Tag: Soomaalia

Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed u dirtay Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sool

Dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaalamaya Gobolka Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday waxgaradka, salaadiinta iyo culumaa’udiinka inay u istaagaan joojinta dhiigga walaalaha ee daadanaya. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarriga ka jaray dhismaha xarunta Aqalka Sare (Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka  xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhanka kale furay Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare. 

Abaar ba'an oo wali ka jirta gobolada dhexe

Ayadoo wali abaar ba'an ay ka jirto gobolada dhexe  ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in biyo la'aan ba'an darteed dadka iyo duunyaduba ay geeri qarka u saaran yihiin deegaanka Kaxandhaale ee u dhexeeya Mudug iyo Galgaduud.

Xasan Sheekh “Koox gaar ah Musharax uma ihi, waxaa musharax u ahay dadka Soomaaliyeed” Daawo Video

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoojiyay ololaha uu ugu jiro inuu Tartanka Madaxtinimada, isagoo mar kale doonaya inuu ku guuleysto kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Nin Soomaali ah oo Dukaan ku Yaalla Gobolka Texes Dad ku Afduubtay

Nin hubeysan ayaa gudaha u galay dukaanka weyn ee Walmert oo ku yaala magaalada Amarillo ee gobolka Texes dalka Maraykanka.

Madaxweynaha “Ciidamada qalabka sida duulaan ayay ku qaadeen Al-Shabaab”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu xalay bilowday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo tan iyo shalay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayay deegaano ka tirsan gobolada dalka.

MADAXWEYNE XASAN: Ciidanka AMISOM way ka wax-tar badan yihiin kuwa Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladdiisu ay weli ku tiirsan tahay Ciidamada ka socda Dalalka Afrika qaarkood ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM).

Khilaafka Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xeer Ilaaliyaha oo xoogeystay

Khilaafka u dhexeeya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa cirka isku sii shareeraya, iyagoo maanta ay labadan mas’uul warbaahinta isku mariyeen hadallu u muuqday inay isku eedeynayaan.

Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay inuu dhamaaday waqtigii Golaha adeega Garsoorka uu ku dhisnaa

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii Golaha adeega Garsoorka uu ku dhisnaa, lana baabi’iyay qaanuun ahaa, isagoo cadeeyay in loo baahan yahay in sharciga cusub la dhaqan geliyo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS