Tag: Somaliland

Somaliland oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen dowladda Somalia

 Maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib marki wada hadaladan ay istaageen sanad ka hor.

Biyo la'aan baahsan oo ka jirta Berbera

Magaalada Berbera ayaa waxaa ka jirta biyo la'aan baahsan gaar ahaan xaafadaha qaar.

Somaliland oo sheegtay in aanay jirin cid ku matasha doorashada Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay qeyb ka aheyn hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee bisha October dhici doona, iyadoo cadeysay in aanay jirin cid ku matasha.

Somaliland oo xaqiijisay wada hadalada ay kula jirto Maamulka Khaatumo

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan C/llaahi Saxar-diid ayaa xaqiijiyay wada hadalada ay kula jiraan maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galeyr, isagoo caddeeyay in wada hadaladan ay yihiin kuwo bilow ah.

Axmed Siilaanyo “Somaliland qeyb kama ahan Soomaaliya, hadii Federaal tahay iyo hadii kaleba”

 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay daan-daansi ku wado dowladdiisa, isagoo naqdiyay go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran.

Al-shabaab oo Hanjabaad u diray Maamulka Soomaaliland

Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole  oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ay Dagaal la gali doonaan Maamulka Soomaaliland.

Wasiir kale oo iska casilay Xukuumadda Somaliland iyo Siilaanyo oo Wasiiro cusub magacaabay

Khilaafka Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa cirka sii galay, iyadoo ay Wasiiro hor leh iska casilayaan xilalkooda, waxaana goor dhoweyd magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu is casilay Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoolle.

Faah faahin ka soo baxaysa Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo lagu afduubtay Gobolka Sanaag

Dabley Hubeysan ayaa shalay ku afduubatay meel 50-KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu ku jiro Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi.

Deegaanno ka Tirsan Gobolka Sool oo Maanta Siyaabo kala Duwan looga Xusayo Maalinta 18-ka May

Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale ayaa saaka loo qoondeeyay inay ka dhacdo xarunta gobolka Soo loo maalmihii lasoo dhaafay la diyaarinayay.

Madaxweynaha Somaliland oo mar kale isku shaandheyn ku sameeyay Wasiiro iyo xilal kale

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xilalka Wasiiradda iyo xilal kale, iyadoo tani ay tahay markii labaad oo muddo saddex todobaad gudahood uu isku shaandheeyo Wasiirro.

Xubnaha Somalia iyo Somaliland oo isku eedeeyay Burburka Shirkii Turkiga

Xubnihii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay u kala dirsadeen wadahadalladii Turkiga ayaa dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kaddib markii uu fashilmeen wadahadalladii ay yeelan lahaayeen.

Wafuudii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa

Wafuudii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland u kala dirsadeen wada hadalka Istanbul ayaa maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kadib markii uu fashilmay wada hadalkii labada dhinac dhex mari lahaa.

Guddoomiyeyaasha Gobollada Awdal iyo Sanaag oo ka Bad-baaday Weerarro

Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa sheegay in baabuur ay wada saarnaayeen isaga iyo badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay in jid-gooyo loo gallay, haseyeeshee ka badbaadeen.  

Golaha Guurtida Somaliland oo laalay mooshinkii laga waday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Gudiga dhex dhexaadinta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta soo afjaray khilaafkii ka dhashay mooshinkii xil ka xayuubinta ee laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, kaasoo ay wadeen Xildhibaanada muxaafidka, waxaana mooshinkaas uu sababay inuu hakad ku yimaado kulamadii Golaha Wakiilada.

Madaxweyne Siilaanyo “Cidna ka yeeli meyno in Nabadgelyada ay qalqal geliso, Xisbiyadu ma ahan in…”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay Golaha Wakiilada Somaliland iyo rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Burco, kaasoo rasaas ay fureen Ciidamada booliska ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Wafti Wasiirro ah oo ka socda Dawladda Itoobiya oo booqasho ku yimid Somaliland

Wedti  heer wasiir ah oo ka socda dalka Itoobiya uuna hoggaaminayo wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya, Suufi Axmed ayaa shalay galinkii dambe socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

Khilaafka Madaxda Somalia oo dib u dhigay Kulamadii Somalia iyo Somaliland

Khilaafka soo dhexgalay madaxda Soomaaliya ayaa sababay inuu dib u dhac ku yimaado wadahadalladii u socday Somalia iyo Somaliland oo lagu waday inay toddobaadkan ka dhacaan dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Daawo sawiradda:Siilaanyo oo Xariga ka jaray Qaadashadda Baasaboorka Cusub ee Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa  si rasmiya u furay qaadashada Baasboorka Somaliland ee Cusub ee loo yaqaano E-passport-ka.

GEEDOOLE: “Wax-soo-saarku Muhiimad ayuu u leeyahay Dalka iyo Bulshada”

Madaxda Wasaaradda Beeraha, Ciidanka Miitariga iyo daneeyayaasha wax soo saarka dalka ayaa shalay ka qayb galay munaasibad lagu soo gurayey dalag ka soo go’ay Mashruuca beerista Banka Wajaale.

Milateriga Somaliland oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Ilaaladii Cali Khaliif

Ciidanka Militariga Somaliland, ayaa sheegay in habeen hore ay gacantii ku soo dhigeen gaadhigii uu lahaa Cali Khaliif Galaydh iyo laba askari oo ilaalo u ahaa.

Somaliland oo Shaacisay inay Casuumaad u fidisay Ergayga QM ee Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa shaaciyay inay casuumaad uu ku imaanayo Hargeysa u fidiyeen ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay, tan iyo markii uu mad-madowgu soo dhexgalay ergayga iyo maamulka Somaliland.

Somaliland oo ka Hadashay dib u dhigtay wadahadalkii ay kula jirtay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay dib u bilaabmayaan wada hadaladdii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Siilaanyo oo mar kale murashax ah

Wasaaradda warfaafinta ee maamulka Somaliland ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulkaas ee talada haya, Axmed Maxamed Siilaanyo uu mar kale isu sharrixi doono xilka madaxweynennimo.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada dhaxe iyo maamulka Soomaaland ee Istan buul

Waxaa dib u dhac muddo bil ah uu ku yimid wajiga labaad ee wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Turkiga, iyadoo lagu waday in 8-bishan uu qabsoomo.

Somaliland oo soo dhaweysay qodobbadii shirkii London

Maamulka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii London ee shalay, kaas oo looga hadlayay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Somaliland oo u digtay dalxiisayaasha qaar

Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali Saciid Reygan, ayaa uga digay dadka dalxiisayaasha ah ee deegaannada Somaliland imaanaya inay gurtaan oo ay qaataan waxyaabaha qaddiimiga ah ee deegaannada Somaliland yaalla.

Laanta socdaalka Somaliland "Waxba iskama baddalin reer galbeedkii imaan jirey Somaliland"

Laanta socdaalka Somaliland, ayaa sheegtay inaanay waxba iska badalin dadkii ajaaniibta ahaa ee reer galbeedka imaanayay deegaannada Somaliland, tan iyo markii dhawaan dowladda Ingiriiska ay soo saartay digniino ku wajahan dadka reer galbeedka ee jooga gudaha Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay.

Barnaamij lagu hormarinaayo dowladaha hoose ee Somaliland oo Hargeysa lagu qabtay

Wajiga labaad ee barnaamij lagu hormarinaayo dowladaha hoose ee Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Ciidamada Somaliland oo is-hortaagay siyaasiyiin reer Somaliland ah oo Muqdidsho ku soo jeeday

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa is hor-taagay siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay maamulkaas, kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, iyagoo loo diiday inay raacaan diyaarad taagneyd garoonka diyaaradaha Ber-bera.

Somaliland oo kala dhex-gashay beelo ku dagaallamay Sool

Ciidamada maamulka Somaliland, ayaa kala dhex galay laba beelood oo wada dega deegaanka Darayo Xinbalanbal oo u dhow degmada Xuddun ee gobolka Sool, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran ku saleysan daaqsiinka.  

Somaliland oo ka hadashay xilka DF ay u magacowday Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden

Maamulka Somaliland, ayaa ka hadlay xilka sare ee wasiirnimo ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden, oo ka mid ah aqoon yahannada ka soo jeeda deegaannada maamulka Somaliland.

Banaanbax lagu taageeraayo raysal wasaaraha cusub oo ka dhacay Laascaanood

Banaanbax lagu taageeraayo raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa waxa uu ka dhacay shalay galinkii dambe degmada Laascaanood ee maamulka Somaliland.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS