Tag: Wasaarada

Wasiir Xoosh “Somaliland oo maqan Afti looma qaadi karo Dastuurka”

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasaaradda Waxbarashada oo maanta qaadeysa Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga

Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga oo ka hadlay Xajmiga Qaraxyadii Xalay lagu Weeraray Hotel SYL ee Muqdisho

Wasiirka Ammaanka Xukumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ay ka awood bad-naayeen Qaraxii lagu weeraray Hoteelka Jaziira sannadkii aynu kasoo gudubnay ee 2015-ka.

War Saxaafaddeed: Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Siyaasadda Qaran ee ku wajahan Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Maaliyadda oo qabatay dood ku saabsan Miisaaniyada sanadkan 2016

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay madal looga doodayo miisaaniyadda qaran ee 2016, waxaana madasha ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo dadka ku nool daafaha caalamku ay uga qayb qaadanayeen khadka telefoonada, Facebook, iyo Twitter, si ay wax badan uga ogaadaan qaabka ay miisaaniyadu u soo xarooto, meelaha ay ka kala timaado iyo qaabka ay u baxdo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku dhawaaqday guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu shaaciyay magacyada guddiga farsamada maamul u sameynta labada gobo lee Sh/dhexe iyo Hiiraan,

Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in sanadkan uu kordhay dakhliga gudaha ka soo xarooda

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkan uu kordhay dakhliga ka soo xarooda gudaha dalka, isla markaana horumar laga sameeyay dhanka dakhli uruurinta.

Wasaaradda Amniga oo sheegtay in la fashiliyay weerarkii saaka ka dhacay Cadaado

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sheegtay in la fashiliyay weerar saaka ka dhacay meel ku dhow Xarunta ay degan yihiin ergooyinka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka socda degmada Cadaado.

Wasiirka Difaaca oo kormeer howlleed ku tagey Xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya,

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo walaac xoog leh ka muujineysaa Soomaalida ku dhamaneyso tahriibka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya  waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada,ee ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed , kuwaasi oo qaarkood ku waaya naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah. 
Valid XHTML 1.0 Valid CSS