Tag: Somaliya

Guddiga doorashooyinka oo sheegay in 30-ka November ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha

Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta soo saaray jadwal cusub oo ku saabsan doorashooyinka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii horay u soo saareen, kaasoo dib u dhac uu ku yimid waqtigii la filayay inay doorashooyinka ku dhacaan.

Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka oo ka wada hadlay taageerada Ciidamada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya. 

Dowlada Soomaaliya oo eedeysay hay’ada WFP xilliyada ay gargaarka keento dalka

Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada WFP in raashinka gargaarka ah ee keento dalka Soomaaliya ku soo beegto xilliada beeralayda Soomaaliyeed ay u soo go’ayaan miraha ay beerteen.

Maamulka Koofur Galbeed oo ka hor-yimid maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka soo horjeestay maamulka shalay loogaga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool sare, iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay taageerayeen maamulkan lidiga ku ah kan Koofur Galbeed.

Madaxweynaha oo markii u horeysay ka hadlay baaritaanka Caafimaad uu u tagay dalka Jarmalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay baaritaanka Caafimaad uu u tagay dalka Jarmalka, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya iyo wadooyinka oo la xiray

Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa inuu furmo, iyadoo ciidamada Booliska dowladda iyo Boolis AMISOM ay adkeeyeen ammaanka xarunta Baarlamaanka, waxaana la xiray wadada hor marta.

Sugida Amniga Somalia oo Malaayiin Dollar ah lagu bixineyo

Dowladda wadanka Mareykanka ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in Dowladda Somalia ay dhinacyo badan ka taageereyso iyadoo ku bixineysa Dhaqaale Fara badan si wax looga qabto Arimo ay ka mid yihiin amaan darada Dalka ka jirta iyo Dhismaha Ciidamada Booliska Soomaaliya .
Valid XHTML 1.0 Valid CSS