Tag: Tahriibayaal

Doon ay la socdeen tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Liibiya

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ay degtay doon ay la socdeen in ka badan labo boqol oo tariibayaal xeebaha dalka Liibiya, waxaana dadka doonta la socda la sheegay in ay ka mid ahaayeen muhaajiriin ka tagay wadamada bariga Africa.

Kumanaan muhaajiriin ay ku jireen ilmo yar oo laga bad baadiyay Badda Libiya (Sawirro)

Kumanaaan Tahriibayaal ah ayaa shalay laga bad baadiyay Badda Mediterranean ee u dhaxeysa Yurub iyo Afrika, iyadoo dadka la bad baadiyay ay u badnaayeen carruur aad u yar. 

Daawo Sawirada doon la dagaysa tahriibayaal badda Mediterraneanka

Doon ku degtey badda Mediterraneanka oo ay saarnaayeen boqolaal tahriibayaal ah ayaa markii ay degeysay waxaa ciidamada badda ee Talyaaniga oo gurmad u fidinayay dadkan ay sawiro qaabka ay doonta u degtey ka qaadeen.

2,500 oo muhaajiriin ah laga soo bad baadiyay Badda Mediterranean-ka

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in 2,500 oo muhaajiriin la socday illaa 14 doonyood kuwa cinjirka ka sameysan laga soo bad baadiyay Badda Mediterranean-ka,

Boqollaal Ruux oo kasoo jeeda Waddamada Afrika qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in lagu la’yahay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasoo tahriib ahaan ugu socday Yurub.

Boqollaal Ruux oo kasoo jeeda Waddamada Afrika qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in lagu la’yahay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasoo tahriib ahaan ugu socday Yurub.

2,900 tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay badda Mediterraeanka

Maraakiib ay leeyihiin Talyaaniga,Irish iyo Uk ayaa badbaadiyay 2,900 tahriibayaal ah oo saarnaa 21 doon badda Mediterraneanka .

Daawo Sawirada 400 oo qof oo Muhaajiriin ah oo ku dhintay Badda Mediterranean iyo kuwa kale oo la bad baadiyay

Wararka ka imaanaya Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ay dhinteen dad gaaraya 400- oo Muhaajiriin ah, kuwaa oo dooni tahriib ka raacay Xeebaha Dalka Liibiya kuna sii jeeday Dalka Talyaaniga.

Ciidanka Badda Talyaaniga oo Xeebaha Dalkaas ku Badbaadiyay Tahriibayaal

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay 2,000 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo saarnaa doomo dul-sabbeynayay 12 doon yar-yar oo ay kasoo raaceen dalka Liibiya si ay Yurub ugu gaaraan, kaddib markii xeebaha Mediterranean-ka ay ku dhinteen 300 oo tahriibe toddobaad ka hor.

Tahriibayaal Afrikaan ah oo la badbaadiyay

Mid kamid ah Maraakiibta Taliyaaniga ayaa helay meydadka 24-Muhajairiin African u badan kuwaas oo ay la dagtay Doontii ay saarnaayeen sida lagasoo xigtay Saraakiisha Ciidanka Badda Taliyanaiga.

Doomo ay la Socdaan Tahriibayaal Soomaali u badan oo kusii dhawaanaya Xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaniga

Doomo ay saaran yihiin in ka badan 200 oo ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhawaaday xeebaha Talyaaniga, sida ay sheegeen ciidmada badda Talyaaniga. iyadoo la sheegayo in doomahan oo labada ay weli ku jiraan biyaha dalka Liibiya.

Magacyada dad Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay Libya

Ugu yaraan 28 Soomaali tahriibayaal ah, ayaa ku dhintay meel duleedka ka ah magaalada Tripoli ee dalka Libya maalin ka hor, kadib markii gaarigii ay la socdeen dadkaasi ay ku neef qabatimoobeen.

Ku dhawaad 30 tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay duleedka Tripoli ee dalka Libya

Ugu yaraan 26 ruux oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah ayaa geeriyooday, 28 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay ku duntay shamiinto saarnayd gaari si dhuumaaleysi ah loogu waday oo kasoo qaaday deegaan lagu magacaabo Ajdaadiyah kuna socday magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS