Tag: Wasiirka

Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya. 

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh oo ka hor-yimid hadalkii Wasiirka Amniga

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hor-yimid amar ka soo baxay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaasoo ahaa in aanay cidna shir qabsan karin, iyadoo aanay fasax ka heysan Hey’addaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir.

Muqdisho oo laga mamnuucay Shirar aysan ka warqabin Dowladda.

Maxamed Abuukar Isloow Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirar aysan ka warqabin Dowladda Soomaaliya in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada oo sheegay inta badan Jaamacadaha dalka aanay Tayo laheyn

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa si kulul u weeraray jaamacadaha dalka ka howl gala, oo uu ku tilmaamay in aanay badankood gaarsiisneyn tayadii waxbarashada dugsiyada sare ee xilligii kacaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Fargeeti “Waa sharci darro in shirkad gaar ah ku soo rogto gaadiidka Ceymis Qasab ah”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sharci darro ku tilmaamay shirkad gaar loo leeyahay oo maalmo ka hor ku soo rogtay Gaadiidka inay galaan Ceymis qasab ah.

Wasiirka A. Gudaha oo ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inuu dedejiyo xubnaha Aqalka sare

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka la doortay ee Maamulka Hirshabeelle inay dedejiyaan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas.

Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo Baarlamaanka hor-tagaya

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa lagu wadaa inay maanta hor-tagaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha amniga dalka oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Wasiirka Amniga “Ma jirto amar naga soo baxay oo lagu baarayo Xildhibaanada”

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin wax amar ah oo wasaaraddiisa ka soo baxay, kaasoo lagu farayo ciidamada ammaanka inay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka socotay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.

Wasiirka Maaliyadda oo maanta lagu wado inuu hor-tago Baarlamaanka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa lagu wadaa inuu hor-tago Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo hor-yaala Baarlamaanka.

Maareeye “Sharciga Saxaafada ee uu Baarlamaanka ansixiyay waa kan ugu fiican adduunka”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa soo dhoweeyay ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ee sharciga Saxaafadda, isagoo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan.

Wasiir Odawaa “Dowladdu diyaar ayay u tahay dhameystirka dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dowladda Federaalka ku howlan tahay dhameystirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in 90-cisho gudahood lagu dhiso.

Wasiir Diinii “Ciidanka Xoogga dalka qeyb kama ahan dagaalka Gaalkacyo”

 Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ku dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Puntland ay sheegtay in dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga “Ciidanka XDS Waxay u tababaran yihiin dhowrista xuquuqda aadanaha

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga caruurta la askareeyo  iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka caruurta aan weli qaan gaari.

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay Guddi u saartay baaritaanka wiil ay dileen AMISOM

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay Guddi soo baara dilkii Ciidamada AMISOM u geysteen wiil yar oo 14 jir kubad ku ciyaarayay agagaarka Garoonka Muqdisho Stadium.

Wasiirka Amniga oo wada shaqeyn ka dalbaday hay’adaha Amniga dalka.

Wasiirka Aminga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed ayaa ugu baaqay hay’adaha Garsoorka ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo Tababar uga socda Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa booqday Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar uga socda dalkaas. 

Wasiir Diini “Weerarada Argagixisada kama weecinayaan Soomaaliya iyo saaxibadeeda horumarka iyo dib u dhiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan ah oo tababara Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada “Miisaaniyadii laga sugayay caalamka oo ahayd 49% ma soo gaarin dowladda”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti oo shalay hor-tagay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa su’aalo laga weydiiyay miisaaniyadda sanadkan 2015 iyo 49 milyan oo soo xarootay sid ay ku baxday shantii bilood ee ugu horaysay sanadkaan, mushaar la’aanta haysta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, dhaqaalo la’aanta soo wajahday dowladda.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada ee ka socda gobolada dalka.

Wasiirka Amniga “Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda, waxba kama tari karo sugida Amniga”

 Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay darbiga ay Kenya wado inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada ay Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan is dhex galka bulshada ah

Wasiirka Amniga gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan is dhex galka bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka Dagmada kaaraan ee gobalka Banaadir.

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagtay dalka China (Sawirro)

Wasiiradda Wasaarada Caafimaadka Xaawa Xassan Mohamed oo booqasho rasmi ah ku tagtay todobaadkan dalka China ayaa waxay la kulantay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China H.E Li Bin, waxayna labada Wasiir ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaaricdi caafimaadka ee dalka uu ka fulin jiray China gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Banaadir oo ka mid ah Isbitaalada horay uu udhisay China, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaadka ee wadanka China u soo diri jireen wadanka Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Sh/Dhexe iyo Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Siyaasiyiint, Waxgaradka, aqoonyahannada, iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaannada Gobolka Sh/Dhexe iyo Banaadir.

Wafuud isugu jira Wasiiro iyo Mas’uuliyiin oo maanta gaaray Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq

Wafuud ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa maanta gaaray degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq, iyadoo socdaalkooda uu la xiriiro arrimaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe iyo sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira habka loo marayo maamul u sameynta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay ka go’an tahay sii wadida wada hadalka Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay ka go’an tahay Xukuumadda in la sii wado Wada hadalada iyaga iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga oo soo gaba gabeeyay socdaalkii Galgaduud, dibna ugu soo laabtay Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan socdaal shaqo oo qaatay ku dhowaad labo todobaad ku joogay gobolka Galgaduud ayaa maanta soo gabagabeeyay dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

JEN. DIINI: Dowladdu Waxay u Tanaasulaysaa Danta Shacabka Soomaliyeed

Wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo socdaal ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guri-ceel, isagoo sidoo kalena kormeeray dugsiga tababarka qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM ka tirsan.

Wasaaradda Haweenka oo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada loo geysto Haweenka

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto, iyadoo hadalkan jeedisay xilli loo diyaar garoobay munaasabada maalinta haweenka.

Wasiirka Difaaca Gen Diini “Waxaan xooga saari doonaa dib-u-dhiska Ciidan Qaran oo isku dheeli tiran”

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ansixinta Xukuumadda kadib saxaafadda la wadaagay dareenkiisa ku aadan waxa u qorshaysan marka uu xilka la wareego, ayaa ugu horeyn waxaa uga mahadceliyey xubnaha golaha baarlamaanka codka kalsoonida ee ay siiyeen xukuumadda, isagoo sheegay in uu muhiimadda koowaad siin doono sidii dalku u yeelan lahaa ciidan xoog leh oo hanan kara amniga dalka, isla markaana ay u dhameystiran yihiin adeegyadii uu ku howlgeli lahaa.  

Mid ka mid ah Wasiiradii uu magacaabay RW Cumar Cabdirashiid oo beeniyay inuu is casilay

Wasiirka cusub ee Wasaarada Beeraha Xukuumada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Badni ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo ahaa inuu is casilay, kaasoo ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta.

Wasiirka Difaaca Somalia oo ka Warbixiyay Shirkii Imaaradka

Wasiirka Gaashandhigga  Xukuumadda Soomaaliya  mudane Maxamad Sheekh Xasan Xaamuud oo maanta dalka dib ugu soo laaabtay ayaa sheegay shirar dhowr ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Abu Dhabi uu ku soo idlaaday guul.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS