Tag: Tarsan

Duqii hore ee Muqdisho Tarsan oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa Madaxweynaha

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta la filayaa inuu magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Tarsan “Munaasabaddii 15-ka May waxay noqotay in dowladdu waxqabadkeeda kaliya ku soo bandhigto”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Munaasabaddii maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-Ka May ay dowladda u isticmaashay inay waxqabadkeeda ku soo bandhigto, iyadoo dhalinyarada ka fara maroojisay in ra’yigooda iyo doorkooda ku soo bandhigaan.

Tarsan “Dowladdu si qaldan ayay u maareyneysaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ka hadlay is mari waaga ka taagan maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo ku dhaliilay dowladda Federaalka inay dooneyso in jajuubto rabitaanka iyo talada shacabka.

Duqii Hore ee Muqdisho oo ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Max'uud Axmed Nuur Tarsan oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii xilka laga qaaday ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Daawo: Tarsan "Ardada dugsiyada sare kaalmaha ka gala, waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah baannu siineynaa"

Maamulka gobolka Banaadir ayaa u balan qaaday ardayda Gobolka ee kaalmaha hore kagala Imtixaanaadka Dugsiyada Sare, Waxbarasho Jaamacadeed oo lagac la’aan ah, taa oo ay ka heli doonaan dalka gudihiisa, maamulkana uu bixin doono qarashaadka ku baxaya.

Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay inay jiraan maleeshiyaad waddooyinka qaar isbaaro dhigta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inay jiraan maleeshiyaad madax banaan oo aanay cidna ka amar qaadan, kuwaasoo isbaarooyin soo dhigta xaafadaha Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo ka digey in maxkamad la geeyo muran dhuleed iyadoo aan maamulkiisu la socon

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa ka digay in ay maxkadaha gobolka Banaadir qaadaan dacwado la xiriira is qab qabsiga dhulalka iyo guryaha Muqdisho qaarkood, iyadoo aanu maamulkiisu waxba kala socon arrintaasi.

Duqa Muqdisho oo ugu baaqay qurba joogta inay fasaxyadooda ku qaataan Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmednuur (Tarsan), ayaa sheegay in Muqdisho ay ka kacday halkii ay ku kuftay 22 sano ka hor ,waxa ugu baaqay jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, oo ayna garab istaagaan dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dalka Switzerland kaga qaybgalaya shirka St. Gallen Symposium (SAWIRRO+ VIDEO)

Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii 43-aad ee St. Gallen Symposium ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada St. Gallen ee dalka Switzerland, waxanaa kulankan kasoo qaybgalay siyaasiin caan ah iyo qubaro magic-weyn ku leh caalamka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka mid ahaa ...

Guddoomiye Tarsan oo kormeeray xarrumo laga burburinaayo dhismooyin sharci darro ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa maanta booqday goobo ay dowladda hoose ee Muqdisho ka waddo burburin dhismooyin sharci darro ah.

Duqa Muqdisho oo la kulmay ajaaniib dooneysa inay maal-gashi ku sameystaan Muqdisho

Maamulka gobalka Banaadir ayaa kulan la qaatay maalgashadayaal ka socday Hay’ad laga leeyahay wadanka Ingiriiska kuwaas oo doonaya in ay maalgashi ku sameestaan wadanka.

Tarsan oo dowladda ugu baaqay inay howl iska saarto shaqo u abuuridda ardada ka baxa jaamacadaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu yeeray inay mudnaan gaar ah siiso ardada ka baxa jaamacadaha dalka si shaqooyin loogu abuuro.

Shirkado dhisaya Muqdisho oo la sii kala reebi doono

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa maanta ka dhawaajiyay in shirkado soo dalbaday inay ka mid noqdaan kuwa dhisaya magaalada Muqdisho, ay ka soo reebeen 66 shirkadood, kuwaas oo iyana la kala saari doono.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka digay biyaha ay dadka reer Muqdisho cabaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa maanta Muqdsiho ka sheegay in dadka magalaadiisa ku dhaqan aysan heysan biyo nadiif ah oo ku filan.

Tarsan oo sheegay inay dayactiri doonaan laba suuq oo kale, ayna ifin doonaan waddada Wadnaha

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa maanta sheegay in dhawaan ay datactiri doonaan laba suuq oo ku yaalla magaalada Muqdisho, si saxada suuqyada loo ilaaliyo.

Dab damisyo uu maamulka Gobolka Banaadir ka soo iibsaday Ingriiska, wadana qorshayaal nalalka ku shaqeya ileyska qoraxda looga hergalinayo Suuqa Bakaaraha iyo waddada Wadnaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku guuleystay in ay soo iibsadaan laba dab damis oo wax badan ka qaban doono baahiyaha dhinaca dab damiska ah ee ka jira magaalada Muqdisho.

Tarsan "10 Milyan oo doollar ayaa ku baxaysa wajiga koowaad ee dib u dhiska Muqdisho, tartanna waan galineyna shirkadaha"

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta u soo bandhigay 120 shirkadood oo gobolka Banaadir ka qabta howlaha dhismaha barnaamij tartanneed oo gobolka Banaadir dib loogu dhisaayo.
Dhageyso

Duqa Muqdisho "Diiwaan galinta dadka Muqdisho faa'ido badan ayay leedahay"

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe lagu diiwaan galinaayo dadka ku dhaqan gobolka Banaadir.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS