Tag: Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Maxakamadda Sare ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweyne Farmaajo oo markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Qalbi Dhagax

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Salkaakii ka tirsanaa ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaasoo bishii August ee sanadkii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya. 

Madaxweyne Farmaajo oo uga digay Ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil (Dhageyso)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay Ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil, isagoo ugu baaqay inay difaacaan qaranimada dalka. 

Warbixin: Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu safar ku tago dalka isutagga Imaaraadka Carabta, kaasoo noqon doona safarkii labaad, tan iyo marka xilka Madaxweynaha loo doortay bishii February ee sanadkan. 

Wasaaradda A. Dibadda Somalia oo ku amartay Danjirihii Imaaraadka Carabta inuu xilka wareejiyo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib is bedel lagu sameeyay.

Dowladda Soomaaliya : Wey korartay tirada dhimashada qaraxii Zoobe

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyihii Ciidanka XDS oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Buracad badeed si dirqi looga bad baadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya

Koox ka tirsan burcad badeedka Soomaalida ayaa shalay oo jimco aheyd la sheegay in laga bad baadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya oo marayay meel u dhow Gacanka Cadmeed.

Yuusuf Garaad “Arrinta Dowlad goboleedyada ka hadlayaan ma ahan arrin Dastuurka u fasaxaya” (Dhageyso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka dhalatay khilaafka arrimaha Khaliijka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War saxaafadeed ka soo saartay Xaalada Galmudug (Akhriso)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed iyo amni ee ka jirta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo bilaabay kulamo uu bulshada ku kasbanayo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay kulamo uu ku kasbanayo bulshada rayidka, iyadoo xafiiskiisa uu dhowaan bilaabayo olole dadka fariimo ugu soo dirayaan, si talooyinka iyo fikradaha ay hayaan ula wadaagaan. 

Dowladda oo baareysa khasaarihii ka dhashay muddadii uu maqnaa Internet-ka Fiber Optic

Iyadoo uu maanta dib hawada ugu soo laabtay adeegii Internetka Fiber Optica ayeey sheegtay dowladda Soomaaliya in ay guddi khubaro ah u saareyso khasaaraha ka dhashay maqnaashaha Internetka.

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabanayso tahriibka

 Qoraal ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada Fedrealka Soomaaliya ayaa lagu shegay in dowlada ay ka go’antahay wax u qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dowladda Federaalka oo mowqif cad ka istaagtay khilaafka dowladaha Carabta (War saxaafadeed)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta 

Dowladda Federaalka oo soo saartay waqtiga shaqada Shaqaalaha dowladda ee Bisha Ramadaan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay waqtiga shaqada shaqaalaha dowladda ee bisha Ramadaan, iyadoo is bedel lagu sameeyay saacadihii ay shaqeyn jireen shaqaalaha dowladda.

Inta badan Wasiirada Xukuumadda oo la sheegay in dayacaad amni lagu sameeyay (Warbixin)

Qubaro dhinaca ammaanka iyo xubno xilal horay u soo qabtay ayaa su’aal ka keenaya sida xilligan u dayacan yihiin qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay (Akhriso Liiska oo dhameystiran)

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 26 Wasiir iyo Hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen, isagoo ku tilmaamay xukuumaddan ay tahay mid loogu tala galay inay gudato waajibkeeda shaqo ee loo igmaday.

Dowladda Soomaaliya oo dhamaadka sanadkan soo daabaceysa lacag cusub

 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhamaadka sanadkan ay soo daabaceyso lacag cusub oo naqshad cusub leh, iyadoo daabacaada lacagtan ay noqoneyso tii ugu horeysay tan iyo markii ay bur burtay dowladdii Dhexe

Ciidamada Milatariga oo laga saarayo caasimada dalka ee Muqdisho

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed Buud ayaa sheegay in ,ciidamada Milatariga dowladda laga saari doono  dhamaan magaaladda Muqdishu ayna ammaanka caasimada sugi doonaan ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugidda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulankii u horeeyay la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha “Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay ka turjumi doontaa rabitaanka shacabka”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay wada tashiyo uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada cusub, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto inuu ku soo magacaabo Xukuumadda illaa 30-ka bisha March.

R/Wasaare Kheyre “Xukuumadeyda waxaa hal-beeg u noqon doonta Hal-heyskii R/Wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen”

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo saaka u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay Boqor Salmaan Bin C/casiis.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Madax ka ahaa Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay go’aanka madaxweynaha Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka toddobo dal, oo Somaliya ku jirto uu kaga mamnuucay dalkaasi.

Gudiga doorashada madaxweynaha oo go'aan ka qaadanaya dib u dhac ku yimid dooddii musharixiinta

Marka dib loo eego jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya maanta oo ay taarkhdii ku beegan tahay 31 bishan Janaayo maalin Talaado ah waxaa uu qorshuhu ahaa in dood furan yeeshaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, hasse ahaatee taa ma dhacin kaddib markii leysku khilaafka habka ay u dhaceyso doodda oo musharixiinta qaar isaga baxeen.

Kulan loogaga hadlayo abaaraha oo maanta lagu qabtay Muqdisho (Sawiro)

Kulan loogaga hadlayay abaaraha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasina ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo  weliba guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo noqdey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka

Doorashadan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu danbeyntii lagu doortay ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya kaddib doorashadii shalay ee guddoomiyaha baarlamaanka.

Dib u dhac mar kale ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka

Dib u dhac ayaa markii afaraad ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ee horay loo qorsheeyay inay dhacdo 22-ka bisha December oo maanta ku beegneyd, iyadoo wali uu isa sii gurayo jadwalkii aan fadhin ee horaantii bishan ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran.

Madaxweyne Xasan oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay Abaaruhu Sida ba'an u Saameeyeen

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq kasoo saaray abaaraha ka jira Qaybo badan oo dalka ka tirsan, isagoo ku baaqay in la caawiyo dadka ay samaameeyeen abaaraha ku dhuftey qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu sameynayaa nidaamka Federaalka, hadii dhib iyo xabad uu keenayo”

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono nidaamka Federaalka Federaalka, hadii ay la xiriirto colaada ku soo laabaneysa magaalada Gaalkacyo oo ay labadeeda qeyb ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dowladda Somalia oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka Donald Trump

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha la doortay ee Waddanka Mareykanka Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Somalia ay la shaqeynayso Trump oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee ...

Jadwalkii doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo dib u dhacyo hor leh ku imaanaya

Jadwalkii doorashooyinka ee bil ka hor soo bandhigeen Guddiga Federaalk ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa waxaa ku socda dib u dhacyo hor leh, iyadoo laga cabsi qabo in markii 3aad uu dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxweynaha ee loo qorsheeyay inay ku dhacdo 30-ka bisha November.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo saaray awaamiir cusub oo amniga ah

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho, iyadoo si wadajir ah ciidamada kala duwan ee dowladda u bilaabi doonaan howl gallo la xiriira amniga magaalada Muqdisho.

Dowlada oo caalamka kala hadleysa sidii Baasaboorka Soomaaliya loogu safri lahaa

 Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa ka hadlay qaadashada baasaboorka Soomaaliya iyo dadaalka dowlada ugu jirto sidii caalamka loogu safri lahaa baasaboorka Soomaaliga.

Dowladda Soomaaliya oo amar ku bixisay in la xiro Safaaradda Sanca ee dalka Yemen

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ahna sii haya Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cusmaan Axmed Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in muddo bil gudahood lagu xiro Safaaradda Sanca.

Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in la guda galay doorashooyinka Aqalka hoose

 Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa sheegay in la guda galay doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo dhowaan la xareyn doono ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose.

Caqabado wali haysta doorashada Soomaaliya

U diyaar garowga doorashada Soomaaliya ayaa wali socda aydoo lasoo tebinaayo caqabado aad u badan.

Wasiirka A. Gudaha oo ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inuu dedejiyo xubnaha Aqalka sare

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka la doortay ee Maamulka Hirshabeelle inay dedejiyaan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas.

R.W Cumar oo Hambalyo u direy Hoggaan ka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Dowladda Soomaaliya oo amartay in ciidamo la geeyo magaalada Gaalkacyo

 Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in ciidamo ka socdo dowlada dhexe la geeyo magaalada Gaalkacyo si looga hortago xiisadaha iyo dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Turkiga Waa saaxiib Istiraatiiji ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wakaalada wararka dalka Turkiga Anadol ayaa ka hadlay taageerada dowlada Turkiga ay siisay shacabka iyo dowlada Soomaaliya. 

MADAXWEYNE XASAN : Hindiya Waxaan kala Hadlaynaa Hindiya dhallinyarada ay ku xukuntay dalkeeda

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay Sameyneyso Dadaal kasta oo lagu Xaqiijinayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.

SAWIRRO: Mas'uuliyiin ka tirsan DF oo ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhintay, 43-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo barqonimadii maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelka SYL oo Villa Somalia kasoo hor-jeeda.

Madaxda Madasha oo soo fara geliyay loolan u dhaxeeya Faarax C/qaadir iyo Fahad Yaasiin (Akhriso)

 Loolan u dhaxeeya Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo Fahad Yaasiin Xaaji ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo arrintan ay ka dhalatay markii labada nin oo isku beel ah ay isku qabsadeen kursiga Xildhibaanimo ee Beesha.

Xukuumadda Soomaaliya oo u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD oo horaanta bisha September ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Faah Faahin: Ciidamo Soomaali iyo Mareykan oo labo howl gal ka fuliyay Koofurta Somalia

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka oo taageeraya kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa labo howl gal oo gaar ah ka fuliyay Koofurta Soomaaliya, afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Guddiga hirgelinta doorashada oo qorshahooda u gudbinaya Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal ayaa lagu wadaa in qorshahooda ugu dambeeya ee doorashada u gudbiyaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, kuwaasoo 2-da bisha Agosto shir isugu imaanaya.

Wasaarada Waxbarashada oo soo bandhigtey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah u soo bandhigtay natiijada Imtaxaanka Sanad Dugsiyeedka 2015-2016.

Golaha Wasiirada oo guddi u magacaabay falkii Ciidamada Itoobiya ku laayeen dad rayid ah

 Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shirkooda caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Guddi u magacaabay falkii dad rayid ah lagu laayay deegaanka War-diile ee ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii maalmo ka hor ay halkaas Ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen dad gaarayay 14 ruux oo ku sugnaa goob uu ka jiray xus ama Alle Bari.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kigali kula kulmay dhigiisa Masar

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyay isku afgambi ka dhacay Turkiga

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareyay isku day afgambi oo habeenkii jimcaha ahaa ka dhacay dalka Turkiga, kadib markii koox ka mid ah Ciidamada Milateriga ay isku dayeen inay car-qaladeeyaan xasiloonida iyo dimoqraadiyada Turkiga.

WAR-MURTIYEEDKII: Shirkii Madaxda Somalia iyo Kenya ku Dhex-maray Magaalada Nairobi

War-murtiyeed, ayaa laga soo saaray maanta kulan ay ku lahaayeen Maalmahan Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya Madaxda Somalia iyo Kenya, oo ay kala Hoggaaminayeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud iyo Dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

War murtiyeed laga soo saarayo wada hadalada u socda Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta mar kale ku kulmaya xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankooda maanta laga soo saari doono war murtiyeed ku saabsan wada hadaladooda iyo wixii ay isla gaareen.

Ciidanka Kumaandooska oo weeraray fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubadda Hoose

Ciidamada Kumaandooska ee loo yaqaano Danab ayaa howl gal ay ka fuliyeen Jubadda Hoose waxay ku bur buriyeen fariisimo Al-Shabaab lahaayeen, iyadoo uu sii socdka howl galka ciidanka Kumaandooska ka wadaan qeybo ka mid ah gobolada dalka. 

Dowlada Turkiga oo bil walba siineysa dowlada Soomaaliya 2 Malyan oo Dollar

Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Madaxweynaha oo ka hadlay qorshaha Kenya ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabada ay Kenya ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga Dhadhaab, halkaasoo ay ku nool yihiin nus milyan ruux oo Soomaali ah.

Wararkii ugu dambeeyay shirarka ku saabsan dhismaha Aqalka sare

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa shirar aan loo kala kicin shalay illaa iyo xalay uga socday Xarunta Madaxtooyada, iyadoo shirarkan ay ahaayeen kuwo albaabada u xirnaa,  loogana hadlayay muranka ka jira dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Golaha Wasiirada oo maanta ka hadlay go’aanka Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga (Sawirro)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte.

Daacish oo sheegay in xero ciidan ka furteen Soomaaliya (Sawirro)

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee fadhigoodu yahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa muuqaalkii u horeeyay soo bandhigay, kaasoo ay ku sheegeen inay xero ciidan ka furteen Soomaaliya, kaasoo ay ku tababarayaan dagaalyahanada ku soo biira.

ISIS oo markii horeysay sheegatay inay weerar ka geysteen Soomaaliya

Ururka ISIS ayaa sheegay in qarax ay la beegsadeen mid ka mid ah baaburta ciidanka milatariga ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo marayey agagaarka KM-13.

Hadliye “Waxaa baareynaa tirada saxda ee ku dhimatay badda”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa ka hadlay mashaqadii dhowaan ay ku dhinteen Tahriibayaal u badan Soomaali, kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay Badda Meditarrean-ka.

Guddiyada Baarlamaanka oo ka hadlaya qaabka loo wajahayo doorashada 2016

Guddiyada joogtada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shir ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo kaga doodaya qaabka loo wajahayo doorashada sanadkan ee dhaceysa bisha September ee soo socota.

Madaxweynaha iyo Odayaasha reer Hiiraan oo wali is mari la’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Beledweyn ayaa kulamo la leh odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, si uu ugu qanciyo ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wadanka Soomaaliya oo noqday dalka ugu farxada badan wadamada geeska Afrika

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay dalka Soomaaliya uu yahay dadka ugu farxada badan dalalka ku yaal geeska Afrika kadib qiimeyn lagu sameeyay 157 dal.

Guddoonka Baarlamaanka oo war murtiyeed ka soo saaraya natiijadii kulamadii Amniga

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Sabti ah lagu wadaa inuu War murtiyeed ka soo saaro kulamadii Amniga looga hadlayay, kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay sababta Soomaaliya loogu diiday Suuqa Bariga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa ka warbixiyay sababaha Soomaaliya loogu diiday xubinimada Suuqa Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC oo ay ku bahoobeen illaa lix dal oo ku yaala Bariga Afrika.

Dowladda Turkiga oo ku dhawaaqday inay Xoojinayso xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Somalia

Xukuumadda Turkiga ayaa Shaacisay inay Xoojin doonto xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Soomaaliya, sidoo kalena ay sare u qaadi doonto maal-gashiga ay ku sameynayso Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Istanbul

 Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo uu maalinta berri ka furmayo shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka sanadkan ka dhacaya dalka.

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo Amniga oo ka dhacaya dalka Jarmalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52-aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalaya ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda, iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo difaaca.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay haween ka kala socday qeybaha bulshada rayidka ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah.

War Saxaafaddeed: Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Siyaasadda Qaran ee ku wajahan Arrimaha Dibadda.

Dowladda Soomaaliya oo baareysa Diyaaradda Daallo iyo Meydka qof ka dhacay oo la keenay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa baareysa diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines, taasoo shalay deg deg dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho, kadib muddo sodon daqiiqo ku dhow oo hawada ku jirtay, diyaarada ayaa soo degtay, iyadoo dhinac ka mid ah uu ka muuqday duleel weyn.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Ceel-Cadde

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-Shabaab la beegsatay saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, isagoo cadeeyay in weerarada Al-Shabaab aanay hakin doonin howl galada milateri ee dalka ka socda.

Xukuumadda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii Saldhigga Ciidanka AMISOM ee Ceel-cadde, Gedo

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynayaan weerarka daran ee aan cafiska laheyn ee kooxda argagaxisada Al Shabaab ay ku qaaday shalay saldhigga ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo . Annaga oo si gaar ah u garwaaqsan , lana qeybsaneyna khasaaraha xanuunka leh ee gaaray Shacabka iyo Xukuumadda Kenya , kuwaa oo wiilashooda iyo gabdhahooda si geesinimo leh u yimid si ay u soo celiyaan rajada iyo deganaanshaha Soomaaliya . Waxaanu salaan u saareynaa Ciidanka Difaaca Kenya ( KDF) dadaaladooda , waanu la xanuunsaneynaa khasaaraha gaaray.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka socotay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.

War saxaafadeed : Dowladda Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Iran

iyadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho , waxa ayna gudoonsiisay go'aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay dilkii Hindiya

 Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in hey’adaha ammaanka dowladda ay gacanta ku hayana ninkii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Maanta lasoo Gunaanadayo Muqdisho -

Maanta ayaa la fiayaa in Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirka madasha wada-tashiga doorashada 2016-ka dalka ka dhici doonta, kaasoo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.

Shir looga hadlayo Hiigsiga Somalia ee sannadka 2016-ka oo Maanta ka furmaya Magaalada Jabuuti

Shirkii Wada-tashi Hiigsiga 2016-ka ayaa la filayaa in maanta uu ka furmo Dalka Jabuuti, iyadoo ay ka Qayb-galayaan xubno ka socda Dowladda Somalia, maamul-goboleedyada iyo bulshada rayidka.

Golaha wasiirada oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

Wasiir Diinii “Ciidanka Xoogga dalka qeyb kama ahan dagaalka Gaalkacyo”

 Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ku dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Puntland ay sheegtay in dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo, si uu ugu qeyb qaato dadaalada lagu xalinayo xiisada ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo Kulankii Labaad Guul daro la kulmay

Xulalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan adag waxa ay ku wada ciyaareen garoonka Awassa ciyaar ka tirsan koobka  Cecafa.

Madaxweynaha: “Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan sugidda amniga dalka’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiirada oo isku raacay in dib loo furo safaaradihii Soomaaliya ee hore loo xirey

Kulankii toddobaadlaha oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa la isku raacay in dib loo furo safaaradihii Soomaaliya ee bishii July ee sanadkii 2014kii la xiray.

Daawo Sawirro: Booqashda Wafdigii dowladda ay ku tageen xuduuda iyo wixii ay ku soo arkeen

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo ay wehliyeen Guddiyada Baarlamaanka ee difaaca, Arrimaha Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, maamulka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay degmada Beled-Xaawo, iyagoo kormeeray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo dib loo furay muddo 25-sano kadib (Sawirro)

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa dib loo furay muddo 25-sano kadib, iyadoo laga taagay Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia oo sheegay in dagaalka Al-shabaab ay ku bedeli doonaan Xal Siyaasadeed

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay raadinayso xal siyaasadeed intii ay awood ciidan u adeegsan lahayd soo af-jaridda kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Madaxweynaha Kenya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta aqalka Madaxtooyada ee Harambii House ee magaalada Nairobi.

Ra’iisal Wasaaraha oo xariga ka jaray Taawar cusub oo laga hago garoonka Aadan Cadde

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigay xarunta laga hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taa soo aan shaqeyneyn muddo labaatan sano ka badan lagana maamulayay dalka Kenya waxaa sidoo kale Ra’iisul wasaaraha uu xarigga ka jaray taawarka cusub ee garoonka Aadan Cadde  oo dowladda Turkiga ay dhistay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbada ka jeediyay Shirka Golaha Guud Ee QM

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Qudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee QM ,iyadoo uga hadlay Qudbadda Arrimo farabadan.

Wasiir Hadliye “Shirka New York waxaa ka rajeyneynaa natiijo wanaagsan”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sheegay in shirka guud ee golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee sanadkan ay ka rajeynayaan natiijo wanaagsan.

Tirada ciidamada AMISOM ee lagu diley Soomaaiya tan iyo sanadkii 2009kii oo la shaaciyay

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM tan iyo sanadkii 2009kii ayay soo bandhigtay hay’ad cilmi baaris oo xarunteedu tahay dalka Sweden.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo Tababar uga socda Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa booqday Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar uga socda dalkaas. 

Sweden oo 4-milyan oo dollar ugu deeqday dib u dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham (Memorandum of Understanding –MOU) la gashay Dowladda Sweden.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay, kaasoo ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo xusay in mooshinka uu dib u dhac ku keenayo xaalada dalka iyo horumaradii horay loo gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay, kaasoo ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo xusay in mooshinka uu dib u dhac ku keenayo xaalada dalka iyo horumaradii horay loo gaaray.

Sawirro: Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aallo ka weydiiyay Taliska AMISOM tacadiyadii ay geysteen

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aallo lagu weydiinayay Taliska AMISOM kula yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo Guddigu u yeeray Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou, Kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jeneraal Jonathan Ronu, kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale.

Wasiirka Maaliyadda oo heshiis lagu taageerayo Ciidanka Booliska la saxiixday dowladda Maraykanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya, James P. McAnulty magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis ay dowlada Maraykanku ugu deeqday lacag dhan $1.5 malyan oo lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

C/qaadir Diini “Waxaa dhowaan hirgelin doonaa Warshad sameysa dharka tuutaha Ciidamada”

Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u hirgelin doonaan Warshad sameysa dharka Tuutaha Ciidamada, si looga haqabtiro baahida ciidanka ka heysata dhanka dareyska ciidamada.

General Muqtaar Xuseen Afrax oo loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay taliye ku-xigeenada ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo maanta u gudbineysa Maxkamadda ICJ dacwad Badda ee ka dhanka ah Kenya

 Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbin doontaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ku taala magaalada The Hague dacwada ka dhanka ah Kenya ee ku aadan muranka Badda ee labada dal u dhaxeeya.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xiray Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo dhowaan si qarsoodi ah ku galay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Wasiir Diini “Weerarada Argagixisada kama weecinayaan Soomaaliya iyo saaxibadeeda horumarka iyo dib u dhiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan ah oo tababara Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sagootiyay Xiriiriyihii howlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey Philippe Lazzarini

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey.

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo maanta bilowday qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay muddo 25 sano kadib waxay maanta qaadeysaa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, iyadoo boqolaal arday ay maanta goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho ay ugu fariisteen Imtixaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada ee ka socda gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la fuliyo balan-qaadyadii loogu tala galay Hiigsiga 2016

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay inay dalka gaarsiiso sanadka 2016 doorasho, iyadoo cadeysay inay wado qorshayaashii lagu gaari lahaa Hiigsiga sanadka 2016.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo markii u horeysay mooshin ka keenay Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda

Iyadoo dhowaan Xukuumadda Soomaaliya walaac xoogan ka muujisay darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda ay Soomaaliya la wadaago ayaa markii u horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka waxay ka keeneen mooshin ka dhan ah darbigaas, kaasoo lagu wado in looga doodo kulanka soo socda ee Baarlamaanka.

RW: Al-shabaab waxay la mid tahay Daacish iyo Boko Haram Dadka Ayayna Cabsi-geliyaan

Ra’iisul wasaaraha DF Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay cabsi-geliyaan shacabka Soomaaliyeed, balse aysan awood u lahayn inay dagaal toos la galaan ciidamada is-bahaysanaya.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Ciidanka Kenya ay ka baxayaan dalka sanadka 2017

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday in marka la gaaro sanadka 2017 ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay ka baxayaan Koofurta Soomaaliya.

Xubnaha Somalia iyo Somaliland oo isku eedeeyay Burburka Shirkii Turkiga

Xubnihii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay u kala dirsadeen wadahadalladii Turkiga ayaa dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kaddib markii uu fashilmeen wadahadalladii ay yeelan lahaayeen.

Wafuudii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa

Wafuudii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland u kala dirsadeen wada hadalka Istanbul ayaa maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kadib markii uu fashilmay wada hadalkii labada dhinac dhex mari lahaa.

Xukuumadda oo sheegtay inay wado qorshe looga hortagayo soo noq noqoshada dabka ka kaca Muqdisho

Iyadoo shalay kaalin shidaal oo ku taal agagaarka Black uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyay hanti fara badan oo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay ka xun tahay dabkaas iyo khasaaraha ka dhashay.  

Madaxweyne Xasan “Shabaab meel ayaa saarnay, inta dhiman waa dhameystireynaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay Munaasabada maalinta afka hooyo oo ka dhacday magaalada Muqdisho in xoogga ugu badan ay isugu geynayaan sidii ay Al-Shabaab uga adkaan lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay aysan ka bixin heshiiskii ay horay ula gashay Ahlusuna

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ka bixin heshiiskii ay sanadkii 2013 ay la gashay Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca, iyadoo dowladdu xustay in waxyaabihii horay loogu heshiiyay ay wax badan ka qabsoomeen.

Madaxweynaha “Sanadkan waa sanadkii la dagaalanka Musuq maasuqa wax dulqaad oo loo yeelanayo ma jirto”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan ay dowladiisa la dagaalami doono musuq maasuqa, kaasoo si baahsan u hareeyay hey’adaha dowladda Federaalka.

Dowladda Somalia oo Dib Uga Biirtay Machadka Qorsheynta Dalalka Carabta -

Dowladda Somalia ayaa uga biirtay xubnaha xarunta machadka qorsheynta dalalka carabta oo fadhigiisu yahay dalka Kuwait. Iyadoo xarunta machadka lagu qabtay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay dowladda Soomaaliya.

Somalia’s Parliament session ends in chaos

The session of Somali parliament turned chaotic after the members of federal parliament against the motion shredded the attendance register and disabled the loud speakers in the hall to disrupt the session.

Khilaafka Madaxda Somalia oo dib u dhigay Kulamadii Somalia iyo Somaliland

Khilaafka soo dhexgalay madaxda Soomaaliya ayaa sababay inuu dib u dhac ku yimaado wadahadalladii u socday Somalia iyo Somaliland oo lagu waday inay toddobaadkan ka dhacaan dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Somalia oo Shir Caalami ah uga Qayb-galaysa Xarunta dalka Kenya ee Nairobi

Dowladda Soomaaliya ayaa shir heer caalami ah oo lagu qaban doono magaalada Nariobi ee xarunta waddanka Kenya berri ka qaybgalaysan, kaasoo la filayo inay kasoo qaybgalaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim.

Federal Government of Somalia is concerned by Human Rights Watch allegations

Mogadishu, 09 September, 2014 -- The Prime Minister of the Federal Government of Somalia H.E Abdiweli Sheikh Ahmed notes with concern the grave allegations of sexual exploitation made by Human Rights Watch in their report on the conduct of AMISOM peacekeepers.

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay ka xun tahay Weerarkii Saax-dheer

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ka xun tahay weerarkii ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool, iyadoo ku baaqday in la joojiyo colaadaha iyo dhiigga daadanaya.

Dowladda Soomaaliya oo QM u dirtay Dacwad ku Saabsan Xuduudaha Badda

Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay dacwad la xiriirta muranka badda ee kala dhexeeya Kenya, si loo ogaado xadka badda ee uu dal walba leeyahay.

Daawo Sawirada Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay kulan looga hadlay maamulidda deeqaha Japan siiso dalka

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa shalay kaga qeybgalay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan seddex geesood ah oo looga hadlayay maareynta deeqaha maaliyadeed ee dowladda Japan ugu deeqday Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka Iyo Soomaaliya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Booliiska

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu taageerayo booliiska Soomaaliya.

Xukuumadda Somalia oo cambaareysay duqeynta Israa'iil ay kuwaddo Gaza

War-saxaafadeed kasoo baxay maanta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay go'aankii Israa'iil ay ku sheegtay 20-kii bishan inay ku xoojinayso duulaankooda joogtada ah oo ay ku qaadday Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Soomaaliya oo Saxiixday Heshiiska Ciidamada Heeganka ee Dalalka Bariga Africa

Madaxda dalalka Bariga Africa ayaa magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea maanta ku gaaray heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo ciidamada heeganka ee ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee lagusoo gaabiyo (EASF), waxaa Soomaaliya heshiiskaasi u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dowladda Somalia oo diiday ka qaybgalka shir ka dhici lahaa Magaalada Nairobi

Dowladda Somalia ayaa diiday ka qayb-galka shir looga hadlayo qoxootiga oo maanta ka furmi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay sababaha ay shirka uga baaqatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida qoxootiga ku ah dalkaas.

XAAMUD: Haddii la joojin waayo dagaalka Baladxaawo AMISOM way baxaysaa

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlayay dagaallada degmada Balad-xaawo ee u dhexeeya dhinacyo ku dagaalamaya gacan ku haynta degmadaas ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay bixi doonaan haddii aan la joojin dagaalkaas.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Shabeelaha Hoose

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Gobolka Shabeelaha Hoose, intii uu ku guda jiray booqashadiisa gobolkaas ee todobaadkii hore.

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Soomaaliya u fadhiya Kenya

Warar soo baxaayo ayaa sheegaayo in Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa falkii ciidamada booliska Kenya ku xireen Safiir kuxigeenkii ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya u fadhiya Kenya Siyaad Maxamuud Shire ayaa u yeertay Safiirka iyo Qunsulka inay si deg deg ah Muqdisho u yimaadaan.

Soomaaliya oo ka mid noqotay shan dal oo Ciidamo u diraya Koofurta Sudan

War ka soo baxay Xarunta Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socda ilaa shan dal oo ka tirsan IGAD, kuna jirto Soomaaliya ay ciidamo u dirayaan dalka Koofurta Sudan, si ay u dejiyaan xaalada dalkaas ee dagaalada ka jiraan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi Oo Kala Saxiixday Heshiis Xagga Iskaashiga ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee Burundi ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada dowladood, iyadoo munaasabaddii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood.

Somali Government assures International partners its commitment to ongoing reforms of Somali institutions

Ridwaan Haji, Government spokesperson, said: “The Federal Government of Somalia has an unshakeable commitment to good-governance.

Somalia to take over control of airspace by year end

Somalia is preparing to take over the control of its airspace from the International Civil Aviation Organization (ICAO) for the first time in two decades.

President Hassan condemns the Boston attack.

The President of the Federal Republic of Somalia H.E. Hassan Sh. Mohamud and the Government of Somalia condemns in the strongest possible terms the bombing attack that took place 15th of April 2013 in Boston, Massachusetts, US.

Somali robber sues UK £50k for ‘nightmares’

AN asylum seeker with a string of criminal convictions is suing the Government — claiming its bid to deport him gave him NIGHTMARES. 

Security Council to Assess Somalia Mission

The U.N. Security Council is preparing to consider a report on Somalia from Secretary-General Ban Ki-moon that includes options and recommendations for a future U.N. role in the country.

Kenya tensions spark Somali refugee flight

Nairobi, Kenya - The shopping malls and market stands of a Somali-dominated suburb in eastern Nairobi have been quieter than usual.

U.S. urges lifting of U.N. arms embargo on Somalia: envoys

The United States is urging fellow members of the U.N. Security Council to agree to demands by the government in Mogadishu to lift the arms embargo on Somalia, which has been in place for the past 21 years, U.N. diplomats said on Tuesday.

EU pledges "New Deal" for Somalia in leader's first visit

Somalia's new leader secured promises of an economic and political "New Deal" during his first European Union visit Wednesday, two weeks after the nation's government formally won US recognition.

Somali women seek a brighter future in Mogadishu

With Somalia's UN-backed government consolidating its hold over the capital, Mogadishu, and other areas from al-Qaeda-linked militants, many women are returning to help rebuild the country, reports the BBC's Kate Forbes.

Somalia: A failed state is back from the dead

Less than two years ago, its capital was a war zone. No longer

Somalia steps up bid to recover assets stashed in foreign states

The Somalia Government is working on a plan to recover assets running into millions of dollars frozen by foreign governments and organisations since the collapse of the central government in 1991.

Security Challenges Await Somalia After Historic Year

NAIROBI — In the last 12 months, Somalia has approved a new constitution, selected a new parliament, president and prime minister, making way for the first stable government in over 20 years.  

Tropical Cyclone Threatens Somalia

A recently developed tropical cyclone will threaten portions of Somalia with heavy rain early this week.

Sudanese extremist cell members planned to fight in Somalia

December 9, 2012 (KHARTOUM) – Members of an extremist cell uncovered in East Sudan were planning to travel to Somalia and join ranks of Islamic insurgents there, Sudan Tribune has learned.

UN launches 1.3-billion-dollar appeal for humanitarian needs in Somalia

UNITED NATIONS, Dec. 4 — The United Nations on Tuesday launched a 1.3-billion-U.S.-dollar humanitarian appeal to address the immediate needs of the Somali people over the next year and enhance resilience in the country, which has for decades been mired in conflict, drought, floods and food insecurity.

Culture shock awaits Somali returnees

HARGEISA, Somalia (AFP) — Two years ago, fashion designer Ayan Hussein left the high-end stores of Britain's capital for a stab at promoting fashion that was in line with Muslim tradition in her Somali homeland.

Somalia and the EU working together on governance, education and jobs

Mogadishu, 03/11/2012, Today, the EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d'Urso, and the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, have launched together in Mogadishu the new EU development package of 158 million euros that will be implemented in line with the priorities of the Somali Government.

Judge calls Minn. terror defendant who recently worked at a school a 'danger' to the community

 A Minnesota man who has been accused of using his knowledge of the Quran to persuade young men to leave the state in 2007 and fight with terror group al-Shabab in Somalia has been working in a position of authority at an Islamic school, authorities said Wednesday.

Dowladda Soomaaliya oo safiiro u magacowday dalalka Yemen iyo Iran

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirro u magacowday dalalka Iiraan iyo Yemen, kuwaasoo warqadahoodii aqoonsigooda u gudbiyay madaxweynayaaasha labadaas dal, Maxamuud Axmedinajad iyo Cabdi-rabbu Mansuur Haaddi.

Witness says he heard that Minn. defendant paid for weapons for Somali group’s recruits

A Minnesota man who spent two months with a terrorist group in his native Somalia told a jury Tuesday that another man on trial for allegedly helping funnel recruits to the group provided money to buy weapons for fighters.  

Over 250 Al-Qaeda linked Al-Shabaab militants to surrender

Mogadishu- Some 200 Al Shabaab militants surrendered to African Union Mission in Somalia (AMISOM) forces Saturday in Garsale, nearly 80 kilometres from Somalia’s capital Mogadishu, even as the Al-Qaeda linked group continues to suffer significant setbacks.  

Somali president, Kenyan FM escape bomb attack

Somalia's new President Hassan Sheikh Mohamud and the visiting Kenyan foreign minister escaped unharmed on Wednesday from an apparent suicide bomb attack on a Mogadishu hotel where they were holding a news conference, witnesses said.

Aqriso Magacyada musharixiinta buuxiyay sharuudaha

Guddiga doorashada madaxtinimada dalka, ayaa soo bandhigay magacyada 25 musharax oo ay sheegeen inay ka soo gudbeen sharuudihii looga baahnaa.

Minnesota: Refugee health issues now more complex

ST. PAUL, Minn. — Today's refugees settling in Minnesota tend to have more complex health problems than before, according to the Minnesota Department of Health's Refugee Health Program.

From one diaspora to another

The American ambassador to Denmark on her initiative to bring Somali Danes and Somali Americans together.

Somalia’s drawn-out election seen internationally as a success

“Historic,” “progress” and “optimism” do not seem like fitting descriptions of Somalia’s election.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS