Tag: Wariye

Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo balan-qaadkii uu u sameeyay Wariye Black

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisa ahaa inuu Wariye C/risaaq Cilmi Black loo qaadi doono caafimaad dibadda ah, kadib amrkii xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayay dalka.

Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaari ay wadatay

Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raido Muqdisho iyo SNTV ayaa goor dhow ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad ay dhigeyneysay.

Wariye Caawa ku dhaawacmay Muqdisho iyo Ruux Shacabka ah oo la Toogtay

Nuurre Maxamed Cali oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa ku dhaawacmay Xalay qarax gaari uu watay loogu xiray, iyadoo xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir ay koox hubeysan isla Xalay  ku toogteen qof rayid ah.

Wariye Damaanad lagu sii daayay

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa damaanad ahaan ku sii daysay wariye Daa'uud Cabdi Daa'uud, oo Muqdisho ku xirnaa muddo toddobaad ah u xirnaa waaxda dambi baaritsa ee CID-da.

Wariye Xalay Laascaanood lagu dilay

ALLAHA u raxmadee, waxaa xalay magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool lagu dilay wariye Axmed Faarax Saakin, oo TV-ga Universal uga soo warrami jirey gobolka Sool guud ahaantiisaba.

Wariye xalay Muqdisho lagu weeraray, oo soo kabanaya

Kooxo dablay ah, ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dhaawacay wariye u shaqeynaayay idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS