Tag: W

Dowlada Soomaaliya oo ugu baaqday Shirkadda DP World inay ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shir gaar ah uga qeyb galay dalka Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka  ay kaga tashanayeen gantaal baalisti ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku tilmaamay ciidamada AMISOM Nabad-dhaliyaal

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay ciidamada AMISOM nabad-dhaliyaal halka markii hore ay ka ahaayeen Nabad ilaaliyayaal.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo maanta hor-tagaya Baarlamaanka

 Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hor-tagaya Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, si su’aalo looga weydiiyo ka hor imaanshihiisa Go’aankii uu Baarlamaanka gaaray.

Wasiirka Amniga oo faray Mas’uuliyiinta dowladda in 14 maalmood gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira sugida amniga iyo xakameynta Hubka.

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Xeerka Saxaafadda

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa kala hadlay arrimaha xeerka saxaafada.

Wasiir Beyle oo ku amray hey’adaha dowladda in Lacagaha ay qabtaan ku soo shubaan Bankiga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray amar uu ku farayo Hey’addaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qabta adeegyada dowladda in lacagaha ay ku soo shubaan Bankiga Dhexe

Wasaaradda Amniga oo amar ku bixisay in shirar siyaasadeed aan lagu qaban karin Hotelada

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo saartay amar ku aadan in kulamo siyaasadeed aan lagu qaban karin Hotelada Muqdisho, iyadoo digniin u jeedisay Milkiilayaasha Hotelada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay sababta Soomaaliya loogu diiday Suuqa Bariga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa ka warbixiyay sababaha Soomaaliya loogu diiday xubinimada Suuqa Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC oo ay ku bahoobeen illaa lix dal oo ku yaala Bariga Afrika.

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka lagula xisaabtamayo Amniga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS