber Axmed Meyre Makaraan.

Weerar is qarxin ah oo lagu qaaday taliye ku xigeenka booliska Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in saaka weerar is qarxin ah lagu qaaday meel u dhow xarrunta taliye ku xigeenka ciidamada booliska ee maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo General Muxuyaddiin Axmed Muuse.  

Shan ruux oo uu sarkaal ciidan ku jiro, ayaa ku dhintay weerar xalay Gaarisa ka dhacay

Shan ruux, oo uu ku jiro sarkaal ciidan, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar xalay fiidkii ka dhacay degmada Gaarisa ee xarrunta gobolka waqooyi bari Kenya ee ay Soomaalida degto.

Gaarisa oo 11 ruux ay ku dhaawacmeen, markii bomb lagu weeraray kaniisad

Kow iyo toban ruux, ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerar bamb gacmeed ah oo saaka lagu qaaday goob kaniisad ah oo ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Gaarisa oo 11 ruux ay ku dhaawacmeen, markii bomb lagu weeraray kaniisad

Kow iyo toban ruux, ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerar bamb gacmeed ah oo saaka lagu qaaday goob kaniisad ah oo ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya. Hay'adda bisha cas ee Kenya, ayaa sheegtay in 11 ruux ay u daad gureeyeen xarrumaha caafimadka si loola tacaalo, kuwaas oo u badnaa dad u yimid kaniisadda inay ku cibaadeystaan. Kooxihii weerarka geystay, ayaa la sheegayaa inay baxsadeen. Dad goob joogayaal ah ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas dhaceysay wax yar kadib markii uu weerarka bambada dhacay.

Booliska Muqdisho oo fashiliyay weerar lagu qaadi lahaa garroonka dayuuradaha ee Aaden Cabdulle

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan xalay koox qorsheynayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Iska hor imaad askari lagu dilay, kuwana lagu dhaawacay oo xalay Gaarisa ka dhacay

Kooxo hubeysan, ayaa xalay rasaas oodda uga qaaday gaari booliska Kenya ay la socdeen, kaa oo marayay bartamaha magaalada Gaarisa ee xarrunta gobolka waqooyi bari Kenya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS