Tag: Tababar

Tababar ku saabsan ilaalinta hantida dadweynaha oo Muqdisho lagu qabtay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ugu soo gabagabeeyay tababar xubno laga soo xulay degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid, kuwaasoo loo tababaray sidii ay u ilaalin lahaayeen hantida dadweynaha oo ay ka mid yihiin nalalka qoraxda ku shaqeeya oo dhawaan la suray jidka 30-ka ee Muqdisho.

Askar loo tababaraayo inay ka howl-galaan cisbitaalka Xoogga dalka Soomaaliya

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa maanta tababar u furey 70 askari oo ka mid noqonaya howl wadeennada cisbitaalka xoogga dalka Soomaaliya, oo dhawaan qeyb ka mid ah dib loo howl galiyay.

Midowga Yurub oo Muqdisho u wareejinaaya howsha tababarka ciidamada Soomaalida

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhaqso badan ugu rarayaan howsha tababaridda ciidamada Soomaaliya gudaha magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaasoo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.

Talyaaniga oo soo dhaweeyay ciidamo Soomaaliyeed oo tababar u furmey

Safiirka Taliyaaniga u fadhiya dalkeena Soomaaliya Andrea Mazzella ayaa sheegay in dowladda Taliyaaniga ay tababara ku siineyso gudaha dalka Jabuuti 200, askarioo kamid ah Ciidamada Boliska isuguna jira rag iyo haween.

Midowga Yurub oo waqtiga u kordhiyay tababarridda ciidamada Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa mudo labo sano ku kordhiyay howsha tababarka ciidamadda Soomaaliya ee (EUTM) sidaana waxaa ku dhawaaqay Midowga Yurub.

Wasaaradda kalluumeysiga Somaliland oo kalluumeysato tababareyso

Tababar ku saabsan kore u qaadidda aqoonta kalluumeysatada, ayaa  shalay loogu soo gaba gabeeyay  magaalada Barbara shaqaalo ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga Somaliland.

AMISOM oo sheegtay in ciidamada Soomaaliya hadda ka dib dalka lagu tababari doono

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya hadda ka dib ay ka dhici doonaan gudaha dalka Soomaaliya, halka markii hore lagu soo tababari jirey waddanka dibbaddiisa.

Tababar loogu soo xirey Garoowe dhalin yaro qarka u saarnaa inay ku biiraan burcadda badaha

Wasirka Caddalada diinta iyo awqaafta ee Maamulka Puntland C/khalif  Xaji xasan ajayo ayaa maanta u soo xiray tababar 45  dhalinyaro ah oo qayb ka ahaa mashruuc soconayey 3 sano oo maanta la soo gabo gabeeyay magaalada Garroowe,   kuwas oo ay ku baranayeen farsamooyin ay ka mid ahayeen samaynta qalabka lagu sexdo korontda iyo dhismayasha guryaha waxaana barnamijkan fulinaysay Ha’yadda NCA  oo ay la fulinaysay Wasarada Caddalada diinta iyo awqaafta.

Ciidamo AMISOM iyo Soomaali isugu jira oo tababar uga furmay Balad-weyne

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM ee Hiiraan jooga, ayaa sheegaya in illaa 250 askari oo ka kala tirsan Jabuutiyaan AMISOM qeyb ka ah iyo kuwa Soomaali ah uu tababar maanta uga furmay magaalada Balad-weyne.

Tababar Jabuuti loogu soo xiray saraakiil ka tirsan ciidammada xoogga Soomaaliya

Tababar ku saabsan dhowrista xaquuqda bini aadamka iyo heshiisyada caalamiga ah ee qeexaya xaquuqda dadweynaha, ayaa afartan sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loogu soo gaba gabeeyay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti maanta.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS