Tag: Soomaaliland

Somaliland oo walaac ka muujisay in la qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

 Maamulka Somaliland ayaa walaac ka muujiyay in la qaado cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo cadeysay in aanay ka qeyb galeyn shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Khilaaf ka taagan doorashada xubnaha aqalka sare ee matalaya gobolada waqooyi

 Murun iyo khilaaf xoogan ayaa ka taagan dhameystirka xubnaha aqalka sare u matalaya deegaanada gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya. 

Somaliland oo maanta u dabaal dageysa 18-ka May

Magaalooyinka Somaliland ayaa lagu daadiyay ciidamo fara badan, kuwaasi oo bilaabay hawlgallo lagu xoojinayo ammaanka isla markaana baaritaano ka wada goobaha ganacsiga iyo meelaha ay dadku badan yihiin.

Somaliland oo dooneysa in dal aan Turkiga aheyn uu ku soo biiro wada hadalka Somalia

 Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dooneyso in dal aan aheyn Turkiga uu ku soo biiro dhex dhexaadinta wada hadalka iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Siilaanyo oo sheegay inuu soo buuxin doono boosaskii ay baneeyeen Wasiiradii is casilay

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay is casilaadii shalay ay ku dhawaaqeen Wasiiro, Wasiir kuxigeen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, isagoo sheegay in boosaskii ay baneeyeen uu sida ugu dhaqsiyaha badan dad kale ugu soo magacaabi doono.

Somaliland oo Muddo Markab ku Xayirtay Qoxooti Soomaaliyeed oo kasoo Cararay Yemen (DAAWO)

Xukuumadda Somaliland ayaa qoxooti Somali ah oo kasoo cararay dalka Yemen u diidday inay ka degaan Dekedda Magaalada Berbera kaddib markii ay dhawaan sheegtay inaysan qaabili doonin Qoxootiga Soomaaliya kasoo jeeda ee kasoo cararaya colaadaha Yemen.

Xisbiyada Somaliland oo ku heshiiyay xilliga ay dhaceyso doorashada, xalna ka gaaray xiisadii siyaasadeed

Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay uu muran xoogan ka taagnaa doorashada Somaliland, kadib go’aankii Golaha Guurtida ay muddo kordhin ugu sameeyeen Xukuumadda uu hogaamiyo Somaliland, isla markaana go’aamiyay in doorashada la qaban doono bisha April ee sanadka 2017.

Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS