Tag: Wasaaraha

Theresa May oo ka badbaaday in codka kalsoonida lagala laabto

Ra’iisul Wasaaraha UK Theresa May ayaa ka badbaaday in codka kalsoonida lagala noqdo, kaddib markii ay cod u qaadeen Xildhibaanada Xisbigeeda ee Conservative-ka. 

Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu sameynayaa nidaamka Federaalka, hadii dhib iyo xabad uu keenayo”

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono nidaamka Federaalka Federaalka, hadii ay la xiriirto colaada ku soo laabaneysa magaalada Gaalkacyo oo ay labadeeda qeyb ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Banaan bax looga soo horjeedo muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo New York kaga qayb-galay shir looga hadlay Arrimaha Somalia

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo gaaray magaalada New york ee Maraykanka , isagoo uga qaybgalaya shir looga hadlayo horumarka Soomaaliya, kasoo ay kasoo qaybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan Qarmada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha oo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka wada tashiga 2016

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa faah faahin ka bixiyay shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashooyinka sanadka 2016 ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoolka weyn ee shirkan uu ka furmay ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta ku sii jeeda magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe, halkaasoo wada hadalo ay ku leeyihiin Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wada isbaheysi ka dhan ah dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan deg deg la qaatay Hey’addaha Ammaanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.   

Halkan ka aqriso wareysi uu siiyay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid taleefishinka Aljazeera

Ra’iisal wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdrshid Cali ayaa wareysi siiyay taleefishinka Aljazeera waxana uu ra’iisal wasaaruhu uu kaga jawaabay wareysiga arrimo ay ka mid yihiin: xilliga laga yaabo in AMISOM ay dalka ka baxdo,suurtogalnimada in dowlada Soomaaliya miis la fariisato ururka Al-shabaab,mowqifka dowlada ee duqeynta diyaaradaha dronka iyo su’aalo kale.

Cabdi wali Shiikh Axmed oo ku wajahan manta Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa maanta Booqasho ku tagaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,halkaa oo ay ku sugan yihiin Gudigii Xukumadda Soomaaliya ay u Magacowday Dhismaha Maamulka Saddexda Gobol.

R.W Cabdiweli oo maanta kulan qado ah la qaatay ururada bulshada rayidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay qeybaha bulshada Rayidka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Amniga Caasimadda iyo Hiigsiga 2016. 

RW C/WELI: "Soomaalidu waa in ay Caawiyaan Walaalahooda Dhibaateysan"

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa fariin ku aaddan abaaraha iyo biyo la’aanta ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka u diray bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata gaar ahaan qurbe-joogta iyo ganacsatada.

R.Wasaare Cabdiweli: Waxaan bogaadinayaa go’aanka Ximan iyo Xeeb ugu soo biirtay heshiishka Gobollada Dhexe”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bogaadiyey go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ugu soo biiray Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo dhabaha u xaaraya in dadka degan gobolladaas ay dhistaan hal maamul Gobolleed oo ay ku midaysan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo Puntland ugu Hambalyeeyay 16-guuradii Aasaaskooda

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa hanbalyo ku aaddan sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay asaaskii Puntland u diray shacabka iyo mamulka deegaannadaas.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS