Tag: Soomaaliya

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay kordhinta Tirada Xujeyda Soomaalida

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir iyo Wasiir kuxigeenka Xajka. 

Dowlada Soomaaliya oo soo dhoweysay baaritaanka dilkii Jamal Khashoggi

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaritaanka ay Boqortoyada Sacudi Carabiya ee dilkii Jamal Khashoggi. 

Soomaaliya oo ka mid noqotay saddexda dal ee uqu halista badan dunida

Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala. 

Dowladda Soomaaliya oo garab Istaag buuxa u muujisay Sucuudiga (War Saxaafadeed)

Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa u muujisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, xilli uu isa soo tarayo dhaleeceyn xoog leh oo dowladda Sucuudiga loogu jeedinayo dilkii Saxafiga Jamaal Kashoggi. 

Warbixin uu ka soo saaray Dalka Soomaaliya Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2017

Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta. 

Xukuumadda oo beenisay in wasiirka maaliyada isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta

Baraha bulshada ay ku wadda xiriirto ayaa saacadihii hore ee maanta lagu baahiyay in wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaalle Beylle isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dalalka Gobolka Qaarkood

Madaxweynaha dowladda fedaraalka soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago dalalka Gobalka qaarrkood, si uu taageero milatari uga helo.

Dowladda Federaalka oo walaac ka qabta shirka Kismaayo iyo wafdi Wasiiro ah oo ku wajahan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka qabta shirka lagu wado in dhowaan magaalada Kismaayo ku yeeshaan Maamul goboleedyada dalka, iyadoo wada dadaaladii u dambeeyay ee ay ku dooneyso in shirkaas ku hakiso.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga Isgaarsiinta (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Isgaarsiinta ee dalka, kaasoo si rasmi ah u dhaqan galaya wixii manata ka bilowda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo faah faahin ka bixisay go’aanka laga qaatay Xiisada Khaliijka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa markii u horeysay faah faahin ka bixisay go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee dowladda ka qaadatay xiisada khaliijka iyo habka loo maray.

Doodii Xildhibaanada ee Kiiska Qalbi Dhagax oo soo dhamaatay iyo Guddi loo saaray

Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.

Dowladda Soomaaliya oo Guddi u saartay baaritaanka dhacdadii Bariire

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday inay Guddi u saartay dhacdadii shalay ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu laayay 10 ruux oo beeraley ahaa.

Madaxweyne Farmaajo oo booqday maanta Xarunta Jaamacada Ummadda (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay Shirka Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Xarunta Gaheyr, isaga oo sidoo kale kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta. 

Baarlamaanka oo diiday go’aankii Maxkamadda sare ee dib ugu laabashada 8-da Kursi

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa.

Dood ka taagan Miisaaniyadda iyo Lacago aan isla ekeyn oo u qoran maamul goboleedyada (Akhriso)

Muran iyo dood ayaa ka dhashay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017, iyadoo arbacadii la soo dhaafay la hor-geeyay Baarlamaanka miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, kaddib markii ay dhamaatay miisaaniyad KMG aheyd ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyneysay lixdii bil ee la soo dhaafay.

Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Wasiirada India ee is weydaarsiga maxaabiista

 Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey go’aanka golaha wasiirada India oo ay ku ansixiyeen Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Garoonka diyaaradaha uu shaqeyn doono habeen iyo maalin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay gelinkii dambe ku xiran dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha nalalka iftiimiya, kaasoo suura gelinaya in garoonka uu shaqeeyo habeenkii. 

Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay qalab loo isticmaalo duulista hawada oo ay leedahay hay’ada ICAO

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo hay’ada caalamiga ah ee duulista hawada(ICAO)ayaa waxaa ka dhexeeya khilaafkii ugu sareeyay kadib markii si qalad ah magaalada Muqdisho loo keenay konteenaro ay ku jiraan qalab lagu maamulo duulista hawada Soomaaliya balse oo waday magaalada Nairobi.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo Guddi u saaray arrinta biyo xireenka wabiyada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay safarkii wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo ee booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo oo safarkii 5aad maanta dalka uga ambabaxaya (Dalkee ayuu booqanayaa)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo dalka Turkiga, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono.

Ra’iisal Wasaare Xasan Khayre: [ 48-dii saac ee lasoo dhaafay 110 ruux ayaa abaarta ay ku dishay Goboladda Bay iyo Bakool oo keliya]

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Cali Khayre, oo manta markiisii ugu horeysay la kulmay guddiga gurmadka abaaraha, ayaa waxaa uu sheegay in Goboladda Bay iyo Bakool 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay baartu ku dishay 110 ruux.

Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga kala hadlay saldhiga Milateri ee Imaaraadka ka dhisaneyso Berbera

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xalay ku timid Jenaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh “Xafiiska Madaxweynaha dhul ma bixiyo, dhulna lagama bixiyo”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha dowladdiisa loo jeediyo oo ahaa in dhulal dan guud ah lagu wareejiyay shaqsiyaad iyo hey’ado gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomaya Safiirka Sacudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga u soo magcaabdey Soomaaliya.

Caqabadaha sababi kara dib u dhac ku yimaada doorashada madaxweynaha Soomaaliya (Warbixin)

 Kadib doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya waxaa aad loo hadal hayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo isbaheysiyada cusub ee ka socdo gudaha iyo dibada Soomaaliya.

Sawirro: Qaban qaabada Furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka cusub iyo dhaarinta Xildhibaanada

Waxaa ka socota magaalada Muqdisho qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan furitaanka kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee  Soomaaliya iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub, iyadoo shalay ay baaqatay dhaarintii Xildhibaanada.

Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku bilowday xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney baaritaan ku bilowday xoolihii dhawaan laga soo celiyay dalka Sacuudiga, kadib markii Sacuudiga uu diiday xoolaha oo laga dhoofiyay Muqdisho.

RW Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal dhinac hogaanka dalka ah

Ra'iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke ee waqtigu ka dhamaaday ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay isbadal ku dhaca dhinaca hogaanka dalka, mar uu Kismaayo kula hadlayay xubnaha labada aqal ee dhawaan la doortay.

Wasiir Fargeeti “Waa sharci darro in shirkad gaar ah ku soo rogto gaadiidka Ceymis Qasab ah”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sharci darro ku tilmaamay shirkad gaar loo leeyahay oo maalmo ka hor ku soo rogtay Gaadiidka inay galaan Ceymis qasab ah.

Maamul goboleedyada oo muddo labo maalmood ah loo qabtay in ay ku soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa soo saaray digniin kama dambeys ah oo ah waqtiga doorashada Soomaaliya gaar ahaan xilliga la soo gudbinayo xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayo Dowlad Goboleedyada.

Dhageyso:Dr. Axmed C. Dahir “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday muranka haatan ka taagan Badda, kadib markii ay si qaldan xuduuda u calaameysatay, iyadoo ka faa’ideysaneysa dowlad la’aanta Soomaaliya.
Halkaan ka Dhageyso

Madaxweynaha “Ugaas Xasan, waa ugaaskeyga, tixigelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay”

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dood Wadaag oo si toos ah uga baxayay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen dadkii ka qeyb galayay oo isugu jiray Culumaa’udiin, Haween, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal ka helay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Tobias Ellwood.

Madaxweynaha oo dhiira geliyay Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galay Tartanka Olimbikada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil. 

Madaxweynaha oo ammaanay hawlkarnimada iyo anshaxa ciidanka kumandooska (Sawirro)

 Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey xerada ciidamada gaarka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha oo jeediyay khudbad u muuqatay tii u dambeysay ka hor doorashada soo socota

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo ahna Musharax mar kale u taagan xilka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Telefishinka Qaranka ee SNTV, isagoo kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashada soo socota iyo waxqabadka dowladdiisa mudadii afarta sano.

Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa hawlgalo Al-Shabaab looga sifeynayo qeybo ka mid ah dalka

 Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeyso howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya. 

Madaxweynaha oo mar kale magacaabay Guddiga doorashooyinka 2016

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kadib markii lagu diiday Guddigii uu soo magacaabay laba todobaad ka hor.

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya Mauritania

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Isselkou Ould Ahmed Izid Bih, oo dalka booqasho ku jooga.

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii Xildhibaan Burci Maxamed Xamza

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru Dowlahii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  ee Arrimaha Degaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii waxashnimo ee argagixisada ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood.

Madaxweynaha oo xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka 2016

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha oo xilka ka qaadey Taliyihii NISA, magacaabeyna taliye cusub oo KMG ah

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Dowladda Soomaaliya oo balan qaaday in dibadda loo qaadayo Wariye C/risaaq Blac

Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dibadda loogu qaadi doono Wariye C/risaaq Cilmi Black oo kol hore ku dhaawacmay rasaas dabley hubeysan ku fureen, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Madaxweynaha “Midowga Afrika kaalin weyn ayuu ka qaatay taageerada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Midowga Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatay taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo maray.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir ka furmaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha gargaarka Caalamiga oo maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

DEG DEG: Madaxweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashooyinka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah mar kale ka doodi doona sharciga lagu fulinayo doorashada dadban ee qorshuhu yahay in bisha Agosto ee sanadkan uu ka dhaco dalka.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Caalamiga ee Arrimaha Bani’aadnimada ee Istanbul

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya, Peter De Clecq.

Guddiga dib u eegista hanaanka doorasho oo sheegay in wax laga bedelay qodobada qaar

Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka sanakdna ayaa sheegay in wixii khaladaad ee ku jiray heshiisaas laga saaray.

Xasan Sheekh “Doorashada soo socota waxaa la imaan doonaa ajande cusub, si la mid ah lixdii Tiir”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, isagoo ka dhawaajiyay in doorashada soo socota uu la imaan doono ajande cusub oo uu uga qeyb qaadanayo tartanka doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday Golaha Ammaanka inay qaadaan cunaqabateynta hubka

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbixin siinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kaga hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa afartii sano ee la soo dhaafay, sida Amniga, siyaasada iyo hirgelinta Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi ka dhacday.

Madaxweynaha: “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay naftooda u hureen dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray madaxda iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, munaasabadda sannadguuradii 5-aad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta televishanka qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay ciidanka maamulka Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab oo doonayay inay degaannada Puntland isku fidiyaan.

Madaxweynaha oo ku baaqay in gargaar deg-deg lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha oo sheegay in Haweenka la siin doono doorkooda ka qeyb galka siyaasada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay la siin doono doorkooda ku aadan ka qeyb galka siyaasada iyo boosaska ay ku leeyihiin Hey’addaha dowladda.

Madaxweynaha oo ka hadlay xuquuqda ay helaan Ciidamada dowladda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si toos ah u helaan xuquuqdooda, isagoo meesha ka saaray in aanay jirin askari aan helin mushaar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Baajiyay Safar uu ku Tegi lahaa Waddanka Sweden

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa Dalka Sweden, kaddib shirkii Waddamada Ciidamadu ka joogaan Somalia ee ka dhacay Dalka Jabuuti, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan deg deg Ammaanka looga hadlayay

 Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa xalay shir-guddoomiyay kulanka deg deg ahaa oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

NATIIJO FIICAN: Wiilasha 11,jirada Soomaliya oo tartamka carruurta ee Jem Cup wacdaro ku dhigay Qatar

Xiddigaha 11-jirada soomalida ayaa soo laabashada qeybta labaad lasoo galay dar dar waxaana ay dhaliyeen goolka bar baraha,waxayna ciyaarta ka dhigeen 2-2.

Madaxweynaha oo maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka, si uu Khudbad ugu jeediyo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu hortago Golaha Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in fadhi aan caadi aheyn maanta yeelanayaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo deeq gaadiid kala wareegtay dowladda Masar (Sawirro)

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegtay deeq gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim.

Dowladda Federaalka oo joojineyso duulimadyadii Muqdisho iyo Hargeysa

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si KMG loo joojinayo duulimaayadii diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa.

Madaxweyne Xasan oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay Colaadda Dalka Burundi (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay xaaladda dalka Burundi, kaasoo ay kasoo qayb-galeen taliska ciidamada Deg-dega ah ee Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Nairobi uga qeybgalaya baroordiiq loo sameynayo askartii lagu diley Ceelcadde

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu ka qeybgalo baroordiiq loo sameynayo askartii loogaga diley ciidamada Kenya saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha oo sheegay in Caafimaad dibadda loo qaadayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe tagay Xeebta Liido, kadib weerarkii habeen hore ku qaadeen Al-Shabaab,  ayaa sheegay in dowladda ay xil iska saari doonto sidii dadkii ku dhaawacmay weerarkii Xeebta Liido oo aan dalka wax loogu qaban karin in dibada loo qaado. 

Madaxweynaha: “Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Madaxweynaha oo kulankii u horeeyay la yeeshay Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaka lagu wado inuu gaaro magaalada Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ammaanay doorkii Nicholas Kay

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaa ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha “Soomaaliya halkan waxaa dhigay siyaasad xumo, hadaan siyaasada la hagaajin….”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bur burkii dalka uu sabab u ahaa siyaasad xumo, isagoo ka dhawaajiyay inay salka u dhigi doonaan nidaam iyo dhaqan dowladnimo, si berri madaxda ka dambeeya ay miraheeda u gurtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Gaalkacyo, isagoo cadeeyay in dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii loo xalin lahaa iyo sidii nabad loo gaari lahaa.

Mahad Salaad “Dowladda Federaalka qeyb kama ahan mushikada ka jirta Gaalkacyo, xalinteeda ayay wadaa”

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa beeniyay eedeyn ka timid Maamulka Puntland oo ahaa in dagaalka Gaalkacyo ay qeyb ka tahay dowladda Federaalka, isagoo cadeeyay in dowladda aanay qeyb ka aheyn, balse ay qeyb ka tahay xalinta mushkilada ka dhex jirta Puntland iyo Galmudug.

WAR-MURTIYEED: Shirka Qaran ee Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo la soo gabagabeeyay

Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la jiraan inta badan ururadda ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Hoteel City Palace ee magaalada Muqdisho 24 – 25 Nofeembar 2015, waxaana shir guddoominayey Wasiirka Warfaafnta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Baarlamaanka oo Warbixin ka dhageysanaya maanta Guddigi loo diray Xadka Soomaaliya iyo kenya

Maanta oo isniin ah 23-ka Bisha Koow iyo Tobnaad ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu yeelan doonaa Kulan,waxaana Ajandahu yahay Labo Ajande oo kala ah U codeynta Hindise Sharciyeedka Maalgashiga iyo Warbixin laga dhageysanayo Guddigii Xaqiiqo raadinta ee loo diray muranka ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka Carabta iyo Koofur America

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka socdey magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo New York kaga qayb-galay shir looga hadlay Arrimaha Somalia

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo gaaray magaalada New york ee Maraykanka , isagoo uga qaybgalaya shir looga hadlayo horumarka Soomaaliya, kasoo ay kasoo qaybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan Qarmada Midoobay.

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa oo loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo bedelay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo 1-dii bishan ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafada, kaasoo ay horay ugu soo gudbisay Golaha Wasiirada, markii ay soo meel mariyeen.

Shirka Madasha Wada tashiga doorashooyinka 2016 oo maanta la soo gaba gabeynayo

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016, kaasoo shalay furmay, waxaana la filayaa in maanta laga soo saaro war murtiyeed.

Madaxweynaha “Wax walba oo Madashaan ka soo baxaan waa talo Soomaaliyeed, waana fulineynaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ee uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee ka furmay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo badan oo aad u muhiim ah.

Madaxweynaha “Dowlad ay niman Dam-Jadiid leeyihiin ama ay lahaan karaan dalkan kama jirto”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in awooda dalka ay leeyihiin urur gaar ah, isagoo cadeeyay inuusan ka mid aheyn, waligiisna ka mid noqon Urur diimeedyada dalka ka jira.

Dowlada Kenya oo diiday in muranka badda ee Soomaaliya lagu xalliyo Maxkamada Caalamiga

Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u diiday muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya kaas oo ay hore August 28keedii 2014 Soomaaliya Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ugu gudbisay dacwad Kenya ka dhan ah.

Ciidamada Nabadsugida oo xalay howl gallo ka sameeyay duleedka Muqdisho

Ciidamanada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay howl gallo baaritaan ka sameeyay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanada Garas-Baalley iyo KM13, iyadoo howl galkan uu muddo saacado ah socday.

Dowlada Federalka oo ka hadashay xarriga loo geystay saxafiyiin ka tirsan Taleefishinka Universal

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka hadlay xariga loo geystay suxufiyiin ka tirsan telefishinka Universal.

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray New York

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu shirkii Golaha Guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey iyo shirar kale uga qeyb galay magaalada New York.

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay marti gelinta Jabuuti shirka Madaxda dalalka Ciidamada ka joogaan Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee martigelinta shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kana tirsan hawlgalka AMISOM ay isugu yimaadaan magaalada Jabuuti.

Qaban qaabada shirka wada tashiga doorashada 2016 iyo aayaha Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qaabada shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya sanadka 2016, iyadoo shirkan uu furmayo 20-ka bishan oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

Madaxweynaha “Qabsashada Al-Shabaab ee deegaanada yar yar wax macno ah ma lahan”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u qabsashada Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno ku yaaalla koonfurta Soomaaliya aanay wax macno ah ku fadhin. 

Madaxweynaha oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiiyeeyay shilkii ka dhacay magaalada Makkah

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u direy Adeegaha labada Masjid ee Barakeysan, ahna Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Boqor Salmaan bin Cabdulcaziiz Al Sacuud, isagoo uga tacsiyeynaya dhimashadii iyo dhaawacyadii ka dhashey shilkii ka dhacay masjidka magaalada Makkah oo dad ku cibaadeysanayey uu wiish ku soo dumey.

Madaxweynaha “Taageerada Imaaraadka Carabta muhiim ayay u tahay dib u dhiska Soomaaliya”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan.

Madaxweynaha “Guusha dowladdu waxay ku imaan kartaa iskaashi dhex mara dowladda iyo Maamul goboleedyada”

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in iskaashi dhex mara dowladda, maamul goboleedyada iyo Shacabka ay keeni karto guul ay gaarto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hortagi doono Baarlamaanka

 Warar soo baxay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu hortago Baarlamaanka.

Madaxweynaha “Fursado badan ayaa naga lumay oo aheyd inaan ka faa’ideysano”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan loo baahneyn is qab qabsi oo aan dib loogu laaban marxaladihii horay loo soo maray, isagoo cadeeyay in waqti badan uu ka soo lumay 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Hey’adda Nabadsugida oo la wareegtay guri ku yaalla degmada Kaaraan

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay guri ku yaal degmada Kaaraan, halkaasoo lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa, iyadoo ruux doonayay in suumanka qarxa isku xiro ay si iskiis ah ugu qaraxyaday.

Madaxweynaha “Waxaa naga go’an inaan dhaqan gelino in si nabad la isugu wareejiyo xilka sanadka 2016″

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shirkii Madasha Wadatashiga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya (High Level Partners Forum) oo muddo laba maalmood ah ka socdey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha “Kuma faraxsani ka maqnaashaha shirka ee Puntland iyo Jubbaland”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu ka xun yahay inay shirka ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha: ”Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka qodobka ku saabsan xadka waa mid abuureysa jawi is afgarad’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.

Madaxweynaha ”Argagixisada ma lahan awood ay shacabka la-haysteyaal uga dhigaan, waa ka adkaaneynaa”

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisonimo ee maanta kooxaha nabad-diidka ku qaadeen hotel Jasiira oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaarinayo Guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha

Kulan uu maanta yeelanayo baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu dhaariyo guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha kuwaasoo dhowaan uu baarlamaanku ansixiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka kula ciiday xeebta Liido(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kumanaan shacab ah kula ciiday goobo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo munaasabadda Ciiddul Fidriga awgeed cafis u fidiyey maxaabiis ku xirneyd Xabsiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabbad Ciidul Fidriga awgeed cafis u fidiyey 79 maxaabiis oo dambiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiyada Dhexe.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta ku sii jeeda magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe, halkaasoo wada hadalo ay ku leeyihiin Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wada isbaheysi ka dhan ah dowladda Federaalka.

Digreeto Madaxweyne oo lagu magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan deg deg la qaatay Hey’addaha Ammaanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.   

Maareeye “Dowladdu waxay 13-ka bishan u gudbineysaa Maxkamadda Cadaaladda dacwad ka dhan ah Kenya”

Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay xalay ku yeesheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay R’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda  Somaaliyaay la wadaagto Kenya.  

Madaxweynaha xalay oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee Muqdisho ku sugan (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho afur ugu sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee ku sugan dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod qarsoodi u qaadaya meel marinta Guddiyada Xuduudaha iyo doorashooyinka

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilligan waxay cod qarsoodi ah ugu codeynayaan Guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo horay loogu gudbiyay Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan “Dowladda Soomaaliya marna raali kama ah darbiga Kenya ka dhiseyso xuduuda”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka hadlay siyaasada, dhaqaalaha, muranka ku saabsan Badda iyo darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda. 

Madaxweynaha oo dib boorka uga jafaya Xisbigiisii PDP ee uu horay ugu soo caan-baxay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016, isla markaana la dardar-gelinayo hawlaha la xiriira fulinta barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka cusub ee maamulka Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaasoo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Sirdoonka Soomaaliya oo sheegtay in weerar gaar ah ay ka fuliyeen degmada Baardheere

Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ciidamadooda qaaska ah ay weerar guuleystay ka fuliyeen saldhig ku yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay sheegeen inuu shir uga socday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la hor-geynayo sharciga Saxaafada

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la hor-geynayaa sharciga Saxaafada, kaasoo horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaaraha oo rajo ka muujiyay in Ahlusuna qeyb ka noqdaan Maamulka Gobollada Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa rajo ka muujiyay in Ahlusuna Wal-jameeca qeyb ka noqdaan Maamulka Gobollada Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in wada hadalada ka socda Dhuusa Mareeb ay meel wanaagsan marayaan.

Madaxweynaha “Ma jirto Xukuumad la isku shaandheynayo, Wasiirkii shaqadiisa qabsan waayo ayaa la bedelayaa”

Madaxweynahaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka sheegaya in isku shaandheyn lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay, Wasiirkii, Wasiir kuxigeenkii ama Wasiiru dowlihii shaqadiisa qabsan waayo la bedelayo.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay xiisada ka dhalatay baarlamaanka kalsoonida waayay ee Jubaland

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey guddigii dhowaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka KMG ee Jubba inay dardar geliyaan hawshooda.

Daawo Sawirada Booqashadii Madaxweynaha uu ku tagay deegaano ka tirsan Sh/Hoose

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqdey saldhigyada Ciidamada Xoogga Dalka ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu kula kulmey qaar ka mid ah ciidamada degaannadaasi ka hawlgala.

Golaha Wasiirada oo go’aamo cad cad ka soo saaray Shirkadaha dhex degan Garoonka diyaaradaha

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay arrinta Baarlamaanka Jubaland, Qaxootiga Yemen, Tala soo jeedin ku aadan shirkadaha degan Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyo Midaynta Qorshaha Qaranka.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami (Sawirro)

 Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami ah oo aan waddanka horay looga heli jirin.

Madaxweynaha oo Mas’uuliyiinta uga digay inay u doodaan dadka Al-Shabaabnimo lagu tuhmo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed aysan u doodin dadka lagu tuhmo inay ka tirsan Al-Shabaab inta ay baaristu ku socoto.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xero lagu tababaro Ciidamada oo ay dhistay Imaaraadka (Sawirro)

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xero lagu tabarayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo dawladda Imaaraadka Carabta ka dhistay degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Madaxweynaha oo si kala gaar gaar u qaabilay Danjirayaasha Britain iyo Sweden (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si gooni gooni ah xafiiskiisa ugu qaabiley danjireyaasha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall. 

Madaxweynaha oo sheegay in Gobolka Banaadir aan lagu dari doonin wax maamul goboleed ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in Gobolka Banaadir aan lagu dari doonin wax maamul goboleed ah, kadib markii ay soo baxayeen warar sheegayay in Gobolka Banaadir lagu darayo Maamulka Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyay doorashada Britain u diray Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa inuu saaka hortago Golaha Baarlamaanka, si uga jeediyo khudbad ku aadan qorsha howleedka Xukuumadiisa iyo wixii u qabsoomay tan iyo markii uu helay kalsoonida Baarlamaanka.  

Madaxweynaha “Ma jiri doonto wax waqti kordhin ah, 2016 doorasho ayaa dhaceysa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siyaasada iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 oo la rajeynayo in Soomaaliya doorasho ka dhacdo.

Madaxweynaha oo sheegay in la xakameyn doono hubka dowladdu leedahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa in la helo ciidan qaran oo ay ku jiraan dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xakameyn doono hubka dowladdu ay leedahay.

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya iyo Amniga oo la adkeeyay

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furmi doona, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah magaalada amnigeeda si aad ah loo adkeeyay, gaar ahaan wadooyinka oo ciidamo kala duwan la dhigay.

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan “Ururka Daacish waa dambiilayaal ka soo horjeeda ilbaxnimada”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii Ururka Daacish ee dalka Libiya ku dileen in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.

C/salaan Hadliye “Qaxootiga Soomaalida si xoog ah laguma soo celin karo”

Wasiirka Arrimha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan ku soo wargelin soo celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Soomaaliya oo ogolaatay in Xulufada Sacuudiga hogaamiyo ay isticmaalaan Hawada iyo Badda

Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo inay isticmaalaan Hawada iyo Badda, si ay uga weeraraan Jabhada Xuutiyiinta ee isku dayaya inay xoog ku qabsadaan dalka Yemen oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor inta aanu ku soo laaban magaalada Muqdisho waxaa uu magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ciidanka Amaanka Faray Sugida Amaanka Hetelada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta dowladda kula hadlay, isagoo ku sugan magaalada Sharma Sheekh ayaa faray Hey’addaha Amniga inay taxadar ka muujiyaan amniga hotelada, xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay fara gelinta dowladda Sweden ee Sacuudiga

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay tallaabada wasaaradda Arrimaha Dibada ee Sweden ay ku fara gelineyso arrimaha gudaha Boqortooyada Sacuudiga.

Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Mareykanka ee xayiraada looga qaaday Zakariye Ismaaciil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweyneysa go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska dadka madaxooda lacagaha abaal marinta dul dhigtey uga qaaddey Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey Al Shabaab ee la shaqeynaya dowladda.

Xildhibaano ka digay in Xukuumada cusub lagu soo daro Xubnihii horay loo diiday ee Wasiirada ahaa

Xildhibaanada Baarlamaanka ee la baxay Kudlada Golaha Bad-baadinta Qaranka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray baaq ku wajahan dhismaha xukuumada iyo xaalada dalka.

Dowlada oo si rasmi ah u shaacisay in shirka wasiirada arrimaha dibada IGAD lagu qabanayo Muqdisho

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Daa’uud Aweys ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay ku kulmi doonaan 10-ka bisha Janaayo magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo digniin u jeedisay Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo howlo baaris ka wada Gobolka Awdal

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhaw ula socoto dhaq dhaqaaqa shirkadda ARC oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo waayahan si sharci daro ah macdan baaris iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal ee Maamulka Somaliland.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka uga mahadceliyey Ansixintii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mudanyaaasha iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kadib markii uu maanta hortagay Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo shalay gelinkii dambea lagu qaaday makhaayad ku taalla Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa tobaneeyo ruux iyo dhaawaca sodon kale.

Madaxweynaha oo ka hadlay baahida loo qabo isku dhafka ciidamada gobolada iyo kuwa qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku dhafka ciidanka gobollada iyo kuwa Qaranka ay qeyb ka qaadaneyso dhisidda awoodda ciidanka iyo horumarinta federaalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Kuxigeenka Gudoomiyaha Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kuxigeenka Gudoomiyaha Midowga Afrika ee dhinaca, Haweenka, Amniga iyo Xasilinta Haweeneyda lagu magacaabo Mrs Bineta Diop oo maanta soo gaartay mgalaada Muqdisho.

Xildhibaanno ka digay in baarlamanka la keeno Mooshinka ka dhanka ah RW

Xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka laga RW Somalia, C/weli Sheekh Axmed laga keenay ayaa ka digay in baarlamaanka la horkeeno mooshinka ka dhanka ah RW Somalia, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan xalaal ahayn.

Madaxweyne Xasan oo u dhoofay Denmark xilli uu cirka isku shareeray khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaare C/Weli

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport waxaa goor dhow ka dhoofay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku sii jeeda wadanka magaalada Cobenhegan ee dalka Denmark, safarkaan oo ka duwan safaradii uu Madaxweynaha ku tegi jiray dalalka caalamka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka, kadib markii Talaadadii la soo dhaafay uu kulanka u hakaday buuq iyo sawaxan dhex maray Mudanayaasha.

War Deg Deg Ah Madaxweyne Xasan Sheekh Goordhaw ka dhoofay Muqdisho iyo R/Wasaaraha oo sii sagootiyay

Warar kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ka dhoofeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Xubno la socda.

MADAXWEYNE XASAN: Waa in la Xaq-dhowro Madaxbannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayo Ban Ki-Moon (SAWIRRO)

Madaxda Somalia, sida madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa maanta si wadajir ah kulan ula yeeshay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho saacado qaadatay ku yimid Muqdisho.

Madaxweynaha DFS oo ka horyimid Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ee Isku shaandheynta

Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa umadda soomaaliyeed iyo madaxda dawladaba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah iyo shuruucda dawliga ahba.

M/weyne Xasan oo fariin u diray Ciidamada ku sugan Galgaduud

M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  xili uu la hadlayay  Dadka ku nool Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Ee ku sugan Gobolka Galgaduud looga baahan yahay in ay qaadaan Tilaabooyin Deg Deg ah oo Al-shabaab looga saarayo Qeybaha ay ka joogaan Galgaduud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Madaxweynaha Faransiiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Paris kula kulmo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, kadib markii uu martiqaad uu ka helay.

Xukuumadda oo Sheegtay in ay Baarayso Eedeymaha Kufsiga ah ee AMISOM

Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay eedeymaha la xiriira falalka galmada ah ee lagu sheegay warbixintii Human Rights Watch taasoo ay geysteen ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Daawo Sawirada Golaha Wasiirada oo Xilkii ka qaaday Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Taliye KMG ahna Magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Xukuumadda oo soo dhoweysey geerida hoggaamiyihii Ururka Al-Shabaab

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay dilka hoggaamiyihii Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo sida la xaqiijiyey lagu diley duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku geysteen.

Safaarada Somalia ee Belgium oo dayactir lagu billaabay

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Belgium oo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan helin wax dayactir ah ayaa haatan waxaa lagu billaabay dayactir dib loogu habeynayo.

Dowladda Somalia oo ka hadashay Afduubyada loo Geysto Ajaanibta

Dowladd Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ajaanibta dalka ku sugna oo qaarkood la afduubay, iyadoo sheegtay in ajnabigii aan dowladda u diiwaan-gashnayn wixii ku dhaca aysan mas’uul ka ahayn.

Dhaawo sawiradda:Munaasibadda Xuska Sannadguurada 70-aad Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasibadda Sannadka Guurada Todobaadtanaad ee Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayuu dagaal deggooda ka socdaa, iyadoo maanta Gaadda kacayaal aad u qurux badan ay ku soo bandhiggeen Fagaaraha dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wafdi Ay Hoggaamineyso Oo Maanta u Ambabaxay Dalka Belgium

Ra’isalwazaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan C/lle Cismaan ee magaaladda Muqdisho iyadoo ku sii jeedda magaaladda  Brussells ee xarunta dalka Biljamka.

Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Somalia oo group adag ka gashay Isku Aadka koobka Bariga iyo bartamaha Africa oo la soo saaray

Isku Aadka koobka CECAFA ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa lagu dhawaaqay Xiriirka kubada cagta (CECAFA) ayaa Jimcihii shalay siidaayay Isku Aadka sanadkan kaas oo lagu marti gelinayo dalka Kenya.

FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”

Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo ka war bixisay safarkeedii mareykanka

Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda  ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale.

SOOMAALIYA OO KAALINTA 1-AAD KA GASHAY FIFA FUTURO III

Gabagabadii tababarka caalamiga ah ee FIFA u qabato macalimiinta garsooreyaasha ee loo yaqaano FIFA Futuro III Course ayaa Soomaaliya waxaa la siiyay kaalinta 1-aad kaddib markii Cali Maxamed Axmed oo ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta la siiyay abaal marinta kaalinta 1-aad isagoo noqday qofkii ugu dhibcaha badnaa imtixaankii khubarada FIFA ay qaadeen.

Falanqeyn Khubdadii Madaxweyne Faroole & Xaalada siyaasadeed ee Puntland

Waxaa shalay  gegida diyaaradaha ee Garowe ka dhoofey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, safarka Faroole ayaa ku wajahnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana la filayaa in uu uga sii gudbo dalal kale, haddaba sida caadadda u ahayd Madaxweynaha waxa uu la hadley saxaafadda waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu ka hadley doorashada la sheegay in ay dhamaadka sanadkan 2013 ama kan xiga bilowgiisa ka dhici doonto deegaanada Puntland taas oo loogu tartamaayo Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne iyo ku xigeenkiis.

R/wasaare Saacid “Waxaan Maanta u Aqoonsanay Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya”

Kulankan maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo bandhigayey geedi socodka qariirradda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iyadoo sidoo kalena maanta loo aqoonsaday maalinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Afhayeenka Shabaab: Guullo ayaan gaarnay dagaaladii aan wadnay sanadkan

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay hal sano kadib waxqabadka dowladda Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, markii bishii September ee sanadkii hore lagu doortay magaalada Muqdisho.

Dhagayso Warka Iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka Ee Radio Sagal

Dhageystayaasheenna qiimeynta mudan, warka idaacadda Sagal waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya xarrunta Radio Sagal ee magaalada Nayroob
Warka iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Soomaaliya

Dhagayso Warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Soomaaliya

Dhageystayaasheenna qiimeynta mudan, warka idaacadda Sagal waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya xarrunta Radio Sagal ee magaalada Nayroobi.
Warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo muhiimad siineysa shirkadahii heshiiska shidaal baaridda la gaaray Soomaaliya ka hor bur-burkii

Dowladda Soomaaliya, ayaa rajeyneysa inay mudnaan siiso shirkadihii heshiiska shidaal soo saaridad la galay dowladdii dhexe ee dalka, ka hor bur burkii, marka ay timaaddo in shidaal laga soo saarayo Soomaaliya, sida ay qortey wakaaladda wararka ee Reuters.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS