Tag: Wafdi

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka A/Gudaha ee DS oo Turkiga gaaray

Wafdi horudhac u ah kan madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka Turkigu uu ku wada hadashiinaayo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, ayaa xalay gaaray dalka Turkiga.

Xubno QM ka socda oo Jowhar booqday

Xubno QM ka socda, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay qiimeynayeen xaaladda gobolka ka jirta.

Wafdi wasiiro ah oo Baydhabo gaaray

Wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo wafdigan uu wehliyo Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey, kaasoo ku gacan seyray xil ka qaadis bishii hore lagu sameeyay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Minneapolis gaaray

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maalmahanba booqasho ku marayay dalka Mareykanka, ayaa gaaray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halkaas oo ay kula kulmeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Adis-ababa gaaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ee uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo saaka ka soo ambabaxay magaaladda Jabuuti ayaa soo gaaray  Caasimadda Itoobiya ee Adis-Ababa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS