Tag: USA
Tobanaan shacab ah ayaa ku dhintay kuwo kalena waa ay ku dhawacmeen Soomaaliya, kadib markii Mareeykanku uu kordhiyay Weeradda ka dhanka ah Al-shabaab, baaris uu sameeeyay Wargeeyska the guardian ee kasoo baxa ingiriiska ayaa Muujineeysa cabsi soo kordheeysa oo ku aadan in tilaabadda ay qaaday xukuumadda Washington ay sabab u noqoto taageeradda Al-shabaab oo kororta.
Iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay bishii August ee sanadkan isku raaceen in dhamaadka bisha December laga soo saaro Soomaaliya illaa 1,000 askari oo ka tirsan Howl galka AMISOM, ayaa waxaa tallaabadaas ka hor-yimid Mareykanka oo sheegay in aanay xilligan aheyn waqtigii AMISOM ka bixi lahaayeen Soomaaliya, xilli uu sii kordhayo qatarta Argagixisada ee Geeska Afrika.
Sida uu saakay baahiyay wargeyska Washington Post ee Mareeykanka kasoo baxa, Saraakiil katirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa shaaciyay in Imaaraadka ay jabsadeen wakaalada wararka dalka Qatar ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (Qana), taasoo sababtay Khilaafka soo kala dhex galay wadamada Khaliijka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya, James P. McAnulty magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis ay dowlada Maraykanku ugu deeqday lacag dhan $1.5 malyan oo lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ku sugan magaalada Wawshington DC, halkaas oo isaga iyo xubno ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ay maanta kaga qeyb-galayaan Shir-Madaxeedka taariikhiga ah ee US-Africa, ku dhawaaqay dhowr hindise oo ujeedadoodu tahay awoodsiinta dhallinyarada.
Ku Simaha Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qabailsan Arrimaha Soomaaliya Brian H. Phipps, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya oo u dabaal-dageyso maalinta qaranimada ee 1-da July. “Aniga oo ka wakiil ka ah Madaxweyne Barack Obama, Xoghayaha Arrimaha Dibedda John Kerry iyo shacabka Maraykanka, waxaan hambalyo ku aadan xuska sanad guurada 54-aad ee maalinta xoriyada Soomaaliya u dirayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliya”, ayuu yiri Phipps.
Qoraallo ay soo kala saareen AMISOM iyo Mareykanka ayaa looga digay weerarro argagaxiso oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan; iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujintaan inta lagu jiro Ramadaanka.
Guddiga sirdoonka ee aqalka baarlamaanka waddanka Maraykanka ayaa warbixin ay siiyeen golaha waxay kaga hadlayeen arrimaha ammaanka caalamka gaar ahaan halista ururro uu Al-shabaab ka mid yahay, iyagoo sheegay in Soomaaliya uu hadda ka mid yahay dalalka lagu jabiyay ururrada Al-qaacida xiriirka la leh.