Tag: Sudan

Madaxweynaha Sudan oo ku dhowaaqay dib u habeyn dhaqaale

Madaxwaynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo dib u habayn loogu samaynayo dhaqaalaha dalka, si wax looga qabto maciishadda quutal daruuriga ah oo sii qaaliyoobaysa. 

Mareykanka oo Ciidamo u diray Caasimada Jubba ee Koofurta Sudan

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 47 askari u diray magaalada Juba ee dalka Koofurta Sudan, si ay u ilaaliyaan Safaaradda Mareykanka iyo shaqaalaha ka howl gala.

Reik Machar oo loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan

 Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa Madaxweyne kuxigeen u magacaabay ninkii uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay Reik Machar ee ahaa hogaamiyaha Mucaaradka.

Warbaahin lagu xiray South Sudan

Ciidamada ammaanka dalka South Sudan ayaa waxa ay xireen wargeys iyo idaacad caan ka ah dalkaasi.

Dowladda Sudan oo sheegtay in Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad ah ugu laabanayo Khartoum

Dowladda Sudan ayaa sheegtay inay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu si nabad ah magaalada Khartoum dib ugu soo laaban doono, iyadoo Maxkamad ku taal Koofur Afrika ay soo saartay amar ku aadan in aanu dalka ka bixi karin.

Boqolaal ruux oo la sheegay inay ku dhinteen dagaalada ka socda Caasimada Jubba ee Koofurta Sudan

Boqolaal ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalo ka socda Koofurta Sudan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Sudan oo hal milyan oo Euro ugu deeqday Soomaaliya

Dowladda Suudaan ayaa Soomaaliya ugu deeqday hal milyan oo Euro si ay qayb uga noqoto barnaamijka lagu horumarinayo Soomaaliya oo dhawaan shirkiisa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS